Sign in to follow this  
Jacaylbaro

3 Million Dollars Project in Somaliland

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-06-26 (Hadhwanaagnews) Berbera(HWN): Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa shacbiga reer Berbera kala qeybgalay Xuska Sanad-guurada 47aad ee ka soo wareegtay Markii ay Somaliland Xornimada ka qaadatay Maxmiyadii Ingiriiska 26 June 19960-kii oo saaka lagu qabtay Fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaalada Berbera.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo khudbad ka jeediyey fagaaraha Beerta Xoriyada ee Magaalada Berbera ayaa waxa uu ugu horeynba uu hanbalyo u diray guud ahaanba Shacbiga reer Somaliland inay horumar gaadhaan, sanad-guurada 47aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland Xor-nimada ka qaadatay

 

Md. Rayaale waxa uu sheegay inuu xuskani isugu jiro farxad iyo murugo, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi. “ Xuskan 26 june 2007, waxa uu isugu jiraa Farxad iyo Murgo, Farxad la helay xor-nimadii maalintaasi iyo murugo sidii dhibta yareyd ay ku luntay, inkastoo dib loo soo celiyey sanadkii 1991-kii”.

 

Kadib, khudbadaas uu ka jeediyey fagaraha Beerta xoriyada ee maagalada Berbera Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu dhagax dhigay sadex warshadood ee kala ah Warshada Sibidhka, Dhuxul-dhagaxda iyo Jib-sinka. Waxaanu sheegay Madaxweyne Rayaale Sadexda wershadood ee uu dhagax dhigay inay yihiin asaaskii dhismaha warshadeynta dalka Somaliland.

 

Waxa uu ku tilmaamay Sadexdaa warshadood markay hir-galaan kuwo abuurayaa shaqooyin fara badan. Isla mar ahaantaasina korontada laga helaa inay suurta-gal ka dhigayso maal-gashiga kale ee khayraadka Bada sidii loola soo bixi lahaa.

 

Madaxweynaha Somliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu sheegay inay khubarada ka socota dalka Jarmalku ay diyaariyeen dhaqaalihii ay ku maal-gelin lahaayeen warshada Cusub oo uu sheegay inay ku kacayso $300, 000, 000 oo Dolar,isla markaana waxa uu tilmaamay inay hawasha mashruucani ay bilaabmidoonto wixii ka danbeeya bisha Ramadaan ee inagu soo fooda leh.

 

Madaxweyne Rayaale oo la hadlayey dadka reer Berbera ayaa waxa uu sheegay inay dadweynaha reer Berbera si gaara uu xil uga saaran yahay soo dhaweynta shirkadaasi maal-gelinaayaa dhismaha warshadahan sadexda ah, isla markaana waxa uu ku tilmaamay Berbera inay tahay meesha ay Somaliland noloshu ka soo gasho, hadana ay dadkeedi ka guureen markii ay u adkeysan waayeen duruufaha qalafsan ee dhinaca Cimilada.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ka dhawaajiyey balanqaadyo dhinaca Caafimaadka iyo Waxbarashada, oo uu sheegay inay dhawaan laga hirgelindoono Magaalada Berbera.

 

Madax Ka Socotay dalka Jarmalka ee iyagu maal-gelinayaa mashuurcan ayaa waxa uu sheeegay in la gaadhay xiligii la bilaabi lahaa hawsha warshadaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

i bileieve the three large factory which include a cement factory underground coal factory and third which am not sure yet are set to cost 300M, or that what the government are saying atleast, which seems alot but then again Berbera really needs these large scale investments if it is set to compete other regional ports such as Djbouti and Asmara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Asmara is not a port, massawa is. Both massawa and berbera have been lacking, the only two ports working are port Jibuti and port Bosasso. As for these projects, it will make a lot of difference because the less we make at home rather then import, the better but thats if they take off and are not environmentally harmful. and what the hell a is a coal factory, it is a mine?

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Good news. Somaliland's lack of investors is/was one of the disadvantages of not being recognized and Berbera deserves this the most.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this