Sign in to follow this  
wacdaraha_aduunka

Ahlu Sunnah warns Shariif

Recommended Posts

Shariif Sh. Axmed oo la Kulmay Asxaabtiisa Aala-Sheykh isagoo ku Maaweelinaya inay Yihiin Ahlu Sunna Waljamaaca

 

Kulanka ka dhacay madaxtooyada ayaa waxaa ka soo qeyb galay rag caan ah oo dhammaantood ka tirsan ururka Tajammuca ama Aala-sheekh ee Shariifku xubin ka yahay.

 

Ragga ka muuqday kulankii maanta waxaa ka mid ahaa Cali Xaaji Yusuf, Shariif Sh. Muxyiddiin Celi, Soomow iyo rag kale oo ay xulafo yihiin. Waxaad ku xasuusataan raggaan muddadii dagaalada Khawaarijta iyo culumadu socdeen waxay shirar joogta ah la qaadan jireen Khawaarijta iyagoo had iyo goorna saxaafadda ********-warreyda mariya hadalo gef ku ah culumada oo kuna dhiirran jiray inay ugu yeeraan ******** iyo warlords.

 

Afhayeenka Khawaarijta iyo afhayeenka Aala-sheekh, Soomoow ayaa si wada jira u sii deyn jiray war saxaafadeed halka Cali Xaaji Yusuf, Shariif Sh. Muxyiddiin iyo Ina Cali Xadena ayba qeyb weyn ka ahaayeen la dagaalanka culumada Ahlu Sunna ee difaaca ugu jirtay caqiidada saxdaa ee islaamka.

 

Raggaan oo wax badan isku mashquuliyey inay ku qeyb qaataan magaca

Ahlu Sunna Waljamaaca ayaad mooddaa in damacaasi halkii ugu sarreysay uu marayo maanta.

 

Haddaba caqabadda ugu weyn ee hortaalla raggaan xoogsanaya ayaa ah in magacu yahay mabda' ku salaysan caqiida diini ah ee uusan ruux walbaa iska labisan karin.

 

Dardar cusub ayaa laga dareemayaa dhanka dowladda maalmahaan oo ka horjeedda culumada Ahlu Sunna Waljamaaca. Waxaana tii ugu dambeysay ay ahayd markii shalay ********ta dowladdu si bareere ah ugu duushay masjid caan ku ahaa culumada Ahlu Sunna Waljamaaca, halkaasna ay xasuuq iyo dil aan loo meel dayin ka smaeeyeen.

 

Waxaan Shariifka xasuusinaynaa, in xaqu uu aakhirka qaalib noqon doono oo shilimada aad ka soo qaadatay Amerika iyo Yurub aysan meelna ku geyneyn ee ilaahay u laabo oo dagaalka u burburka aad culumada ku hayso jooji.

 

 

Xafiiska Wararka ee Ahlu Sunna Waljamaaca

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this