Sign in to follow this  
Emperor

Villa Somalia: Somali President meet Italy foreign minister

Recommended Posts

Emperor   

Muqdisho: Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga iyo Madaxweynaha dowladda KMG oo Kulan ugu socdo Villa Somalia.

19. Maj 2007 APL

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada dowladda Talyaaniga Patricia Sentineli ayaa saakay ka soo degtay garoonka diyaaraddaha magaalada Muqdisho iyadoo haatan kulan ugu socdaa xarunta Villa Somalia oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowladda KMG ah Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Wafdiga wasiir ku xigeenka oo saakay soo gaartayy ayaa waxaa la filayaa in marka uu soo gabagaboowo kulanka ay la leedahay Madaxweynaha ay sidoo kale la kulanto Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Qaran Md. Cali Mahdi Maxamed oo ay kala hadli doonto arrimaha shirka dib u heshiisiinta Qaran.

 

Patricia Sentineli oo ka soo duushay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa halkaasi waxay kula soo kulantay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Males Zenawi iyagoo ka wada hadlay arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Dowladda Talyaaniga ayaa tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii dhexe ee dalka Soomaaliya aan wafdi heerkaan oo kale ah u soo dirin dalka Soomaaliya iyadoo wafdigii ugu sareeyay uu iminka yimid.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

MUQDISHO: Wafdigii ka socday Talyaaniga iyo Madaxda Dowladda oo kulan albaabadu u xiran yihiin ku leh Villa Somalia

Posted to the Web May 19, 12:11

 

 

Muqdisho (PP) – Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Haweeneyda lagu magacaabo Partizio Santinelli ayaa soo gaartay Muqdisho kulammana kula leh Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisul wasaare Geeddi xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

 

 

 

Kulankaan ayaa ah mid ay albbaabadu u xiran yihiin, waxaana lagu wadaa in marka uu kulanka dhammaado ay si wadajir ah ula hadlaan Saxaafadda iyagoo faafaahin ka bixin doona kulankooda iyo wixii ka soo baxay.

 

 

 

Wararka ka soo baxaya Madaxtooyada ayaa waxay sheegayaan in kulankaan uu yahay mid ay kaga hadlayaan Wafdiga Talyaaniga ka socda iyo Madaxda Dowladda Federaalka Xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii Midowga Yurub uu gacan uga geysan lahaa arrimaha dalka Soomaalya ka oogan.

 

 

 

Marka uu kulankaan dhammaado ayaa waxaa lagu wadaa in Santinelli ay kulan gaar ah la yeelato Guddoomiyaha shir dib u heshiisiinta Qaran ee Soomalaiya Mudane Cali Mahdi Maxamed iyadoo aan sheegin waxa ay rasmi ahaan ka wadahadli doonaan balse lagu wado inay ka hadli doonaan shirka dib u heshiisiinta iyo qabsoomidiisa.

 

 

 

Wixii warar ah ee ku saabsan shirkaan socda kala soco Shabakadda wararka ee Puntlandpost haddii RABBI ogolaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga iyo wafdi ay hogaaminayso oo soo gaartay Muqdisho.

Posted to the Web May 19, 12:17

 

 

Muqdisho:-Wafdi ay hogaaminayso wasiir ku xigeenka arrimaha dibada dalka Talyaaniga Patrizia Sentineli ayaa goor dhaweyd ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

 

Waa booqashadii ugu horreysay oo magaalada Muqdisho uu ku yimaado masuul ka tirsan midowga Europe tan iyo markii uu joogsaday dagaalkii u dhaxeeyay kooxaha kacdoonka iyo ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFKM oo is garabsanaya.

 

Wasiirka ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga haweeneyda lagu magacaabo Patrizia Sentineli ayaa u sheegtay saxaafada kadib markii garoonka ay ka soo degtay in ujeedka socdaalkeeda uu yahay sidii ay kulamo ula qaadan lahayd madaxda DFKM iyo guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaran. Cali Maxmed Maxamed.

 

Wafdiga wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga ayaa maalmahan booqasho ku marayay geeska Africa ayago booqasho ku tagay wadamada Uganda iyo Ethiopia.

 

Halgan.net

C/qaadir Osman

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   
Deg deg: Wefdigii ay hogaamineysay W/Arrimaha dibedda Talyaani oo goor dhoweyd soo degtay, kulana la leh m/weynaha iyo R/wasaaraha - reported by Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

JB what the last bolded word mean in this, VICE MINISTER...

 

Of course she is a minister, who says no?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Talyaaniga iyo Madaxweynaha dowladda KMG oo Kulan ugu socdo Villa Somalia.

19. Maj 2007 APL

 

Muqdisho(AllPuntland)- Wasiir ku xigeenka arrimaha dibada dowladda Talyaaniga Patricia Sentineli ayaa saakay ka soo degtay garoonka diyaaraddaha magaalada Muqdisho iyadoo haatan kulan ugu socdaa xarunta Villa Somalia oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowladda KMG ah Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

ISN'T THIS YOUR FIRST POST ??????

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

And yes I stand by that, here is another one

 

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga oo saacadaha soo socda imaan doonto Magaalada Muqdisho

 

 

Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga ayaa ku soo fool leh Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,iyadoo Wafdigan ka soo kictimi doonaan Caasimadda waddanka Itoobiya.

Wafdigan Talyaaniga waxaa hoggaaminaysa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Patricia Santinelli, iyadoo la kulmi doonto Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Ahmed iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Cali Maxamed Geeddi,waxayna isla soo qaadi doonaan xaaladda waddanka Soomaaliya iyo Siyaasadda Talyaaniga ee ku aadan Soomaaliya.

 

Dowladda Talyaaniga waxay dhawr jeer ooh ore muujisay sida ay u diidan tahay rabshadaha dagaal ee ka socda Soomaaliya,waxayna ugu baaqday Dowladda Itoobiya in ay Ciidamadeedu kala baxdo Soomaaliya.

 

Maamulka Roma waxaa uu soo dhaweynayaa shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee la qorsheeyay in bisha soo socota ka furmo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Waxaa laga yaaba in Wafdiga Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Talyaniga la kulmaan Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaran Cali Mahdi Maxamed.

 

Ka hor inta aysan ka soo duulin Magaalada Adis ababa waxay wada hadalo muddo qaateen la yeelatay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zanawi waxayna ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Is that you yaa Abti_Xaafid? Waad nawareerisay walahi... I had to go back and check things you know lol

 

Maxaa kuudiiday marki hore, I told you were the real King of Puntland (Ilaahaybaa boqor ahee), Adeerkaa Cadde meeshana wuu qasayee naga qabo.... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

No Sxb Duke will back in due time...

 

Yeah Boqoroow we need to push for Cadde's step down peacefully... gota play your role...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this