Sign in to follow this  
Somalina

Madaxweyne Sheekh Shariif oo khudbaddii uu ka jeediyay Qarammada Midoobay kaga hadlay

Recommended Posts

Somalina   

Axad, September 26, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay shirka guud ee Qarammada Midoobay, ayaa sheegay in Xarrakatul Shabaab ay khatar ku tahay dowladdiisa iyo dalalka kale ee gobolka.

 

"Dowladda Soomaaliya, waxay dagaal kula jirtaa Al-shabaab oo xiriira la leh ururka Al-Qaacida, waxayna ka geysteen gudaha dalka Qaxyo badan, waxaana ka mid ahaa qaraxii ka dhacay Baladweyne, Hotel Shamow iyo Hotel Muna, kuwaasoo lagu dilay xidhibaano, wasiirro, arday, dhaqaatiir iyo waalidiin," ayuu Madaxweyne Shariif u sheegay madaxdii dhageysanaysay.

Madaxweynaha oo ku khudbeynayay afka Carabiga, ayaa sheegay in qaraxyadaas ay ahaayeen kuwo dhibaato badan geystay, lagana soo abaabulay dalka dibaddiisa, isagoo sidoo kale sheegay in Xarrakatul Shabaab ay mas'uul ka ahayd qaraxyo ka dhacay magaalada Kampala oo lagu dilay 75-qof oo ciyaaro daawanayay.

 

"Xarrakatul Shabaab, ma ahan urur doonaya in dalka uu dowlad ka dhiso, sidoo kale ma doonayo jirtaanka dowladda Soomaaliya, balse ujeedadoodu waa inay geeska Afrika ka aasaasaan saldhig ay dagaallada ka qaaddo Al-Qaacida," ayuu Sheekh Shariif yiri.

 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Xarrakatul Shabaab iyo Al-Qaacida oo isku duuban ay doonayaan inay weerarro ku qaadaan naxdin leh ku qaadaan dalalka dariska ah, isla markaana ay badaha ku weeraraan maraakiibta, kaddibna ay calaamka u gudbaan.

 

Madaxweynaha oo khudbaddiisu ay u badnayn dagaallada ay dowladdiisu kula jirto Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, ayaa labadan kooxood ku eedeeyay inay dhibaatooyin kala duwan u geystaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo isugu jira dil, qoor-goyn iyo falal kale oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo argagax leh.

 

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay burcadbadeedda oo uu ku sheegay argagaxisada badda, isagoo sheegay in maraakiibta ay afduubaan ka helaan lacago badan, isagoo xusay inuu jiro xiriir dhaqaale iyo mid akhbaar uu u dhexeeya kooxaha dagaalka kula jira dowladdiisa iyo burcadbadeedda.

 

"Arrinta afduubka maraakiibta haddii aan wax laga qaban, waxay si dhaqso leh isugu badali kartaa, in la qarxiyo maraakiibta lana dilo shaqaalaha la socda, halka haatan laga qaato madaxfurasho lacageed oo keliya," ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

 

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in afduubka maraakiibta uu si toos ah ugu xiran tahay dagaallada barriga ka jira, haddii aan si dhameystiran wax looga qabanna ay xaaladdu ku dhammaan doonto guuldarro.

 

"Waxaan jeclahay, inaan dahaarka ka qaado arrin shacabka Soomaaliya khatar ku ah mustaqbalka dhow iyo midka fog, taasoo ah kalluumeysiga sharcidarrada ah ee ka jira baddaha Soomaaliya iyo sunta lagu daadiyo, taasoo raad xun ku leh qofka iyo deegaanka," ayuu yiri Shariif oo intaas ku daray in Soomaaliya lagu arkay cudurro aan horay uga jirin.

 

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay shirkii Jabuuti ee lagu soo dhisay dowladda uu hoggaanka u hayo, isagoo sheegay in shirkaas uu ahaa mid guuleystay, laguna soo dhisay xukuumad ballaaran oo laga wada mid noqday, wuxuuna sheegay inay iska difaacday dowladda dagaallada kaga imaanaya kooxaha diiddan.

 

Isagoo soo hadal-qaaday dhinac dib u heshiisiinta, ayuu sheegay inay heshiisyo hordhac ah la gaartay Ahlusunna Waljamaaca iyo Xisbul Islaam, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid yihiin dowladda uu majaraha u hayo ee Soomaaliya.

 

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay dajisay qorsheyaal lagu xasilinayo dalka oo dhan, waana markii labaad oo Madaxweyne Sheekh Shariif uu ka qaybgalayo shir-weynaha guud ee Qarammada Midoobay, isagoo khudbadihii uu ka jeediyay caalamka kaga codsatay in la taageero dowladdiisa awoodda yar.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this