Sign in to follow this  
Xoogsade

Dharbaaxada Jilib ay Maxaakiimtu ku qabsadeen, yaa ku quusqaadanaya, Xaggeese ku xigi

Recommended Posts

Xoogsade   

Dharbaaxada Jilib ay Maxaakiimtu ku qabsadeen, yaa ku quusqaadanaya, Xaggeese ku xigi karta!

 

Ciidamada illaahay dartiis u raran ee guryahoodii iyo reerahoodii uga haajirey iney Tigree iyo waxii la halmaala ayaa maanta gacan kulul ku qabtey Dabadhoonkii kusugnaa magaalada Jilib kadib markii dadweynaha deegaankaasi muddo kacodsadeen in maxaakiimtu ka badbaadiyaan ********ta. Digniino badan ciidamada Maxaakiimta garabkooda jubbooyinka ayaa hadhkoo cad(Xalaal Iftiin Baa La qashaa!) ku qaadey weerar dhawr gees ahaa isla markaana Afarta dhinac ALLAAHU AKBAR kaga dhawaaqey xeryihii ********ta dhibka umadda ku dharga kuna raaxeysta.

 

Magaalada Jilib oo ah magaalo ku taalla gobolka Jubbada dhexe ayaa waxey ku taallaa meelaha ugu haboon jidka dheer ee isku xidha Kismaayo iyo Xamar. Arintan ayaa khalkhal iyo walbahaar ku noqoneysa maleeshiyaadka kusugan magaalada Kismaayo kuwaasoo iyagu baryahan danbe caadeystey iney dadka shacabka ah dhibaateeyaan. Mase sii socon doontaa?

 

Dharbaaxadan oo ah middii labaad ee garabka Maxaakiimta Jubooyinku ku dhuftaan maleeshiyaadka wax booba, waxay cashir iyo caqli celin u tahay maleeshiyaad badan oo shacabka iyo masaakiinta ku dhiba safarada iyo magaalooyinka. Magaalada Kismaayo ayaa hadda u muuqata mid afarta dhinac ay ka joogaan ciidamada Maxaakiimtu iyadoo laga yaabo hadii maleeshiyaadku ay sii wadaan dhibka iyo cadaadiska shacabka in lagu waabariisto.

 

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Ilaahay dartiis u raran

 

Ciidamada Eritrea darteed u raran

 

Ciidamada Qabyaaladda u raran

 

Ciidamada Xabashida darteed u raran

 

 

Intaaasaa meesha ku hirdiyaysa ,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Ciidamada Ilaahay dartiis u raran

 

Ciidamada Eritrea darteed u raran

 

Ciidamada Qabyaaladda u raran

 

Ciidamada Xabashida darteed u raran

 

 

Intaaasaa meesha ku hirdiyaysa ,,,,,,,,,

Ciidamada Ilaahay dartiis u raran = Maxakinta

 

Ciidamada Eritrea darteed u raran = lama shegin

 

Ciidamada Qabyaaladda u raran = TFGda

 

Ciidamada Xabashida darteed u raran = TFGda + Somaliland + Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

You've just missed the point ,,,,,,

Did I? Take a good look in the mirror.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Btw, Sheekada maanta soomaalida ku dhacday iyo qaab daridooda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waqtigiisii way dhacday, gaaladoo laba daba ordo, ciidan oo loo noqdo, cadawgoo loo kala dhuunto, xataa xabashida qaar baa lasoo duuli jiray si qabiil colaad ka dhaxayso xoolaha looga dhaco. Below is some of what the sayid had said:

 

Waa duni safkii laga baxoo; Gaal la saacidiye!

Waa dunida saab ferenji iyo; Saaxil loo kiciye!

Waa duni la saacidi kufriga; Saaxir kuu colehe!

Waa duni sifaalaha la fali; Laga sujuudaaye!

Waa duni sun loo shubi ninkii Kuu sadiiq noqone!

Waa duni sirgaxanoo Iblays; Saababkaw rogaye!

Allahayow subxaan qaadirow; Naga salaamayso!

 

Gabayga waxaa la Dhahaa "Waa Duni"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this