Sign in to follow this  
OLOL

Wadaaynimo kaama rabo, waddanka anaa iska leh, waraaboow maalin wacan

Recommended Posts

OLOL   

Wadaaynimo kaama rabo, waddanka anaa iska leh, waraaboow maalin wacan

Posted to the Web Dec 28, 17:39

 

Jimce, 29 December, 2006 - Faallada Aayaha.com - Waxaa xalay caasimadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ku hoyday caddowga ugu weyn ee ay Shacabka Soomaaliyeed leeyihiin ee Itoobiya. Waa markii ugu horeysay taariikhda Geeska Afrika ee ay cadowga Itoobiya cagta soo dhigo caasimadda Ummadda Soomaaliyeed.

 

Inta taariikhda la xusuusto, cadowga Itoobiya wuxuu weligii u hanqal taagi jiray, kuna taami jiray, in uu mar uun hanto dhamaan dhulka leysku yiraahdo Geeska Afrika ee ay ku jiraan Soomaaliya iyo Jabuuti.

 

Hanqaltaagga Itoobiya ayaa waxaa weligood hortaagnaa halgamayaashii Ummadda Soomaaliyeed sida halyeygii weynaa ee taariikhda baalka dahabka ah ka galay ee Axmed Ibraahim Gurey, Imaamkii daraawiishta Sayid Maxamed Cabdalla Xassan iyo dhamaan halgamayaashii Soomaaliyeed ee naftooda u huray difaacca diinta, dalka, iyo dadnimada Soomaaliyeed.

 

Sida muuqata Xoogaggii xaq u dirirka wadaniyiinta Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed wey ka gurteen caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, iyagoo ka cararaya in uu dhib gaaro shacabka Muqdisho, hadii ay dhacdo in lagu dhex dagaalamo gudaha magaalada Muqdisho.

 

Xoogagga xaq u dirirku ma aaney cararin, cararna kama suurtoobo inta ay ciidamada cadowgu ku sugan tihiin dhulka Soomaaliyeed.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wareysi uu Khamiistii siiyay telefishinka Al-Jazeera wacad ku maray in uu dagaalku haatan bilowday, isla markaana ka gurashadooda Muqdisho ku macneeyay xeelad dagaal iyo badbaadinta shacabka Muqdisho.

 

Dowladda Mareykanka oo adeegsaneysa cadowga Itoobiya ayaa hub noocii ugu dambeeyay, diyaarado dagaal, iyo aaladda basaasnimo ee satelite kula dagaalamay xoogagga xaq u dirirka wadaniyiinta Soomaaliyeed, sidaa daraadeed, sida uu Sheekh Shariif sheegay waa lagama maarmaan in la sameeyo dib u gurasho xeelad dagaal. Dagaalkuna ma aanu dhamaan ee hadda ayuu kowsaday.

 

 

Aboorkuna dhareeyiyo wuxuu, ciid isugu dhoobay

Oo uu dundumadowga dhigay, ama u dheereystay

Waa jinacuu dhiilada ka qabay, inuu ka dhuuntaaye

Cabdullaahi Dhoodaan

 

Magaalada Muqdisho oo aheyd magaalada ugu ammaanka xun caalamka ayey xoogagga xaq u dirirku u bedeleen magaalada ugu ammaanka badan qaaradda Afrika mudadii ay gacanta ku hayeen, balse saacado kadib markii ay magaaladu ka baxday gacanta Maxkamadaha ayaa waxaa magaaladii la wareegay burcaddii ka gaban jirtay Maxkamadaha, waxeyna bilaabeen dhac, boob, dil, iyo bililiqo.

 

Xalay kololo'aygii ma ladin kaamil reeruhuye

Kambaalkiyo ardaagii miyaa leygu keliyeeyey

Kumbiskii miyaa layga qubay kolaygii ii buuxay

Wixii rag igu kuuniyay miyaa igu karaamoobay?

Raage Ugaas

 

Hadey shacabka Muqdisho habeen hore la anfariireen arxan daradda ********ta magaalada boobka ka bilowday, waxey xalay ku seexdeen ciidamo Itoobiyaan ah oo gacanta ku haya magaalada.

 

Ingiriis (Mareykan) Amxaariyo Talyan wey akeekimiye

Arligaa lakala boobayaa, nin u itaal roone

Anse ila ah aakhiru sabaan, iligyadiisiiye

Faarax Nuur

 

Hoggaamiyaha xoogagga xaq u dirirka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa wacad ku maray in uu dalka ka xoreyn doono cadowga dul degay, halka dagaal oogayaasha Baydhabo ay weli dul saaran yihiin kaareyaasha cadowga Itoobiya.

 

Jannada kii loo furoo

Fardowsa u seexday iyo

Cadaab kii lagu fasaxay

Sow kala fiicnaan mayaan?

Careys Ciise

 

Dalkii wuxuu ku jiraa xaalad adag, shacabka Soomaaliyeed wuxuu ku noolaanayaa dullunimo, inta cadowgu ku jiro dhulka Soomaaliyeed. Magaalada Cadaado waxaa lagu xasuuqay 54 shacab aan waxba galabsan. Magaalada Beledweyne oo ay cadowgu gacanta ku hayaan waxaa lagu xasuuqay shacab dhowr ah, waxaa xijaabkii laga qaaday dumar faro badan, waxey cadowgu kufsadeen dumar Soomaaliyeed oo walaalaheen ah. Muqdisho iyo magaalo kasta oo ay cadowgu galaana wey la kulmi doontaa dhibaatadan aan xusnay iyo mid ka badan.

 

Gablan maaha Maandeeq hadii aad, gabadin mooddeene

Maruun bay sidii aar la ganay, gaydh lasoo kiciye

Gabbal gaabtay iyo baan arkaa, gaawo buuxsamaye

gardarada qunyara xaaladdu, galaba waa cayne

Xaaji Aadan Af-Qalooc

 

Wadani walba oo Soomaaliyeed wuxuu xil ka saaran yahay diffaaca diinta iyo dalka Soomaaliyeed, haddii aad ku sugan tahay dalka gudahiisa ka qeyb qaado difaaca dalka. Hadii aad debedda ku sugan tahayna raadi qaabkii aad uga qeyb qaadan laheyd difaaca dalka. Difaacca dalku wuxuu sugayaa inaga waayo Axmed Gurey iyo Sayid Maxamed qabriga kasoo bixi mayaan!!!

 

Daliilkaan idiin qoray ka badan, duurka geedaha'e

Dahabka iyo luul igala weyn, kaan daldalayaaye

Nin dundumo wacdiyay waa daliil, inuu ku daalaaye

Daqnan mayso Soomaalidaan, diiri leeyahaye

Dubaaqa iyo laabtiyo dheguhu, uma duleelaane.

Cali Cilmi Afyare

 

Faallada Aayaha.com

Editor@aayaha.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mayaani   

Xaajiyo waa wareerney wax la aamino ma jiraan maxaa yeelay Soomaali ayaaban is aaminayn malaha wax laga sugaa Ugandhana kaba sii daran.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this