Sign in to follow this  
Abwaan

Waa arrin laga xumaado...oo aan sinaba loogu dulqaadan karin in waxgaradka la laayo

Recommended Posts

Abwaan   

Xaaladda Caafimaad Wariye Cabdalla Nuuradiin Axmed ayaa ah mid weli kala bixin,wuxuuna weli ku jiraa Como

 

Wariye C/lla Nuuradiin Axmed oo ka mid ah Wariyeyaasha uga caansan soomaaliya ayaa weli waxaa uu ku jira qolka Qalinka ee Isbitaalka Madiino,iyadoo la soo sheegayo in saaka mar kale baaritaan dhinaca Caafimaadka lagu sameyn doona.

 

Nin ku hubeysan Bistoolad ayaa Xalay 3 Xabad ku dhuftay Wariye C/lla Nuuradiin Axmed oo markaas ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa Xaafadda Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho.

 

Dhaawac Wariye C/lla Nuuradiin ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Madiino, halkaas oo Qalin looga sameeyay, mid ka mid ah rasaasta ku dhacday ayaa waxay kaga habsatay Xabadka ama feeraha kor meel u dhaw, mid kalena waxay kaga dhacaday sida la ii sheegay gacanta iyadoo mida 3 kaga dhacaday lugta.

 

Warar goor dhaw naga soo gaaray Isbitaalka Madiina ayaa waxay sheegayan in xaalada C/lle Nuuradiin oo ka tirsan Wariyeyaasha Idaacadda Horn Afrik ee Muqdish ayaa ah mid Wanaagsan, in kastoo C/lle weli uusan hadlin oo Maskaxdiisa caadi soo noqon, waxaana ku rakaban qalab looga talagalay inuu neef ka helo.

 

Saaka ayaa la filayaa in dhaqtarkii Qalinka ku sameeyay uu qabto Shir Jaraa’iid oo ku saabsan Caafimaadka C/lle Nuuradiin oo weli ku jiro qolka Qalinka.

 

Dhamaan bahda Midnimo iyo saxaafada xorta ayaa aad uga xumaatay falkaas eedeyna u soo jeedineyso dadka falalka noocaas la beegsanaayo saraakiisha, aqoon yahanada iyo suxufiyiinta ;waxay ku tilmaameen falka loo geystay C/lle Nuuradiin Axmed mid laga xumaado,isla markaana qatar ku ah jiritaanka Wariyaasha Soomaalida, dhaawaca loo geestay fanaan Cabdala Nuuradiin waxaana Illaah uga baryeynaa in uu ka badbaadiyo, waxna u dhimin lixdiisa lixaad siiyana cafimaad taam ah Amiin Aamiin......

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   
Waxaan Ilaah uga baryayaa inuu Abwaan/Weriye Cabdalla u fududeeyo dhaawiciisa. Waxaan sidoo kale rajaynayaa in qofkii/kooxdii falkaan geysateyna gacan lagu dhigo si tillaabo looga qaado

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this