Sign in to follow this  
General Duke

Have Abdiqasin Abdullahi made secret pact?

Recommended Posts

Heshiis Qarsoodi ah oo dhex maray Cabdiqaasim iyo Cabdulaahi Yusuf.

 

waxaa soo baxaya warar ku saabsan heshiis hoose oo dhex maray Col Cabdulaahi Yusuf Axmed iyo Cabdiqaasim Salaam Xasan oo ku saabsan in ay isugu shubaan maalinta doorashada madaxwaynaha soomaaliya inkasta oo wali heshiiskaasi uu yahay mid aan dhamaystirnayn sida ay ku waramayaan ilo labada dhinac ah.

 

Labadan musharax ee kala ah Cabdiqaasim iyo Cabdulaahi yusuf waxaa lagu waramayaa in ay haystaan dhaqaale aad u xoog wayn oo ay ku doonayaan in ay ku kala dabaraan baarlamanka oo ah mid aad u liita marka la eego aqoonta iyo siyaasadda.

 

Dadka siyaasadda indha indheeya waxaa ay ku tilmaameen heshiiskan in uu yahay mid dhici kara maadaama labadan hogaamiye ay yihiin kuwo aad u jecel in ay helaan jagada madaxwaynayha iyo Raisul wasaaraha isla markaan dabeecad ahaan ka siman siyaasado qalafsan oo xtaa aynan la heshiin karin raga ay isku siyaasadda yihiin iyaga oo fikir ahaan qaba in siyaasadda soomaaliya kala hagayaana marka loo eego dhamaan hogaamiyayaasha kale ee shirka.

 

Horay ayaa labadan masuul xiligii wada hadalada ay ka dhacayeen hotelka safri park ay yeesheen kulamo qarsoodi ah oo looga dan lahaa in ay wax isla meel dhigaan maadaama ay dhibaatada ugu wayn ka imanaysay xiligaas labadan hogaamiye oo loo arkayay in ay miisaan ahaan culus yihiin.

 

Waxaase dhinaca kale ay dad badan is waydiinayaan sababta ay labadan nin isku mawqif u noqdeen iyadoo in mudda ah ay ka dhaxaysay xurguf siyaasadeed oo xoog wayn tan iyo markii madaxwaynaha loogu soo doortay cabdiqaasim dalka jabuuti xiligaas oo uu ka horyimid cabdulaahi Yusuf.

 

Mohamed Cali

Nairobi, Kenya.

mhomaedcali@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this