Sign in to follow this  
Saalax

Halyeyadii Huriyey Hawl-galkii Inqilaabka ee 1961-kii Qaybtii 3'aad

Recommended Posts

Saalax   

Halyeyadii Huriyey Hawl-galkii Inqilaabka ee 1961-kii Qaybtii 3'aad

 

3469a3s.gif

 

 

Written by Qarannews

Jan 01, 2010 at 05:20 AM

 

Taliyaha Guud ee Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliya, waxa waqtigaa ahaa Maxamed Caynaanshe, oo isaguna dhalasho ahaan ka soo jeedey H.Y Isq, balse ku kacaamay waxna ku baratay Koonfurta Soomaaliya.

 

Inkasta oo isku dayga hawl-galka Inqilaabku aanu markii danbe noqon mid midho-dhala, hadana marka dadka aqoonyahanka ahi ka hadlayaan dhacdadaa waxa ay ku qiimeeyaan in ay ahayd ileyskii ugu horeeyey ee daaray shamaca Halgankii dheeraa ee Shacabka Somaliland u soo galeen dib u soo celinta Madax-bannaanida iyo gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Gees kale, haddii aynu ka eegno hawl-galkan, waxa xusid mudan masalada inay xudunta u ahayd isku dayga Inqilaabka iyo Halgankii adkaa Shacbigu u soo galeen la soo noqoshada Dawlad-nimadooda, maaha mucjiso ugub ah oo ku koobnayd oo keliya Siyaasiyiintii iyo Aqoonyahankii Somaliland ee waqtigaa. Hase-yeeshee, waxa dhacdadaa miisaalkeedu la soo dersay qawmiyado badan oo ku dhaqan Dunida, kuwaasoo sidii Somaliland ku dhacday si la mid ah Dawlad-nimadoodii si bilaa shuruud ah ugu wareejiyey dalal kale, ka dib markii ay is-indho buuxin waayeen Siyaasiyiintoodii.

 

Haddii aynu tusaale qaar ka mid ah Qawmiyadaha ay dhacdadaas oo kale la soo deristay, waxa aan murran ku jirin qaddiyada Yementa Koonfureed oo ka mid ahaa dalalkii uu gumeysan jirey Ingiriisku, kuwaasoo xornimada qaatay 30. Nov. 1968. ka dibna dhidibada u taagay Dawlad casri ah oo ku shaqeysa nidaamkii Shuuciga ahaa, isla markaana aaminsanayd aragtidii Maartiisamka ahayd.

 

Inkasta duruufaha iyo waayihii siyaasadeed ee soo wajahay Dawladii Curdinka ahayd ee xarunteedu ahayd Magaalada Cadan ay kaga gedisnayd midda Somaliland arrimo badan oo aan markaa siyaasiyiintii Somaliland hor oolin, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen cadaadis fara badan oo kaga imanayey Dawladihii deriska la ahaa oo ay qaarkood u dhexeeyey murran dhinaca dhulka ah. Sida- Saldanada Cumaan iyo Dawlada Sucuudiga oo labadooduba shaki ka qabay Nidaamka shuuciga ah ee la soo dersay iyo waddamada reer Galbeedka oo iyaguna si weyn uga soo horjeeday nidaamkii Shuuciga ahaa ee ay qaateen.

 

Arrimahaas iyo khilaaf gudahooda ahaa oo uu xuduntiisu ahayd loollan siyaasadeed oo ka dhex dilaacay xubnihii siyaasiyiinta ahaa, kaasoo sababay in marar badan iska hor-imaad ka yimaado taageerayaal kala taabacsan Madaxweynihii waqtigaa Md. Cali Naasir Maxamed iyo dhigiisii ka horeeyey Cabdifataax Ismaaciil. Sida- dhacdadii Jen.1968, taasoo keliftay gacan ka hadal ay isku faro saareen taageerayaasha labadaa masuul, isla markaana toddobaad gudihii ay ku naf waayeen kumanaan qof oo aan waxba galabsan, balse markii ay waayeen hoggaamiye-yaal aragti dheer oo kala badbaadiya dhiigooda iyagii birta iska aslay.

 

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in shacbiga ku kala dhaqan Yementa Koonfureed iyo Yementa Waqooyi oo marka tiro ahaan la is barar dhigo la mid ah tan Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya. Sida lagu sheegay Daraasado la xidhiidha tira-koobyo lagu sameeyey Sanadkii 1990-kii dadweynaha ku dhaqan Yementa Koonfureed, waxa lagu qiyaasay 2785484 qof, halka ku dhaqan Yementa Waqooyina ay ka noqdeen 7160981 qof. Waxanay arrintaasi ka markhaati kacaysaa kala badnaanshaha Qawmiyadaha ku kala dhaqan labada Gobol.

 

Markii siyaasiyiintoodu ay horumarkii iyo wax-qabadkii laga sugayey muddo 22 Sannadood ah oo ay xornimo haysteen kaga mashquuleen murran iyo khilaaf madhalays ah oo dhexdooda ka oognaa, waxa ay Sanadkii 1990-kii si bilaa shuruud ah ugu biireen Yementii Waqooyi, ka dib markii nimanka gacanta ku hayey hoggaanka Dawladii Cadmeed loo sameeyey xilal iyo balan-qaadyo indho-sarcaad ah, iyada oo markaa uu Taliskii fadhigiisu ahaa Magaalada Sanca uu ka faa'idaysanayey khilaafkooda. Waxa lagu qanciyey labadii masuul ee u sareeyey Taliskii Cadmeed Cali Saalim Al-biid oo hayey hoggaamiyaha xisbigii shuuciga, kuna bedeshay inuu Madaxweyne-ku-xigeen ka noqdo Dawladii Midninada, halka Madaxweynihii Yementa Koonfureed Xaydar Abubakar Al-Cadaas isagana loo magacaabay inuu noqdo Ras'iisal Wasaaraha Dawladii Federaalka ahayd.

 

Hase-yeeshee, markii nidaamkaa wadaaga ahi uu shaqeynayey muddo ku siman Saddex Sannadood, ayaa wax durbadiiba soo if-baxay is-fahan la'aanta dhaqan ee labada shacbi iyo iyada oo markiiba madaxdii reer Koonfureedka ahayd ay dareemeen cidhiidhi siyaasadeed isla markaana ay marba marka ka dambeysa isa soo gabtay fulinta awoodahoogii sharci, kuna hafteen Siyaasiyiintii Waqooyiga oo tiro iyo tayo ahaanba ka badnaa.

 

Sanadku markuu ahaa 1994 waxaa u cadaatay xubnihii reer Koonfureedka ahaa in haba-yaraadee aanu jirin wax rajo ah oo ugu laaban shuraakada Taliskii Sanca, taasina waxa ay sababtay Dagaalkii adkaa ee ka qarxay Goboladii Koonfurta, kaasoo u dhexeeyey Ciidamadii Reer Cadmeedka ahaa oo gacan ka helayey shacbigooda iyo Ciidamadii Taliskii Fadhigiisu ahaa Sanca.

 

Iska hor-maadkaasoo uu hormood ka ahaa Cali Saalim Al-biid, ka dib ay u babac dhigi kari waayeen awoodii ciidamada Taliskii Sanca waxay sababtay in la jebiyo Ciidankiisii, ka dibna Cali Saalim Al-biid uu baxday Dalka Cumaan, halkaasoo uu ka helay magangelyo siyaasadeed oo uu ku noolaado, balse ay Saldanadii Cumaan ku amartay in aanu ka hadal wax siyaasad ku saabsan.

 

 

 

Kala soco Caddadka Dambe ee wargayska Yool

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this