Sign in to follow this  
Jumatatu

Uniting forces in Mogadishu..!

Recommended Posts

Jumatatu   

Todobaadka soo socda oo la isu keenayo Tiknikooyin iyo Maleeshiyo ka amar qaata Hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho ee dowladda ku jira, si ay ammaanka u sugaan

 

Khamiis, April 21, 2005(HOL)@19:00GMT: Shir ay maanta xubnaha labada gole ee dowladda Federaalka ku yeesheen Xarunta Xisbiga ayaa gunaanadkiisii looga dhawaaqay in todobaadka soo socda, gaar ahaan maalinta Talaadada ah la isu keeni doono maleeshiyooyin fara badan iyo gaadiid tikniko ah oo tiradoodu gaareyso ilaa 42 Tikniko ah, kuwaasi oo loogu talagalay in ay wax ka qabtaan ammaan darrada baahday ee ka jirta magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka labada gole ee Dowladda Federaalka Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan ayaa saxaafadda u sheegay in marka la isu keeno ciidamadaas wax laga qaban doono ammaan darro baahsan oo maalmahaan ka jirta Magaalada Muqdisho, wuxuunta intaas ku daray in la magacaabay guddi ka tirsan labada gole oo kormeer ku sameyn doona xerooyin lagu xareyn doono maleeshiyooyinka ku baahsan magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi waxa uu caddeeyay in maalinta sabtida ah ee soo socta ay la kulmi doonaan guddi loo xil saaray nabadeynta Muqdisho oo xubnahiisu ay kor u dhaafayaan sodomeeyo, iyadoo lagala arinsan doono sida loo wajahayo arrimaha nabadeynta Muqdisho, waxaana kadib maalinta Arbacada ah la qaban doonaa xaflad xarigga looga jarayo howlgalka nabadsugidda Muqdisho oo ay ka qeybqaadanayaan maleeshiyooyin fara badan oo ku hubeysan 42 Gadiidka dagaalka ah.

 

Tan iyo intii ay socdeen shirarka ay yeelanayeen xubnahan ayaa waxay sidoo kale magacaabeen guddiyo nabadgelyo-dhaqaale iyo Bulsho, kuwaasi oo ka soo shaqeyn doona maamul u sameynta gobolka Banaadir, inkastoo guddiyadan aysan qaban wax muuqda oo ay bulshadu arkaan marka laga reebo shirar albaabada u xiran yihiin oo ay yeeshaan.

 

Xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa isaga soo tegay magaalada Nairobi oo ay si KMG ah u degan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kadib markii ay saluugeen qaabka dhaqanka hoggaamineed ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo weliba ay aad ugu kala f*gaadeen dhinaca fikirka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Guddi dhaqaale oo la shaqeyn doona Guddiyada maamulka Gobolka iyo guddiga kormeerka oo Muqdisho looga dhowaaqey

 

Xubnihii labada gole ka tirsanaa ee ku sugnaa maalmihii la soo shaafey magaalada Muqdisho oo shir ku yeeshay xaruntii hore ee xisbiga oo fariisin u ah ayaa magacabey guddiga dhaqaale, kaas oo la shaqeyn doono guddiyada maamulka gobolka Banaadir iyo guddiga kormeerka guddiyada maamulka G/Banadir.

 

Shirkii shaley oo ahaa mid ah Albaabada u xirnaayeen sidii kulamadii horay ay ugu yeelan jireen xarunta xisbiga, Waxana markii uu kulanka dhamaadey la hadley saxaafada Cumar Xaashi Aaden oo ah afhayeenka xubnahan ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in shirkoodii maanta uu ku saabsanaa in la dhiso Sadex gudi oo mid ka mida yahay gudiga nabadgalyada oo horay u magacownaa iyadoo maantana la magacaabay gudiga dhaqaalaha oo ka kooban todoba xubnood kuwaasoo golaha looga xil saaray arimaha dhaqaalaha.

 

Cumar Xaashi ayaa waxa uu intaasi raaciyey inaan meesha laga saarin gudiga dhaqaalaha ee ganacsatada gobolka Banaadir oo la go’aamiyey sida uu yiri xildhibaan cumar xaashi aadan in sidooda loo daayo.

 

Waxaa uu intaa raaciyay xildhibaan Cumar Xaashi in maalinimada barita ah la dhameys tirayo diiwaan galinta magacyadii gudiga nabad-galyadda

 

 

 

Maxamed Cali Maxamud (Madka)

Xafiiska Markacadeey ee Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Saraakiil ciidan oo loo magacaabay in ay wax ka qabtaan amaandarada ka jirta magalada Muqdisho

 

Maal mahaan waxaa ka jirey magalada Muqdisho howla wax looga qabanaaya sidii loogu soo celin lahaa casimada nidaamka iyo kala danbeenta tasoo ay wadeen xubna ka tirsan labada gole ee dowlada ayadoona la sheegaya waxii ka danbeeya maalinta Arbacada la qaadi doona dhamaan Isbarooyinka yaalo magalada Muqdisho.

 

Howsha laga wada Muqdisho ayaa ah mid inta badan shacabka Muqdisho soo jiidaneysa maxayeelay waa dad aan cidna u maqneen ceelna u qodneen dowladii ay wax ka sugayena ah noqotay mid aanba raaliba ka aheyn in wax looqabta dadka ku nool magalada Muqdisho .

 

Masuliyiinta ciidamada la magacaabay ayaa ah kuwa wax badan ka qaban karo madaama ay yihiin ciidamo aqoon u leh wax ka qabashada casiimada Muqdisho oo hada ku jirta gorgortanka siyasadeed ay maleegayaan kuwa dan gar ahaneyd kale in la wiiqa wax walba oo wax loogu qabanaya magalada Muqdisho

 

Magacyada 13 ka xubno ee laga soo kala xulay ayaa waxa ay kala yihiin:- G/sare Maxamuud Kaahiye Barre, G/sare Maxamed Cabdulle Axmed, G/sare C/laahi Maxamed Sheekh Xasan, G/sare ***** c/lee Nuur, G/sare faarax C/lle Garamgaram, G/sare Maxamed Maxmuud saney, G/sare Maxamed Xuseen Dakar, G/sare Maxamed Xasn Maxamed, G/dhexe Cartan Cali Warsame, G/dhexe Shariif Cali Maxamed, G/dhexe Axmed daytib Axmed, G/dhexe Maxamed Muqtaar Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Saraakiishii loo magacaabay amniga Muqdisho oo maanta la dhaariyey

Waxaa maanta lagu dhaariyay xaruntii hore ee Xisbiga ee magaalada Muqdisho xubnihii saraakiisha ahaa kana koobnaa 13-ka xubnood kuwaasoo loo xilsaaray ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale isla dhaartaasi iyaguna la dhaariyey horjoogyaasha ciidamada madaniga ee ku sugan Muqdisho.

 

Kulankan oo ay suugaan kala duwan ku soo bandhigeen fanaaniintii kooxda Horyaal band iyo Horseed ayaa halkaasi waxaa ka qeyb galayaasha soo jiitay maadeyskii Ruwaayadaasi.

 

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax iyo wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxay ku booriyeen saraakiishii loo xilsaaray Amniga Muqdisho inay ka dhabeeyaan waajibaadka la huwiyey “kuwa dhahaya waxaan ku laabaneynaa Nairobi waa kuwo aan dan ka laheyn nabadeynta aanu ka wadno Muqdisho†ayuu yiri Qanyare oo intaasi ku daray in xubnaha labada gole ee ku sugan Muqdisho ay wax weyn ka qaban doonaan howshii ay u yimaadeen caasimada, wuxuuna tilmaamay in howl qaran ay ka socoto magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi ayaa isna ku baaqay in wax laga qabto isbaarooyinka teedsan magaalada “anigu waxaan ahay qofkii ugu horeeyey ee isbaaro dhigta, maantana waxaan diyaar u ahay in la qaado isbaarooyinka†ayuu yiri Muuse Suudi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this