Sign in to follow this  
Muruqmaal

Maamulka Puntland oo Riwaayad ku tilmaamay Dhaqdhaqaaqyada ay Muqdisho ka wadaan Mido

Recommended Posts

Maamulka Puntland oo Riwaayad ku tilmaamay Dhaqdhaqaaqyada ay Muqdisho ka wadaan Midowga Maxkamadaha Islaamka

 

Axad, June 18, 2006(HOL): Wararka ka imaanaya deegaanada Puntland ayaa sheegaya in Maamulka Puntland ay heegan adag geliyeen ciidamadooda, iyadoo la sheegay in ay shalay soo daadgureeyeen qeybo ka tirsan ciidamadooda oo ku sugnaa halka lagu magacaabo Ari Caddeeye oo ay isku horfadhiyeen ciidamo ka amar qaata maamulka Somaliland.

 

Warkan oo aan ka soo xiganay Wargeyskan Sanca Press ee ka soo baxa Magaalada Muqdisho ayaa intaas ku daraya in ciidamada Puntland shalay la soo dhoobay Magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena loo diyaariyay in ay ka hortagaan duufaanta Maxaakiimta Islaamiga oo ay ka cabsi qabaan in ay ku soo fido Deegaanadooda.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Af-qurac ayaa uga digay Wadaadada Diinta ee deegaanadaas in ay soo dhaweeyaan wax uu ku tilmaamay Ruwaayadda Xamar ka socota in aan durbaan looga dhex garaacin deegaanada Puntland, isagoo sidoo kale xusay in aaney ogolaan doonin dacaayadaha iyo jihaadka Masaajidyada qaarkood looga dhawaaqayo ee lagu doonayo in nabadgelyo darro looga abuuro deegaanada Puntland.

 

Dhalinyarada dhinaca Diinta iyo kuwa ka soo horjeeda maamul goboleedkan ayaa bilaabay olole ay doonayaan in ay kacdoon Islaami ah kaga abuuraan deegaanada uu ka taliyo maamul goboleedka Puntland.

 

Hadalkan ka soo yeeray maamulka Puntland ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadyadii tegay ay deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliya ay ka socdeen dhaqdhaqaaqayo ay wadeen Midowga maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo intey qabsadeen Magaalada Muqdisho u sii gudbay magaalooyin kale oo gobollada dalka ka tirsan, wuxuuna maamulka ka baqay in ay gaarto duufaanta ay wadaan Maxkamadaha Islaamka oo Muqdisho kaga awood roonaaday Hoggaamiye Kooxeedyadii 16 sano saarnaa masraxa Siyaasadda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this