Sign in to follow this  
Juje

Banaanbaxyo looga soo horjeedo gumaadka Gaza + Pics

Recommended Posts

Juje   

Banaanbaxyo looga soo horjeedo gumaadka Ciidamada Yahuudu ay ka wadaan Magaalada Gaza oo maanta ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya

Shabelle: MUQDISHO

 

Banaanbaxyo Si aad ah looga soo horjeedo gumaadka ciidamada Yahuudo ay ku hayaan dadka reer Falastiin ayaa maanta waxaa ay ka dhaceen qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Gobolada Banaadir,Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa maanta waxaa ka dhacay kadib salaadii jimcaha banaanbaxyo aad u xoogan oo dadku ay ku muujinayaan sida ay ugu xunyihiin xasuuqa faraha badan ee dowladda Yahuudu ay ku hayso Muslimiinta ku nool wadanka falastiin.

Sedax qeybood oo ka mid ah gudaha Magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin Masjidka weyn ee Sheekh Cali Suufi,agagaarka isgoyska Towfiiq iyo gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa maanta waxaa isugu soo baxay dad aad u fara badan islamarkaana watta boorar ay ku xardhanyihiin areyo ay kaga soo horjeedaan tacadiga loo gaysanayo Muslimiinta reer Falastiin.

 

 

 

Masaajidadda waa weyn ee gudaha magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa qudbooyinkooda looga hadlayay gumaadka sida arxan darada ah ay ciidamada Yahuudu ugu hayaan dadka ku dhaqan dhulka Barkaysan ee Gaza halkaasi oo ay ku nafwaayeen in kabadan 721-qof oo u badan caruur iyo haween halka dhaawacuna uu marayo 3130-qof oo si arxan daro ah loo duqeeyay.

Sidoo kale goob fagaare ah oo ku taala gobolka Sh/dhexe ayaa maanta waxaa iyana ka dhacay banaanbax si weyn looga soo horjeedo kaasi oo ay soo abaabuuleen dadka ku daqan halkaasi,waxaana salaada jimhaca kadib oo dadku ay goobtaasi isugu soo baxeen halkaasi hadalo ka jeediyay masuuliyiinka ka tirsan midowga maxkamadaha islaamiga ee gacanta ku haya gobolka Sh/dhexe iyagoo dadka ku booriyay in u duceeyaan walaalaha muslimiinta reer falastiin ee gaaladu ay haatan u tashatay.

Dhanka kale boqolaal dad weyne ah ayaa maanta usugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee gobolka Hiiraan kuwaasi oo iyana sidoo kale ka banaanbaxaya ciqaabta iyo gumaysiga lagula kacayo dadka reer falastiin ee ku sugan magaalada Gaza ee ay haatan Yahuudu sida bareerka ah u duqeynayso.

Goobaha ay dadkaasi isugu soo baxeen ayaa waxaa hadalo ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan saraakisha maxkamadaha islaamiga ee gobolka Hiiraan,waxaana dhamaan dadkii halkaasi isugu soo baxay ay Muujiyeen sida ay ugu xinyihiin duqeynta ciidamada Yahuudu ay ka wadaan dhulka reer Falastiin.

 

 

 

Isku soo wada duuboo dadka maanta banaanbaxayay ayaa dhamaantood waxaa ay dab qabadsiiyeen calanka Yahuuda iyagoo ilmaynaya islamarkaana muujinaya sid ay kaga xunyihiin qaabka ay wadamada islaamku ugu fiirsanayaan gumaadka Falastiin lagu hayo,waxana ay dhamaantood maanta si wada jir ah ugu duceeyeen in illaah uu dhibaatada iyo gumaysiga ka dul qaado walaalaha muslimiinta ee reer falastiin gaar ahaan dadka lagu xasuuqayo Magaalada Gaza.

Banaanbaxyadaani ay maanta dhigeen dadka ku dhaqan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili wali ay sii socdaan xasuuqa Yahuudu ay ku hayaan walaalaha muslimiinta ee reer Falastiin kuwaasi oo sababay in ay ku shahiidaan 721-qof oo u badan caruur iyo haween iyadoo ay ku dhaawacmeen 3130-qof.

 

banaanbaxa7.jpgbanaanbaxa8.jpg

 

banaanbaxa10.jpgbanaanbaxa4.jpg

 

banaanbaxa1.jpgbanaanbaxa3.jpg

 

 

banaanbaxa6.jpgbanaanbaxa11.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this