Sign in to follow this  
Paragon

more explosions in mogadishu

Recommended Posts

Paragon   

Weerar loo gaystey ciidanka DF

9 Jan 9, 2007, 11:57

 

Abaarihii 7:05 Fiidnimo ee caawa ayaa Maleeshiyo aad u hubeysan isla markaana si dhuumaaleysi leh kusoo gaartay agagaarka Warshadii Hargaha iyo Xarunta CID ee magaalada Muqdisho ayaa tachiirad xoogan la beegsadey ciidamada DF iyo kuwa Ethiopian-ka ee halkaasi ku sugnaa.

 

Halmar ayaa lagu soo baraarugay dhawaaqa rasaasta iyo labo madfac oo aad u xoogan iyadoo labada dhinac ay tacshiirad aan la isku aaba yeelin ay is waydaarsadeen.

 

Ciidamada DF ayaa maalmahaan dhufeyso ka qodanayey agagaarka xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho halkaasoo saldhig adag ay ka dhigteen.

 

Ilaa iyo hada lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee halkaasi ka dhashey, waloow wali rasaas goos goos ah ay halkaasi ka dhaceyso.

 

Magaalada Muqdisho ayaysan ka dhicin wax hub ka dhigis ah kadib markii DF ay waqti aan la cayimin dib u dhigtey barnaamijkaas.

 

Wararkaan wixii ku soo kordha kala soco Garowe Online

 

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

 

 

Qaraxyo is xiga iyo israsaaseyn ka dhacday Isgoyska KM4

 

War deg deg ah

Mogadishu 09, Jan.07 ( Sh.M.Network) – 3 qarax ayaa ka dhacday Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho caawa fiidkii saacadu markii ay aheyd 7 dii iyo qadar yar, iyadoona is rasaaseyn ay dhacday.

 

Dadka deegaanka KM4 oo shabelle ay la xiriirtey ayaa waxa ay u xaqiijiyeen in ay maqleen sawaxanka 3 qarax oo ruxday halkaasi, deetana rasaas badan la is weydaarsaday, taasoo loo maleynayo in ay u dhaxeyso maleeshiyo aan la garaneyn iyo ciidamada dowladda Somalia oo halkaasi fariisin ku leh.

 

Lama yaqaan wali qasaaraha dhabta ah ee qaraxyadaasi iyo iska horimaadkaasi uu geeystay, iyadoo mararka qaar ay dhaceyso rasaas.

 

Waxii ku soo kordha kala soco shabelle.net

 

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this