Sign in to follow this  
Jacaylbaro

MOGADISHU AIRPORT HANDED OVER TO THE UNGANDANS

Recommended Posts

Mogadishu 11, March.07 ( Sh.M.Network) Afhayeenka howlgalada nabad ilaalinta ee Midowfa Afrika ee Somalia Captain Paddy Ankunda ayaa manta daboolka ka qaaday in ciidamada Uganda ay si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta garoonka diyaaradaha ee Muqdishu oo ah caasimada Somalia.

 

Paddy Ankunda oo hadda ku sugan Muqdishu waxa uu hadalkan ku sheegay wareysi ay la yeelatay Shabakada Warbaahinta Shabelle, isagoo sheegay in ciidamada Uganda ay igu hadda mas’uul ka yihiin amaanka garoonka diyaaradaha iyo nawaaxigiisa, iyadoo ay howsha kala wareegeen ciidamada Ethiopia ee garab siinaya dowlada KMG….

 

“ugu horeyntii waxaan awood u yeelanay inaan la wareegno amanka garoonka diyaaradaha, waxaana jiray isbadelo bnadan oo dhacay…waxaan wada-shaqeyn la leeyahay dadka ku shaqeeya garoonka, ma jiraan hadda waxa dhib ah oo ka taagan garoonka…howlahiisa waa caadi..waxayna ila tahay in howla amaanka ay ku fidi doonto aagaga kale ee Muqdishu…marka waxaan kuu sheegayaa in ay nabad tahay nawaaxiga garoonka dayuuradaha,”

 

Captain Ankunda waxa uu xaqiijiyey in howsha ciidamada Uganda ay tahay in ay sugaan amaanka oo ay ka shaqeeyaan nidaam sahlaya sidii la isugu keeni lahaa dhinacyada iska soo horjeeda ee Somalia.

 

Ankunda waxa kale oo uu wareysigiisu kaga hadlay arrinta diyaaradii dhowaan dabka ku qabsaday gegida dayuuradaha ee Muqdishu, diyaaradaasoo ah diyaarad militari oo xamuul ah oo qalab militari u waday ciidamada Uganda ee jooga Muqdishu.

 

Waxa uu sheegay in ay weli wadaan baaritaan la xiriira sidii loo ogaan lahaa in diyaaradaasi ay u gubatay cilad ku timid awgeed iyo in lala helay gantaal ay soo rideen taageerayaashii maxaakimtii Islaamiga….

 

“inta aan og nahay, ma xaqiijin karno inagoo ku hadlayno magaca maxaakimta islaamiga ay iyaga ay yihiin dadkii soo riday diyaarada laakiin waxaan u saarnay koox baaris ah oo doonaysa in ay ogaadaan dhab ahaan waxa sababay dabka qabsaday dayuurada…ka dib markii aan taasi helno waanu soo bandhigi doonaa warka saxda ah,”

 

Captain Ankunda waxa uu sheegay in dayuurada laga jiiday dhabaha ay dayuuradaha ku ordaan oo lagu wado baaritaan iyo dayactir, isagoo intaa ku daray in howlahii kale ee garoonka ee ganacsiga la xiriiray ay si caadi ah u socdaan, amaanaka uu wanaagsan yahay.

 

Ankunda oo u dhashay wadanka Uganda waxa kale oo uu ka hadlay dadaalka ay wadaan ee ay ku doonayaan in si nabadgalyo ah lagu xaliyo wixii khilaaf ah ee ka jira caasiamad Muqdishu, isagoo mar kale carabka ku adkeeyey in ciidamada Midowga Afrika aysan doonayn dagaal ay la galaan Soomaalida, balse ay doonayaan in qolo kasta oo wax tabanaysa wada-hadal lala furo si loo helo xal waara, loogana fogaado dhiig daata.

 

Waxaa la weydiiyey bal xiliga ciidamada kale ee Nigeria, Burundi iyo Malawi ay imaanayaan, waxa uuna yiri…

 

“aad uma hubo taasi, laakiin waxaan filaynaa in Midowga Afrika uu ku qasbi doono wadamadaasi in ay ciidamadooda u soo diraan Somalia sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan…hadana waxaaba howl nabad ilaal in ah halkan ka wada ciidamada Uganda,”

 

Qeybtii ugu horeysay ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika oo ka socda Uganda ayaa todobaadkii hore soo gaaray Muqdishu, kuwaasoo ah kugu horeeyey ee yimaada Somalia wixii ka dambeeyey ciidamada UNOSOM iyo Mareykanka oo Somalia yimid mudo haatan laga 12 sano.

 

Ciidamada Uganda ayaa waxa ay qeyb ka yihiin sideed kun oo nabad ilaaliyaal ah oo ay uu horey balan qaaday Midowga Afrika, kuwaasoo la doonayo inay badelaan ciidamaad Ethiopia ee hadda garabsiinaya dowlada KMG ee Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro,

you really a strange man on the subject of politics.

 

One the one hand you support clan based fragmentation i.e. the waqooyi as a nation state, and the other, you get fired up over who is in muqdisho!??!

 

please explain,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this