Sign in to follow this  
Maaddeey

AlShabaab oo qabsaday Dhusomareb

Recommended Posts

Maaddeey   

Waxaa soo gabagaboobay Dagaal Saaka Aroortii ka qarxay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud waxayna sheegayaan wararka laga helayo Dagaaladaasi in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen Dhamaan Qeybaha Magaalada iyo deegaanada ku hareereysan.

 

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Warfaafinta Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ay la xiriirta Shabakada Warbaahinta Somalimirror ayaa Sheegay in Ciidamadoodu gabi ahaanba gacanta ku dhigeen Magaalada iyo Deegaanada ku hadeereysan kadib Dagaal socday mudo Saacad ah.

 

Waxa uu intaa ku daray Sarkaalkaasi in Ciidamadoodu haatan ku siidaba jiraan Firxadka Ciidamadii kooxda Sheegata Alhu Sunah oo ay kula dagaalameen Magaalada Dhuusamareeb.

 

Sarkaalkaas aya sidoo kale Carabaabay in Ciidamadodu haatan ku dhawyihiin Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud isla markaana ay gaareen Deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 KMG Guriceel kaga beegan dhanka Dhuusamareeb.

 

Sidoo kale sarkaalka ayaa inoo sheegay inay baaritaano xoogan ka wadaan Dhamaan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb isla markaana ay guri guri u baarayaan kana raadinayaan wax Ciidan ah oo ku dhuumaaleysanaya.

 

Dhanka kale wararka laga helayo Degmooyinka Caabuqwaaq iyo Guriceel ayaa sheegaya inay ka jiraan Dhaqdhaqyo Ciidan oo ay wadaan kooxda sheegata ahlu sunah, lamana sheegi karo haka ay ku dambeyndoonta Xaaladaha Dagaal ee ka jira Galgaduud.

 

Wali lama hayo khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Dagaaladaas waxaase jira Waxyeelo ka soo gaartay Dhinacyadiid Dagaalamayey iyo Dadka Rayidka ah.

 

 

 

Majiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka kooxda sheegata Ahlusunah oo Dagaalada saaka ku aadan.

 

 

 

 

www.somalimirror.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this