Sign in to follow this  
Garyaqaan2

RAADIYO REER HEBEL

Recommended Posts

Halkani waa Raadiyo reer hebel, codka mustaqbalka beelaha isuma taliso loomana taliyo oo aad kala socotaan Mowjadaha gaaban ee danta gaar ahaaneed ee reeraha iyo tan dhexe ee jilibyada, iyadoo Caalamka intiisa kalena ay nagala xiriiri karaan Aalada Sataleydka ama ciwaankeena "">www.caadifad.com.[/b]

Ugu horeyn ku soo dhowaada war wixii kor iyo hoos naga soo gaaray oo uu noo soo jeediyo Weriye War-mooge. Mahadsanid Been Haadshe.

 

Qodobada wararka ugu doorka roon ee uu Raadiyo reer Hebel idiin hayo waxaa ka mid ah: Agaasimaha Idaacadda Raadiyo reer hebel oo wareegto soo saaray, Dadka Muqdisho oo badankood walaac ka muujiyay keenista Ciidamada shisheeye iyo Digniin uu soo saaray Nabadoonka beesha Looma galaan iyo warar kale.

Agaasimaha Idaacadda Raadiyo reer hebel ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo baahinta wararka lagu taageerayo ama lagu soo dhoweynayo Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya, faah faahinta warkaasna waxaa inoo haya Weriye Magac-doon.

 

Wareegtada uu soo saaray Agaasimaha Raadiyo reer hebel Dr. Daneyste ayaa lagu sheegay in laga bilaabo xilligan la mamnuucay wararka lagu taageerayo Dowladda Federaalka isla markaana lagu soo dhoweynayo, waxaa sidoo kale wareegtadaasi lagu wargeliyay dhammaan madaxda iyo maamulka Idaacadda iyo TV-ga reer hebel inay raadiyaan ama buun buuniyaan wararka lidiga ku ah xukuumada iyo wareysiyo lagu cambaareynayo laguna mucaaradayo in dalka la keeno Ciidamo shisheeye si aanay shaqadeena u istaagin Barii-skeenana ciid loogu shubin.

 

Weriye Magac-doon, Raadiyo reer hebel.

 

 

Jan. Far toogte oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka digay Ciidamo Afrikaan ah oo dalka yimaada, isagoo sheegay inay keeni karaan cuduro sida AIDS iyo macaasida, “Anaga ayaa ku filan in Hub ka dhigis lagu sameeyo maleeshiyooyinka dibna loo qalabeeyo Ciidamadii Xoogga oo nala siiyo kharashka faraha badan ee ku baxaya Ciidamada shisheeye,†sidoo kale Drs. Dibad joogto oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed dhowaana dalka ku soo laabatay ayaa sheegtay inay dhibaato u ho-rseedi karto Gabdhaha sharafta leh ee Soomaaliyeed haddii xerooyin iyo Saldhigyo ay ka sameystaan Muqdisho Ciidamada shisheeye, “Dibadda waxaan uga soo tegay oo aan ku arkay ayaa igu filan, dalkeena iyo diinteenana waa inaan ilaasha-naa, waayo 13-sano ayaan dibadda jiray.

 

Dhinaca kale Sheekh Duubte oo ka tirsan Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka digay keenista Ciidamada shisheeye, “Shareecada Islaamku ma ogola in Gaalo ay soo farageliyan dalkena & diinteenaâ€.

 

Gabagabadii shacbiga Muqdisho waxay dareenkooda ku cabireen inaan loo baahneyn Ciidamo shisheeye. Weriye Carab-dheer R/Hebel.

 

Nabadoonka guud ee beesha Looma galaan Md. Kiish weyne ayaa ka digay in la jebiyo Xabbad joojintii la dhex dhigay iyaga iyo reer Kaama Haraan, isagoo sheegay in maleeshiyooyinka reer Kaama haraan ay habeenadan bilaabeen inay Gabdhahooda u soo haasaawe tagaan, taasoo keeni karta buu yiri colaad hor leh oo cirka isku sii shareerta, war wixii kor iyo hoos naga soo gaaray waa naga intaa. Ku soo dhowaada heestii Dulleysane Wiilkayow ee ka bogasho wacan.

 

= Dulleysane Wiilkayow, anoo dableeyaan ku dhalay, dabadeed waxaan galay Istaaf, anoon weligey *** nixin iyo dil baan kugu soo korshoooo.

 

=Da’dey wuxuu diin baraayay, asaagey duruus baraayay, daar baan kuu xoreeyay aabe.

 

= Markaad dugsi-diid bilowday, adoon daash joog ad noqon inaad derbi-jiif ahaato, hadaad dooratoo jeclaatay ducaan kuu hibeeyay aabe .

 

=Dagaalka intaad dhex joogto, dirirtu yar yareysi ma leheee haddii dabka la isa saaro, ha noqon, ha noqon fulay dib u didaaya.

 

= Tomson yaan lagugu xaman, dabajeex weligaa lahow, waxaad aragtana dab saar, balwada daacad u ahaw, balwada daacad u ahaw.

=

Ha diidine duqeena raac, beeshaada naftowgu deeq, waxaan dilya dafid ahayn, dulleysane kuguma ogi, dabkeenuna duugmimaayee, adiyo inta kula dableydaan dardaaran idinka dhigayaa, , dardaaran idiinka dhigayaa, dardaaran idiinka dhigayaa. Gabagabadii waa Farsamayaqaan fadhi xume iyo xiriiriye Fowdiiste oo idin leh aan is cafino.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this