Sign in to follow this  
General Duke

Lower Shabbele occupation continues + Amin Ammir cursed?

Recommended Posts

MUQDISHO: Sheekh Shariif: "Ruux walba oo jago ka hayay gobolka wuxuu sii hayn doonaan jagadiisa"

 

Posted to the Web Sep 30, 17:10

 

 

Muqdisho (PP) – Iyadoo maxkamadaha lagu wareejiyay maamulka Gobolka Shabeellada oo aan wax ciidammo iyo tikniko ah aanay wehlin ayaa waxaa haddana uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadaha Sheekh Shariif in nin walba oo ka tirsan maamulayaashii Gobolkaas uu jagadiisa sii hayn karo inta laga wareejinayo.

 

 

Sheekh Shariif ayaa khudbad uu aqriyay wuxuu ku sheegay in Gobolka uu ahaa midkii gacanta ku siiyay Maxkamdaha inay la wareegaan goobaha ay hadda gacanta ku hayaan isla markaana ruux walba oo jago ka hayay uu meeshiisa joogayo inta laga wareejinayo.

 

 

"Ruux walba oo jago ka hayay gobolka wuxuu sii hayn doonaan jagadiisa, inta laga badalayo, waxaana caddeynayaa in ruuxii jago laga badalo howl kale oo uu qaban karo loo dhiibayo" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha fulinta iyo Maxkamadaha Midoobay.

 

 

Hadalkaan uu jeediyay Sheekha ayaa waxaa dadka intiisa badan ay ku tilmaameen inuu yahay mid caddaaladda ka fog, waxaana shacabka Reer Afgooye ay inta badan ku wareersanaayeen hadalka Sheekha, waxaase dadweynaha Degmada iyo kuwa gobolka ee xafladda yimid ay sheegeen in xaaladdu ay ahayd ISAGA KA QAAD ISAGANA U DHIIB.

 

 

Dhanka kale, ma jirin wax gawaarida dagaalka ah sida caadadu ahaan jirtay oo laga wareejiyay maamulka Shabeellada Hoose, waxaana sidoo kale aan goobta la keenin wax Malleeshiyooyin ah oo iyagana ka tirsan kuwii gobolkaas uu horay u joogi jiray.

 

 

"Howlaha aan gobolka ka qabanayno haddii aan caddeyno waxaan ugu horreyn doona, Ciidanka iyo Ammaanka, waxaa ku xigi doona Cadaaladda, waxaana ugu dambeynsiin doonnaa Maamulka" ayuu yiri Sheekh Shariif oo aan sheegin xilliga dhab ahaan ay howlaha u billaabi doonaan.

 

 

Waxaa jirtay in isbaarooyinka ay maanta ahaayeen kuwo aan shaqeynayn, waxaana isbaaro tiillay Albaabka hore ee Baar Ismaaciil ee degmada Afgooye ay ahayd mid haawanaysa isla markaana aanay jirin cid joogtay oo malleeshiyooyinkii lacagaha ku guran jiray ka mid ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

fake fantasy...

 

Sheekh Shariif: oo digniin hanjabaad ah u direy Amiin Caamir

Posted to the MOL September 30, 2006, 9:51 am

 

 

Sheekh Shariif oo ah gudoomiyaha fulinta Maxkamadaha islaamiga muqdishu ayaa wuxuu maanta isagoo ka hadlayay xaflad maxkamaduhu kula wareegayeen gacan ku haynta gobolka Shabeelada hoose oo maxkamadaha Muqdishu wax badan ka warwareegayeen wuxuu hanjabaad culus oo cabsi galin ah u direy Farshaxan Amiin Caamir.

 

Sheekh Shariif ayaa xafladii la wareegada gobolka Sh/hoose oo ka dhacday degmada afgooye sheegay in farshaxanaka Caanka ah ee Amiin Caamir uu dhibaato weyn ku hayo maxkamadaha Muqdishu isagoo mar walba maxkamadaha islaamiga ka sameeya sawir gacmeed bixinaya muuqaal xun. Wuxuu Sheekh Shariif yiri; Wixii horey uu Amiin Caamir u gaystay waan oo ijaafayn ahayd waa cafinaynaa, haddase wixii ka dambeeya loomana dulqaadan doono, haddii uu muddo toddobaad ah uusan ku joojin dhibaatada uu ku hayo maxkamdaha muqdishu waxuu isku arki doonaa masiibo oo meeshiisaa ugu tagi doonta.

 

Haddalka Sh. Shariif ayaa u muuqday hanjabaad uu u dirayay Amiin Caamir si uu u cabsi galiyo isagoo haddalkiisa ay ka muuqatay baaq qarsoon oo uu u dirayay taageerayaasha maxkamadaha ee ku nool dibada si ay arintaas gacan uga gaystaan.

 

 

 

 

 

Maxkamadamaha Islaamiga Muqdishu ayaa wax dulqaad ah aan u lahayn in wax laga sheego dhibka ay ku hayaan bulshada Somaliyeed ee ay meelaha ay joogaan ee xooga ku qabsadeen iyagoo illaa hadda saxaafada madaxa banaan kula jira dagaal weyn oo ay ku caburinayaan. Idaacada Hornafrika qeybteeda Kismaayo oo waliba lagu tiriyo idaacadaha aadka u taageera maxkamadaha islaamiga qeyb weyna ka qaatay qabsashadii magaalada Muqdishu ayaa noqotay idaacada ugu dambesay ee ay xiraan maxkamadahu.

 

Halkaan ka eeg sawir gacmeedkii ugu dambeeyay ee ka xanaajiyay maxkamadaha Muqdishu: http://www.aminarts.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Personally I have already made up my mind about this. On ICU, either it is political immaturity to truly show where you are coming from or you just don't care.

 

I honestly believe this hypocrisy will set back Islamic rule in Somalia for a long time to come.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

GENERAL DUKE , TELL US SOMETHING NEW MEN, SHABELL IYO INDHAACAD AA KUU WAALAATEE , ADDER ABDULAHI YUSUF TELL US HIS PROGRESS

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. The news was suppose to be about a handover, maybe you need to ask the gift :D Xasan Dahir what he is doing about the damage his kinsmen are still doing to the poor people of southern Somalia...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this