Suldaanka Posted March 23, 2007 Dad Qaxoonti Ah Oo Ka Soo Cararay Dagaalada Ka Dhacaya Magaalada Muqdisho Ayaa Soo Gaadhay Magaalooyinka Somaliland Hargeysa (Harowo.com)— tobaneeyo qof oo ka mid ah raxan dad ah oo ka soo cararay dagaalada ka dhacaya magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa soo gaadhaya magaalooyinka Hargeysa iyo Burco iyagoo qaarkoodna ku imanaya dhinaca diyaaradaha qaarkoodna ka soo gudbay xuduudka labada dal u dhexeeya. Dadkani ayaa iyagoo wajigooda ay ka muuqato argagax ay ka qaadeen dagaalada ka dhacaya soomaaliya waxay soo gaadheen caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyadoo dhinaca kalana maanta qoraal ka soo baxay wasaaradda duulista iyo gaadiidka Somaliland lagu sheegay in la dabciyey cunaqabatayntii ay Somaliland ku soo rogtay Soomaaliya sababaha qaxoontiga awgood. Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay inay magangalyo siinayso dadka rayidka ah ee soomaalida ah waxaana ay sheegtay in somaliland ay ka mamnuuc yahiin labada dhinac ee dagaalamaya cid ka socota inay cagaha soo dhigaan Somaliland. dadka iyagu ka soo gudbay xuduudka labada dal ayaa la sheegaya qaarkood inay dhoobanyahiin faras magaalaha magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyagoo si raxan raxan ah usoo gallay magaaladaasi Burco, maamulka gobolka Togdheer ayaa sheegaya inay qorshaynayaan barnaamijyo ay goobo ku dejinayaan dadkaasi qaxoontiga u ah iyagoo la kaashanaya haayadaha qaramada Midoobay ee dalka ku sugan. Dhinaca caasimadda Hargeysa ayaa dadka soo gaadhay waxay yahiin dad iyagu dhaqaale iska haysta waxaanay badanka ku soo degayaan hotelada magaalada Hargeysa iyagoo qaarkoodna aad arkayso iyagoo si caadi ah u dhex socda magaalada, waxaana dadka reer somaliland ay usoo dhaweeyeen dadkaasi si diiran. Maalmaha soo socda ayaa laga cabsi qabaa in dad barakacaya oo intani ka badan ay soo gaadhaan magaalooyinka Somaliland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted March 23, 2007 ^^looool@Magan galyo siyaasadeed. Warqadii Madhacdada goormaa loo qaynbin doonaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 23, 2007 Toloow maba xumee warkaan xaggee laga soo xigtey? Mise jariidadda Suldaanka ayaa sheegtay? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted March 23, 2007 ^ you can find the source in the first paragraph Hargeysa (Harowo.com)— its a rer Awdal website. Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted March 23, 2007 Not too long ago, people from the 'south' were being deported. I hate doublefacedness, I mean why can't we just get passed the 'clan' phase. Everything thats done here is done for clannist reasons and it undernmines every good thought, its making me cynical. I am getting annoyed with you people. I mean I can see every single one of you coming from a mile. At the end of the day 99% of you guys are just representing some clan. Only few guys here are staying true so far. Kashafa the neo-wadaad. Daveletterman our own Don Quichote Centy our walking library and Che Guevara the rebel without a pause. Anyhow I am pissed off. Anyhow me has evolved to Superfluous. Quote Share this post Link to post Share on other sites