Sign in to follow this  
Mahdi

Wargayska Kaaha Barri

Recommended Posts

Mahdi   

ABAABUL JAB-HAD KA SOO HORJEEDA D/FEDERALKA SOMALIYA OO HUBEYSAN

 

SHIRKADA SHIDAALKA IYO DIGAAGA P/LAND ·

 

PUNTLAND MA KU TUSAALE QAADANAYSAA KHIYAAMADII KU DHACDAY S/LAND IYO PROF. GEEDDI? ·

 

SAMAYN LACAG FAALSO AHI WAA BURBURIN DHAQAALAHA DALKA IYO DADKA

 

TAHRIIBTU XUJO AYEY KU TAHAY MAAMULKA PUNTLAND IYO CANBAA-REYN CAALAMI AH

 

HAY’ADDA GRT OO KA HAWL GELEYSA DEGMOOYINKA BARAN, HADAAFTIMO, ISKU SHUBAN, XAAFUUN, DHAHAR IYO B/BAYLA

 

16da- September 2005 Kaaha Bari Sanadka13aad Cadadka 708aad Boga 2aad

 

ABAABUL JAB-HAD KA SOO HORJEEDA ...

 

http://www.garoweonline.com/2004pro/index.php?id=1707

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Tifaftirihii W. Kaaha Bari Ayaa Xabsiga Loo Taxaabay

 

• Waxaa maanta xabsiga loo taxaabay Prof. Khaliif Maxamed Barre oo ah Tifaftiraha Wargesyka Kaaha Bari, waxaana lagu xiray xarunta la dagaalanka Argagixisada ee magaalada Boosaaso,...

 

 

Sidaasna waxaa Idaacada Midnimo u sheegay Cumar Maxamed Barre oo ay walaalo yihiin.

 

Sababta loo xiray Khaliif Maxamed Barre ayaan ilaa iminka la sheegin, haseyeeshee qoraal xarigiisa amraya ayaa la sheegay in ay gudbiyeen Taliyaha Booliska iyo Xeer Ilaaliyaha Gobolka Bari.

 

Toddobaadkii la soo dhaafay dabayaaqadiisii ayaa Wargeyska Toddobaadlaha ah ee Kaaha Bari wuxuu wax ka qoray shirkad Ajnebi ah oo dhowaan Maamulka Puntland uu heshiis kula soo galay wadanka Imaaraadka Carabta, shirkadaasoo la sheegay in ay wadanka ka baari doonto macdan iyo shidaal, waxaana loo aaneyn karaa xariga Tifaftiraha in uu ku lug leeyahay Maqaal si kulul uga hadlay shirkadda Concort oo Wargeyska lagu qoray.

 

Prof. Khaliif Maxamed Barre ayaa ah Suxufiga ugu da’da weyn gobolada Puntland, wuxuuna dhashay sanadkii 1942dii, wuxuuna Tifaftire ka yahay Wargeyska Kaaha Bari oo ah Wargeyska ugu da’da weyn saxaafada Puntland.

 

Xariga Profosoorka ma aha kii ugu horeeyey ee loo geysto Suxufiyiinta Puntland mudadii uu Maamulka hayey Madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse, waxaana ka horeeyey Suxufiyiin ka tirsan Idaacada STN Bosaso oo iyagana xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso lagu xiray, hasyeeshee markii danbe la sii daayey.

 

Dastuurka Puntland ayaa qoraya in Saxaafadu ay madax banaan tahay, sidoo kale qofka muwaadinka ahi uu ra’yigiisa cabiri karo, haseyeeshee, waxaad moodaa in Suxufiyiinta Puntland uu Maamulka xiligan jiraa ku dhiiran yahay in uu si sahlan xabsiyada ugu xiro, iyagoo aan maxkamadi soo amrin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this