Sign in to follow this  
General Duke

London Minister Shargaduud gets a warm welcome in UK

Recommended Posts

LONDON: Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhoweeyey London

Posted to the Web Apr 03, 00:33

 

London: (pp) - Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Xassan Max'ed Nuur "Shaatiguduud" oo booqasho gaaban ku soo gaarey magaalada London ee dalka Ingiriiska ayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan London ku soo dhaweeyeen si diiran.

 

Xafladda oo uu guddoominayay Xoghayaha Guud ee Golaha Nabadgalyada Soomaalida UK ee Somali Peace Council ayaa lagu furay aayado quraan oo uu halkaasi ka aqriyay Sheikh Axmed Mataan, ka dibna waxaa halkaasi hadallo soo dhaweyn ah ka soo jeedisay Gudd. ku xigeenka Golahaas Drs. Sureer Abshir Muusse

 

Ka dibna waxaa hadallo qiimo leh halkaasi ka soo jeediyay Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr. Xassan Max'ed Nuur "Shaarguduud" oo ugu waramay Jaaliyadda Soomaaliyeed xaaladda guud ee dalka iyo qabashada shirka dib u heshiisiinta ay dowladdu ku baaqday bartamaha bishan April.

 

Hadalka wasiirka ka dib waxaa halkaasi iyaga ka hadlay xubno ka tirsan Golaha Nabadgalyada Soomaalida Uk ayna ka mid ahaayeen:-

 

1. Muxudiin Cumar Cirro

2. Aadan Shire Cusmaan

3. Cali Cabdulle Guurre

4. C/qaadir Telegareys

5. Abba Sheikh Abuu Mudhir

 

Waxayna uga mahadceliyeen wasiirka aqbalaadii uu ka aqbalay in uu kala soo qeybgalo munaasabadii lagu soo dhaweynayay.Gebagabadii barnaamijkaasina waxaa hadallo ka soo jeediyay Xoghayaha Guud Golahaas C/casiis "Xildhiban" una mahadceliyay dhammaan Soomaalidii ka soo qeyb gashay munaasabaddaasi, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay intii kala qeyb gashay suurtagalinta xafladdaasi, gaar ahaan C/kariim Yaanyuurow, C/qaadir Dhagacadde, C/rashiid Xaaji Xassanow, Ibraahim Baafo iyo filim qaade C/llaahi Affey.

 

Alasow

London, UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this