Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Aar Kuwaana Maxaa haysta ,,, meel walba waa Lagu xidhayaa

Recommended Posts

Wararka laga helayo magaalada Jig jiga ee dhulka Soomaalida ee Ethiopia ay heysato ayaa sheegaya in halkaasi ay ku xiranyihiin labo xildhibaan iyo sargaal ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya.

 

Saraakiishaani ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya oo ka soo jeedaan gobolka Hiiraan ayaa waxaa la sheegay in inkabadan labo isbuuc ay ku xiranyihiin Xabsi kuyaala Magaaladaasi Jig jiga sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Xildhibaanada Barlamanka KMG ee Soomaaliya.

 

Xildhibaan C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in arintaani ay ka warheleen isaga iyo xidhibaano kale oo uu sheegay in ay ka soo jeedaan gobolka Hiiraan,isagoo intaasi ku daray in aysan ka warheyn qaabka loo xiray xildhibaanadaasi iyo sababta loo xiray intaba.

 

Xildhibaanada xiran ayaa waxaa lagu kala magacaabaa xildhibaan Xuseen Maxumed Max’ed (Gaagaale), C/laahi Max’ed Aadan oo isna loo yaqaan C/laahi Farey iyo sargaal ka tirsan ciidamada booliska oo lagu magacaabo Axmed Ugaas,waxaana dhamaan saraakiishaan horaantii bishii hore ay ka baxeen gudaha Magaalada Muqdisho xiligaasi oo la sheegay in ay doonayeen in ay howlo shaqo u aadaan gobolka Hiiraan waxaana markii ay gaareen magaalada jig jiga xabsiga dhigay ciidamada Ethiopia,iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta keentay in lagu xiro magaalada Jig Jiga.

 

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xildhibaanadaani la xiray 30-kii January ee bishii hore iyadoo xiligaasi wixii ka dambeeyana aan wax xariir ah laga helin xildhibaanadaasi hase ahaatee aaqirkii ayaa waxaa la ogaaday in ay ku jiraan xabsi kuyaala gudaha Magaalada Jig Jiga.

 

Ugu dambeyntii Xildhibaanada Barlamanka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa dowladda Ethiopia waxaa ay ka codsadeen in ay sii daayaan xildhibaanadaasi iyo sargaalkaasi ka tirsan ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

what on earth were those Xildhibaans doing out in jigjiga , why didn't they stay in their little two blocks in mogadishu ? they were safer there. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this