Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: two more deputy ministers resign from non existent cabinet

Recommended Posts

Labo Wasiir ku Xigeen oo ka Tirsanaa Dowlada R/wasaare Nuur Cadde oo is Casilay Saaka.

 

Waxaa saaka ku dhawaaqay in ay is casileen laba wasiir ku xigeen oo ka tirsan xukuumada sii liicaysa ee Nuur Cadde waxaa ayna kala yihiin Wasriir ku xigeenkii wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta iyo wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud ee Dowlada Fedaralka Somaliyeed

 

Labadan wasiir ku xigeen ayaa ku macneeyey is casilaadooda in Dowlada Nuur Cade ay waxba ka qaban ayna sugi weyday amaanka dalka oo ay balan qaadeen .

 

Mid ka mid ah labada wasiir oo la yiraahdo Cali Muumin, ahna ku xigeenkii wasiirka wasaaradda maaliyadda ayaa u sheegay saxaafada in ay iska casileen Xukuumada Nuur Cadde ka dib markii ay ku fashilantay wax kasta oo ay horey u balan qaaday.

 

Is casilaada labada wasiir ku xigeen ayaa timid xili ay horey isku casileen 11 wasiir oo ka tirsanaa xukluumada Nuur Cadde iyada oo lagu balansanaa in lagu saxiixo heshiiskii Jabuuti Makka Al-Mukarama isbuuca soo socda.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Fedaralka ayaa waxaa ay bilaaben guux iyo shirar ka dib markeey ka war heleen in Ra'isul-wasare Nuur Cade uu diiday inuu saxiixo lacagihii mishaarka baarlamaanka ay qaadan jireen, ayadoona lagu macneeyey siyaasad daahsoon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasriiro ku xigeen Dowlada Fardaraalka Somalia ayaa ku dhawaaqay in ay iska casileen xilkii ay uhayeen Xukuumada Nuur Cadde.

Arbaco 06.08. 2008

 

Somalia - Wasiiro ku xigeen Dowlada Fardaraalka Somalia ayaa ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii ay uhayeen Xukuumada Nuur Cadde, ayagoo ku macaneeyay in u Ra’isal wasaaraha u dhinac maray Axdigii iyo iyo Sharcigii uyiilay Dowlada Kumeel Gaarka Somalia.

 

Wasiiro ku xigeenadaas ayaa kala ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta iyo wasiir ku xigeenkii wasaarada howlaha guud ee Dawlada Fearaalka Somalia,ayagoona tilmaamay in Xukuumada Nuur Cadde ay kasoo bixiweysay wixii loo dortay oo ahaa in ay dib u soo celiso nabad galyada iyo dhowrida Axdiga Qaranka.

 

Dhinaca Kale Ra’isal Wasaare Dowlada Fadaraalka Somalia Nuur Cadde ayaa waxaa saraan cadaadis farabadan oo ku saab san waxkabadalka Siyaasadiisa ku aadan Xal u helida Dalka Somalia, ayadoona ay horey isga casileen Xilaalkii ay hayeen 11 wasiir oo ka mid ahaa golahiisa wasiirada, kuwaaso ayana ku edeeyaay Xukuumada Nuur Cadde ku tumasho Axdiga Qaranka iyo ineey abuureyso Khalaf lagu kala qeeybinaayo Dowlada Fadaraalka Somalia.

 

Hassan C

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this