Sign in to follow this  
Abwaan

Xildhibaanada Golaha Baarlamanka Soomaaliyeed oo u Qalab Qaatay in ay Ku Kala Laabtaa

Recommended Posts

Abwaan   

Xildhibaanada Golaha Baarlamanka Soomaaliyeed oo u Qalab Qaatay in ay Ku Kala Laabtaan Gobolada Ay ka Soo Jeedaan.

 

Baydhabo , Khamiis , Febr , 15 , 2007, Waagacusub.com

 

 

Xildhibaanada Golaha Baarlamanka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa In ay Ku Kala Laabtaan Gobolada ay ka Soo Jeedaan Si ay Dadkooda uga Dhaadhacsiiyaan Qorshaha Dib U heshiisiinta Ee La Filaya in kol Dhow ay Dowladu Qabato.

 

K/Xigeenaka labaad ee Gudoomiyaha Baaralamanka FS Cismaan Cilmi Boqore ayaa Sheegay in Dhawaan u Baarlamanka ay ukala Dirayaan Goboladooda Si ay Dadkooda ugu Abaabulaan howsha Dib U Heshiisiinta ay Dowladu Wado.

 

Arintaan ayaa waxa ay ka Danbeysay Kadib Markii uu Dhawaan Madaxweynaha Dowladda FKMGS C/llahi Yusuf Uu Ku Dhawaaqay In Uu Dib U Heshiisiin Qaran u Qaban Doono Guud ahaan Dalka Soomaaliya Wallow Madaxweynuhu oo Dhowr mar sheegay In ay Xukumadiisu La Kulmi Doonin Midowgii Maxaakiimta Islaamiga oo Uu Ku eedayay In ay Ahaayeen Danbiilayaal Dagaaal.

 

Dib u Heshiisiintaan la Qaban qaabinayo ayaa Waxa ay ku soo Beegmaysaa Xili ay Magaalada Muqdisho isaga Qaxayaan dadka Shacabkaa oo Ka Cabsi qaba qaraxyo ay Isweydaarsanayaan Ciidamada Dowladda oo ay Weheliyaan Ethiopia iyo Kuwa Muqaawimo ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waah waah waxaasaa JOKE ah! Can Mr Buubaa and his Waqooyi Galbeed colleagues go to Hargeysa? I don't think so. Can I suggest that they are split into small groups and sent to accompany to those going to Bari, Benaadir, Bay and Jubbada Hoose.

 

I think that majortiy of so-called Xildhibaanno oo aan anigu shakhsiyan ku tilmaamo BEELDHIBAANNO ma aadi karaan degaannada ay yiraahdaan waan ka soo jeednaa amaba diyaar uma aha inay aadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this