Sign in to follow this  
Jumatatu

AU approves IGAD troops to be sent to Somalia..!

Recommended Posts

Jumatatu   

Shir madaxeedkii Midowga Afrika oo lagu go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda dalal-ka IGAD

 

War-murtiyeed laga soo saaray geba-gebada shir madaxeedkii midowga Afrika ee lagu qabtay magaalada Abuuja ee dalka Neyjeeriya, ayaa lagu sheegay in dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ee kala ah Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Suudaan & Soomaaliya in dalalkaasi ay ciidamo nabad ilaalineed u diraan Soomaaliya, ayna iyagu bixiyaan qalabka ku baxaya howlgalada ay ciidamadaasi ka sameynayaan gudaha dalalka Soomaaliya.

Shir madaxeed-ka midowga Afrika oo uu ka qeybgalay xoghayaha guud ee Q/Midoobay Koffi Annan ayaa khudbooyinkii ay ka jeediyeen madaxweynayaasha qaar ka tirsan dalalka Afrika waxa ay ku soo qaadeen arrimaha Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki uu sheegay in horumar la taaban karo laga gaaray martigelintii ay dowladiisa u sameysay dhimsaha dowlad Soomaaliyeed oo ay ka qeybqaataan dhinacyadii isku hayey siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday madaxweynayaasha Afrika in ay xoogga saaraan sidii taabagal uu u noqon lahaa mirihii ka dhashay dowladda lagu soo dhisay Kenya.

Arrinta ku saabsan keenista ciidamada shisheeye ee dalka Soomaaliya ayaa doodo waaweyn ka dhalisay xukuumadda & baarlamaanka, waxaana ay horay u sheegeen siyaasiyiin & saraakiil ka tirsan ciidamadii xoogga dalka in haddii ciidamo la keenayo dalka Soomaaliya in ciidamadaasi aaney ka imaan dalalka deriska.

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

 

I think this is a sign of a good omen. Sometime earlier I would have disregarded the idea as rubbish, but now I have my second thoughts. If those Mogadishu warlords who have a had a lioin share in the federal government cause of their control in Mogadishu cannot actually stabilise it then foreign troops should be the answer. The current assasinations of known people in Mogadishu show that this bunch of warlords in Nairobi dont control the capital city, hence their ministerial positions and parliamantarian status should be reviewed.

And something should be done about this anarchist forces that are controlling Mogadishu...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this