Sign in to follow this  
Cowke

Qardho/Badhan Hold Separate Security Meetings

Recommended Posts

Cowke   

Kulan Looga Hadlayey Amaanka oo Ka Dhacay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag

July 29, 2010

0 comments| leave your own!

 

Kalankan oo ay goob joog ka ahaayeen maamulka gobolka Sanaag,kan Degmada,hogaamiye dhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa maanta ka dhacay degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

 

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Nuur Siciid Dabayl oo la hadlay Warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in ay diirada ku saarayeen amaanka guud ee gobolka Sanaag,madaama buu yiri ay dhacdooyin amaanka lid ku ah ay ka soo cusboonaadeen deegaanada Puntalnd.

 

Wuxuu intaasi ku daray in dhinacyadii kala duwanaa ee goob jooga u ahaa kulnkaasi ay kawada midaysnaayeen in laga feejignaado dhibaatooyinka ka soconaya Koonfurta dalka Soomaaliya,iyadoo buu yiri laga duulayo hadalkii dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole.

 

…..”Cid soo weerartay Sanaag ma jirto,dhibaatona kama jirto,laakiin waxaan dooneynaain aanu adkaysano amnigeena…” ayuu yiri.

 

Maxamuud Siciid Dabayl ayaa hoosta ka xariiqay in kulankaasi ay ka soo baxeen qodobo gaaraya sideed,kuwaasi oo u sheegay in dhawaan ay u soo gudbin doonaan golaha Wasiirada Puntland.

 

Mar ay Horseed Media weydiisay qodobada ka soo baxay kulankaasi ayaa waxa uu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo,waxaana uu hadalkiisa ku soo koobay in aysan Saxaafada siin doonin qodobada ka soo baxay kolankooda.

 

Ugu danbeyntii gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan Puntland in ay ka feejignadaan dhacdooyinka ka soconaya Koonfurta Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Kulan Amniga Looga Hadlayey Oo Ka Dhacay Magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar

July 29, 2010

 

Kulan looga hadleyey xaalada amaan ee Puntland ayaa waxuu maanta ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar .

 

Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta degmada Qardho ayaa waxaa ka soo qaybgalay maamulka gobolka kan degmad, ganacsato, Culuma’udiin, nabadoono iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Qardho.

 

Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Quraan Maxamed Aaden oo wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in ay kulankaasi ay uga arrin sanayeen xaaladaha ku soo korodhay Puntland iyo sidii looga wada qaybqaadan lahaa sugida amaanka.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in qodobo dhowr ah uu ka soo baxay kulankoodii maanta oo ay ka mid yihiin:_

 

1. In la sugo amniga guud iyo dhaqdhaqaaqa ee magaalada Qardho

2. In haddii loo baahdo difaaca qaran ee Puntland uu deegaanku ka qayb galo.

3. In dadka ku dhaqan deegaanka ee ka yimin gobolada kale dalka aan dhibaato loo gaysan, wixii dhib wada layska qabto kuwii aan dhib wadina la amaan geliyo.

 

Cabdi Quraan Maxamed Aadan ayaa shacabka kunool magaalada Qardho ka codsaday in Ciidamada amniga ee sameeya roondada lagu gacan siiyo shaqada ay wadaan,wixii khalkhal gelinaya gobolka gacan bir ah lagu qabto oo loo soo gudbiyo laamaha amniga qaabilsan.

 

Arrinta ayaa timi xili dagaalo ay ka soo cusbonaadeen deegaano ka mid ah Puntland oo ay dawlada Puntland la gashay maleeshiyo la sheegay in ay ka amar qataan wadaadka Shiikh Attam oo fariisin ku lah buuraha Galgala,waxayna maamulka gobolka Karkaar ay sheegeen in garab taagan yihiin dawlada Puntland.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Ugu danbeyntii gudoomiyaha gobolka Sanaag ayaa ugu baaqay dadweynaha ku dhaqan Puntland in ay ka feejignadaan dhacdooyinka ka soconaya Koonfurta Soomaaliya

Great News!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this