Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Is that what really happended ??

Recommended Posts

Shaqaaqadii Ka Dhacday Boosaaso Oo Wasiir Kamid ah Puntland Uu Kahadlay

 

Boosaaso}25.10-7

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Beeraha iyo deegaanka ee maamul gobaleedka Puntland Cali Buurood ayaa ka war bixiyay shaqaaqadii ka dhacay xaafada Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaaso.

 

Cali Buuro ayaa ka mid ahaa gudi uu cadde Muuse u magacaabay soo xalinta arintaa kuwaas oo ku howlanaa sidii ay u soo af jari lahaayeen khilaaf ka dhex taagnaa saraakiisha ciidamda howlgalka fuliyay iyo odayaasha ku heybta ah ragii lagu weeraray guriga markii dambana is dhiibay.

 

Wasiirka ayaa sheegay in markii hore ay arintu ku dhacday si kadis ah isla markaana loo maarreeyay si khalad ah loona baahnaa in ciidamadu ay ka war sugaan inta ay odayaashu ay xal ka keenayaan balse lagu fududaaday.

 

Wasiirka aya sheegay mar uu ka hadlayay si uu mamaulkiisa u wajahay xaalada shaqaaqada ayaa waxaa uu yidhi

 

“ maamulka Puntland ma ahan malaa’ig waa uu khaldami karaa shacabkiisa ayuuna ku khaldami karaa wax waa hagaajin karaa waxna waa khaldi karaa mida kale qofkii xil hayo xilkaa wax waa uu ku khaldi karaa waxna waa uu ku sixi karaa”

 

Wuxuuna intaa ku daray “marka hada waxan ku jiraa in aan soo af jaro arintii dhacday oo ahayd mid aad looga xumaado”

 

Isku soo wada duuboo waxaa markii ay shiqaadu dhacay laysla dhex maray warar badan kuwaas oo qaar ka mid ahi shegeen xiligaa in raga la weeraray ahaayeen kuwo isku aruursanayay guriga kana haystay hub wadayna abaabul ka dhan ah maamulka Puntland

 

Waxaan ilaa iyo hadda si cad loo hayn tirade raga is dhiibay iyo khasaaraha soo gaadhay xiligaa waxaan sidoo kale aan war laga heyn meesha ay ku sugan yihiin.

 

 

widhwidh.com :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this