Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu police get vehicles.....

Recommended Posts

Muqdisho: Booliska Banaadir oo ay soo gaareen Mootooyin iyo gawaarida Booliska.

5. Mar 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Labadii maalmood ee ina dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda kusoo xiranayay maraakiib wadda gaadiidka loogu talo galay booliska sida mootooyinka, gawaarida booliska qaada iyo kuwa danbiilayaasha lagu qaado.

 

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa qalabkan ku heshay deeq uga timid waddamada dariska ah , carabta iyo hay'adaha qaramada midoobay.

 

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir G/sare Cali Siciid Sheekh Xasan ayaa sheegay in boolisku ay sida ugu dhaqsaha badan uga hawl gali doonaan waddooyinka waawayn ee caasimadda Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay taliyuhu in ammaan kusoo celinta caasimadda Soomaaliya aysan si deg deg ah kusoo laaban karin hase ahaatee sharciyada gaadiidka , iyo kuwa booliska oo la illaaway dartii ay boolisku u baahan yihiin waqti ay hawlohooda ku qabsadaan.

 

Taliyaha ciidanka booliska Banaadir wuxuu sheegay in haddii qalabkii ka dhimannaa sida gaadiidka ay heleen ay u sahalanaan doonto inay hantaan hawshooda sii xoojiyaan..

 

Dhinaca kale waxaa uu xusay in la hawl galin doono ciidankii waddooyinka ee Taraafigga .

 

Qaramada midoobay ayaa dhineceeda ka sheegtay inay diyaar la tahay inay dawladda ka caawiso dhinaca ciidamada .

 

CCC Farayaamo

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali-Saciid oo sheegay inuu soo gaarey qeyb ka mid ah qalabkii Ciidamada Booliska gobolka ay ku howlgali layaaheen.

 

March 05-2007-HornAfrik, Mogadishu

 

Taliyaha Ciidanka Boolsika gobolka Banaadir ayaa sheegay in qalab loogu talagaley inay ku howlgalaan Ciidanka booliska Gobolka Banaadir ay soo gaareen Magaalada Muqdisho.

 

Qalabkaan oo isugu jira Baabur Mootooyin iyo qalab kale oo ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliska oo dhawaan kasoo dagey dekada weyn ee Magalada Muqdisho ayaa soo gaarey goobaha Ciidamada Booliska.

 

Qalabkaan oo ah mid markaasi loogu talagalay inay ku howlgalaan Ciidamada Booliska ee gobolka Banaadir islamarkaasina loo qeybin doono saldhigyada iyo qeybaha Booliska ee gobolka Banaadir sida uu sheegay taliyaha Ciidanka gobolka Banaadir Cali-Siciid.

 

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ay howlgali doonaan islamarkaana ay ka howlgali doonaan isgoysyada Magaalada Muqdisho si loo soo celiyo Nadaamkii wadooyinka Magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kalena howlaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir la dardar galin doono.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Cali-Saciid ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey in xiligaan saldhiyada Ciidanka Booliska ay joogaan Ciidamadii Booliska ee loogu tala galay inay howlgalaan saldhigyadaasi.

 

Howlaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa habacsanaan ku timid tan iyo wixii ka danbeeyey weeraradii lagu qaadey qaar ka mid ah saldhigyada Booliska gobolka Banaadir kuwaasoo wax yeelo ay ka soo gaartey qaar ka mid ah Ciidamadii Booliska ee ku sugnaa goobahaasi saldhigyada ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Progress is a slow progress. Polive vehicles are very important.

 

15 police stations opened in the capital.

 

Police vehicles, and uniform to boot. The central prison opened. What more do you want dude?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Why is it that the first things to be opened are jails and police stations. in the current crisis what are required more urgently are medical facilities but i guess taking care of the injured and needy is not of the TFG priorities. they are more interesting in arresting and more likely killing those that oppose them

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aniga mid ayan laayaba...there is nothing wrong with TFG..waxan u baahanahay waa dowlad...kuwi ka horaayay dowladan maxey qabteen..lets support TFG there is nothing wrong with it....

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Nicely put. Lets give the system a chance, Yusuf/Geedi will leave and a new egenration of leaders will emerge, but lets not destroy what little we have left..

 

Jails are important step to law and order, once you have security everything else follows.

Share this post


Link to post
Share on other sites

so you think the best way to get law and order is to build jails and lock up anyone who opposes the TFG (Cause everyone knows what those jails are going to be used for.)

 

if that's your logic then your support of the TFG is perfectly understood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this