Sign in to follow this  
General Duke

Presidential election pushed back to 10 October

Recommended Posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Doorashada Madaxweynah laga dhigay 10 Bisha Oktoobar 2004

 

Nairobi :- Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wada tashi ah isugu yimid ayaa looga hadlay in wakhti dib loo dhigo doorashooyinka Madaxweynaha dalka Soomaaliya si ay Musharaxiinta wakhti ugu helaan Loolankooda siyaasadeed.

 

Baarlamaanka ayaa maanta wakhti dheer ka hadlay codsi ay soo gudbiyeen qaar kamid ah Musharaxiinta oo codsaday in wakhti la siiyo, waxaana taas u dheer in lagu wado in ay Wasiirada IGAD ay wakhti u heli doonin in ay ka qeyb galaan Doorashada hadii la qabto 22ka bishan, ayadoo ay inta badan madaxda IGAD ku maqan yihiin shir ka dhacaya 21ka bishan xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

 

Inta badan Xildhibaanada ayaa isku raacsanaa dib u dhigida Doorashooyinka ayaado uu jiray khilaaf ah wakhtiga la qabanayo doorashooyinka.

 

Kooxo kalo ra'yi duwan ayaa soo jeediyey wakhtiyo kala duwan, kooxo u badan SRRC ayaa ayagu soo jeediyey in la qabto Doorashooyinka 15 Oktoobar, halka kuwo kale ay soo jeediyeen in la qabto 30 bisha September iyo qolo ayaduna rabtay in la qabto 2da Oktoober.

 

Ugu danbeyntii ayaa la isku raacay in doorashada Madaxweynaha la qabto 10ka Bisha soo socota ee Oktoobar, ayadoo dhowr todobaad la siiyey musharaxiinta in ay kusoo afjaraan ololahooda doorashada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

very strange,

I think it will still take place on next wednesday, Sept. 22

You are so in the know arent you Otali :D

 

.................................................................

 

Kulan uga furmay xubnaha baarlamaanka Mbagathi saaka oo soo gabagaboobay ,doorashooyinkii madaxweynaha iyo labadii Guddoomiye ku xigeen oo wakhti loo qabtay

By Dharbaaxo Posted to the web 18-09-2004, 17:01:07

 

Nairobi:-Waxaa saaka 11:00 subaxnimo kulan uga furmay xubnaha baarlamaanka federaalka KMG Soomaaliyeed madashada shirka dib u heshiisiiintu ka socdo ee Mbagathi,iyadoo kulankaasi ka soo qaybgaleen oo ay soo xaadireen 200 xubnood ee ka tirsan 275ta xubnaha baarlamaanka federaalka soomaaliyeed ee dhawaan loo yagleelay dalka,inkastoo marba marka dambeysa ay soo galayeen Hoolka shirka xubnaha baarlamaanka,taasoo lagu sheegay inay maanta yimaadeen 230-240 xildhibaan,iyadoo la dhaariyey Xildhibaan Axmed Cismaan Jibriil(Gorrilla) oo aan horey uga qaybgalin dhaarihii hore.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliyeed,Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wuxuu sheegay inay maanta tahay maalintii ugu horreysay ee uu guddoomiyo xubnaha baarlamaanka ilaa iyo markii la doortay,isagoo ugu baaqay Ummadda soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan inay soo dhaweeyaan dawlada ka soo baxda dalka Kenya,islamarkaasna ay si wada jir ah u qaataan nabad si dadka soomaaliyeed uga baxaan 14ka sano ee colaadaha sokeeye la dageen.

 

Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wuxuu dhinacyada ku dagaalamaya soomaaliya ugu baaqay inay xabada joojiyaan,isagoo sheegay inay dadka soomaaliyeed ******** in cidina dagaal wax ku qaadi karin,iyadoo uu tilmaamay inaysan soo kordhinayn waxba aan ka ahayn inay dad ku qurbaxaan,wuxuuna xubnaha baarlamaanka ka codsaday inay ilaaliyaan sharciga oo ay fahmaan xilka saaraan ee ay dadka iyo dalka u hayaan,isagoo ugu dambeyntii soo jeediyey in la sameeyo Gudi KMG ah oo isaga la shaqeeya inta laga dooranayo Labada Guddoomiye-ku xigeen,iyadoo uu soo bandhigay magacyada gudigaasi,wuxuuna xubnaha baarlamaanka u sheegay inay wax ka bedeli karaan,iyagoo soo dooran kara cida ay rabaan,waxayna gudigaasi kala ahaayeen:

 

1-Axmed Maxamed Saleebaan

2-Ibraahim Sh.Cali Jeebbe

3-Cali Axmed Jaamac(Jangali)

4-Drs.Fahmo Axmed Nuur

 

Guddoomiyaha baarlamaanka,Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wuxuu u sheegay xubnaha baarlamaanka in doorashadii madaxweynaha hore loo qorsheeyey inay dhacdo 22ka bishaan aan ku jirno,hase yeeshee aysan suurtagal ahayn inay xiligaas dhacdo,isagoo u soo jeediyey xubnaha baarlamaanka maadaama ay ka miisaan culus tahay doorashooyinka kale ay haboon tahay in wakhti ku filan la siiyo dadka iyagu u tartamaya jagadaasi,sidaas darteedna uu soo jeedin lahaa in laga dhigo 2da bisha October ee soo socota,waxayna xubnaha baarlamaanku bilaabeen inay ka doodaan wakhtiga ku haboon ee ay dhici karto doorashadaasi.

 

 

Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo isagu ahaa qofkii ugu horreeyey ee arrintaas ka hadlaya ayaa wuxuu u hambalyeeyey Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan,isagoo u rajeeyey in ilaah u fududeeyo hawlaha adag ee horyaal ee loo baahan yahay inuu qabto,wuxuuna sheegay inay doorashada madaxweynuhu ka culus tahay kuwa kale,sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in wakhtiga la kordhiyo ay dhici doonto doorashadaasi oo laga dhigo 10ka-15ka October,isagoo u jeediyey xubnaha baarlamaanka in hab awood qaybsi ah wax lagu qaybsado,iyadoo uu carabka ku dhuftay in 4.5 awoodda dawlada lagu qaybsado,isagoo sheegay labada Guddoomiye ku xigeen iyo 3da Raisal wasaare ku xigeen inay 5ta beelood ee ay soomaalidu wax ku qaybsatay ay u kala helaan,wuxuuna intaas raaciyey hadii taas la waayo inaysan soomaaliya waxba u hagaagayn.

 

Xubnihii baarlamaanka ee maanta hadlay,kuwaasoo dhamaa 15 xildhibaan ayaa waxay mareen aragti isku dhaw,iyagoo soo jeediyey in wakhti ku filan la siiyo doorashada madaxweynaha,waxaana markii dambe loo coddeeyey in doorashadaasi dhacdo 10ka October,taasoo aqlabiyada xubnaha baarlamaanku isku raaceen inay xiligaas dhacdo,iyadoo sidoo kale xubnaha baarlamaanku isku raaceen inay doorashada labada Guddoomiye ku xigeen dhacdo 21ka bisha.

 

Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wuxuu soo gabogabeeyey kulankii maanta oo soo xirmay 1:00 duhurnimo,isagoo sheegay inay xubnaha baarlamaanku berito nastaan oo ay Isniinta soo socota kulan isugu yimaadaan,kaasoo lagu sooo bandhigi doono xubnaha musharaxiinta ee iyagu isu soo taagay inay u tartamaan Gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad.

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this