Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Delegation from US Embassy in Nairobi Arrive Somaliland

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-09-09 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Wefti ka socda safaarada Maraykanka ku leeyahay dalka Kiiniya ayaa maanta booqasho hawleed dalka ku yimid. Weftigan oo ay hogaaminaysay u qaabilsanaha arrimaha siyaasada iyo dhaqaalaha safaarada ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Ms Jesicca Davidba, waxa goraanka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhoweyay Wasiiro iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dawladda.

 

Weftigan waxa ay isla shalayba shir goosgoos ah la yeesheen mas’uuliyiinta Goleyaasha Qaranka, Asxaabta iyo xubno ka socday Komishanka Doorashooyinka.

 

Ms Jesicca Davidba, waxa ay sheegtay in ay ujeedada ay dalka u yimaadeen ay ahayd xidhiidhka Somaliland, Maraykan iyo ka kaalmaynta Somaliland arrimaha dhaqaalaha iyo doorashooyinka soo socda.

 

“Waxaanu ognahay oo aanu aqoonsanahay in Somaliland ay u dhabar-adeegtay xaalad aad u qalafsan, abaaro iyo sicir barbar saameeyay dawladaha soo koraayo oo dhan, sidaa daraadeed waxaanu ku hambalyaynaynaa Somaliland waxyaabaha ay qabsatay, waxaana ballanqaadaynaa in aanu wax kala qaban doono xoojinta dimuqraadiyada iyo doorashooyinka fooda inagu soo haya, ayey tidhi Ms Jesicca.

 

Waxa ay intaa ku dartay in ay isfahmeen dhinacyadii ay la kulmeen.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu C/raxmaan Maxamed oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ay la kulmeen weftigu ayaa sheegay in ay idiidiilo wanaagsan ay kala kulmeen, isla markaana ay uga xog warameen xaaladaha jira.

 

Waxa kale oo uu sheegay in ay weftiga u gudbiyeen arrimaha ugu waaweyn ee ka jira Somaliland iyo gobolkaba sidii loo hormarin lahaa, loona baahan yahay in la dhammaystiro aqoonsiga Somaliland .

 

Wasiirka Qorsheynta Cali Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdilaahi ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in ay u gudbiyeen mas’uuliyiinta safaarada Maraykanka sidii Maraykanku wax ugala qaban lahaa arrimaha dhaqaalaha iyo sii xoojinta amniga.

 

Sidoo kale, Jaamac Maxamed oo ka mid ah Komishanka Doorashooyinka ayaa isna sheegay in ay uga warameen weftiga sida ay u socdaan arrimaha Diiwaan-gelintu.

 

Weftigan waxa ay isla shalayba dib ugu dhoofeen dalka Kiiniya oo ay ka soo kicitimeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this