Sign in to follow this  
General Duke

Prof Dalxa given prominance over Sharif Xasan: Shame in Cairo

Recommended Posts

Wafdiga Prof. Dalxa oo noqday wafdiga sida rasmiga ah uga qaybgalaya kulanka Qaahira

Posted to the Web Dec 27, 11:18

 

 

Qaahira (PP) - Maanta saacaddu markay tahay 11:00 Duhurnimo ee xilliga dalka Masar ka furmay Magaalada Qaahira kulan ay ku kulmayaan Xubno ka socda Baarlamaannada Jaamacadda Carabta, waxaana noqday wafdiga sida rasmiga ah Soomaaliya ugu matalaya kulankaas Wafdigii uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

 

Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ayaa la xaqiijiyay inay dhamaantood noqdeen xubnaha loo ogolaaday inay ka qaybgalaan shirkaas, oo la siiyay warqadaha ka qaybgalka, waxaana sidoo kale Jaamacadda Carabtu ay siisay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Warqad Casuumaad ah oo u ekayd inay tahay warqad dheeri ah oo aan qorshaha ku jirin, waxaana taasi ay timid kaddib markii xubnihii la socday Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ay ka codsadeen Jaamacadda Carabta inay ku soo darto shirka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay inuu kaligiis ka qaybgalayo kulanka, iyadoo aanay la socon wafdi uu damacsanaa guddoomiyuhu inay kala qaybgalaan kulankaas, sida Puntlandpost ay kaga helayso warar ka imaanaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Labadan wafdi ayaa shalay si kala gooni gooni ah u kala gaaray Magaalada Qaahira ee Dalka Masar, waxaana si weyn loo soo dhaweeyay sida wararku sheegayaan wafdiga uu hoggaaminayay Prof. Dalxa, taasoo keentay in guddoomiyaha baarlamaanka uusan helin wax soo dhaweyn ah.

 

Kulankaan maanta furmay oo socon doona 2-maalmood ayaa waxaa lagu dhisi doonaa baarlamaanka ka kooban 88-xubnood oo ay yeelanayaan dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo ay tiadoodu gaarayso 22-dowladood, waxaana dal walba laga doonayaan inay ugu biirto kulankaas 4-xubnood oo ay soo xualay dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii G/Kuxigeenka Baarlamaanka Prof.Dalxa oo noqday wafdiga uga qeyb gala Somaliya shirka Carabta

 

Qaahira:- Waxaa maanta magaalada Qaahira ka furmay Shirka Baarlamaanka Jaamacada Carabta. Shirkan ayuu maanta furay Madaxweynaha dalka Masar Md.Maxamed Xusni Mubarak.

 

Ayadoo ay magaalada Qaahira Soo gaareen labo wafdi ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan iyo Kuxigeenkiisa Prof.Maxamed Cumar Dalxa ayaa waxaa si rasmi ah shirkan uga qeyb galay dhamaan wafdigii la socday Prof.Dalxa ee kasoo kicitimay magaalada Jowhar.

 

Labadan wafdi ee ka socday dalka Soomaliya ayaa ayagu mid waliba sheeganayey in si rasmi ah u sitaan casumaada Baarlamaanka Soomaaliya uga qeyb galayo Shirka maanta ka furmay Qaahira ee Baarlamaanka Jaamacada Carabta.

 

Wafdigii la socday Shariif Xassan Shiikh, Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay ku wehliyeen 3 xildhibaan ayaa ayagu waxaa loo ogolaaday in shirka uu ka qeyb galo Shariif Xassan oo kaliya.

 

Xildhibaanadi kale ee kamid ahaa Shariif Xassan wafdigiisa ayaa loo sheegay in xubnaha Baarlamaanka uga qeyb galaya ay yihiin Wafdiga ka yimid magaalada Jowhar oo uu horkacayo G/Kuxigeenka Maxamed Cumar Dalxa iyo Guddoomiyaha Shariif Xassan oo asagan lagu daray shirkaasi.

 

 

Arrintan ayey si weyn uga andacoodeen Xildhibaanada garabka Muqdisho oo sheegay in Jaamacada Carabta ay si gaar ah casumaad ugu dirtay xildhibaanada ku sugan magaalada Jowhar.

 

Xildhibaano ay kamid ahaayeen Yusuf Xassan Ibraahim (Dheeg) iyo Zakariya Xaaji Maxamuud oo kamid ahaa Wafdiga shariif Xassan ayaa si weyn uga carooday kadib markii laga celiyey shirkii maanta ka dhacay Qaahira.

 

 

Shariif Xassan ayaa markii ugu horeysay maanta shir kala qeyb galay Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Prof.Maxamed Cumar Dalxa oo ay siyaasada si weyn isaga soo horjeedeen in dhawaale.

 

Waxaa lagu wadaa in shirkan Baarlamaanka Jaamacada Carabta lagu dhisayo Kuraasta kusoo aaday dowlada Soomaaliya ay tahay 4 xildhibaan, ayadoo loo badinayo in ay kuwaasi noqdaan xubnaha ka yimid magaalada Jowhar ee kamid ahaa wafdigii Dalxa. Balse arrintaasi ayaa la sheegay in ay tahay mid weli murran weyn uu ka taagan yahay.

 

 

Jaaliyada Soomaalida ee Masar ayaa ayagu si weyn ugu dadaalay in la dhex dhexaadiyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya kamid ah oo ayagu kala socday, ayadoo ugu danbeyntii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan uu ogolaaday inuu horkaco wafdigii ka yimid Jowhar.

 

Cabdullahi Haji

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

The is worst political himilation for Shariif and company. Qahira and Masar, the only freindly country?. The world is understanding, will Shariif understand too?

We want see the shariif in Kismaanyo and break the death lock.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maanta saacaddu markay tahay 11:00 Duhurnimo ee xilliga dalka Masar ka furmay Magaalada Qaahira kulan ay ku kulmayaan Xubno ka socda Baarlamaannada Jaamacadda Carabta, waxaana noqday wafdiga sida rasmiga ah Soomaaliya ugu matalaya kulankaas Wafdigii uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

capt.lon10612271037.mideast_egypt_arab_p

 

Leaders attend the opening session of the Arab Transitional Parliament in Cairo December 27, 2005. Egyptian President Hosni Mubarak inaugurated the Arab world's first regional parliament meeting.

 

capt.lon10912271046.mideast_egypt_arab_p

 

A general view of the opening session of an Arab League meeting in Cairo Tuesday Dec. 27, 2005. Egyptian President Hosni Mubarak, top center, inaugurated the Arab world's first regional parliament meeting.

 

Shariifka is there, and is among the "leaders." I don't know if he is officially representing Soomaaliya, but he is there nonetheless. I don't see Barfasoor Dalxa. Perhaps he is among those sitting kuraaska wareegsan, I guess. I checked all of them on Yahoo.com.

 

capt.lon10412271033.mideast_egypt_arab_p

 

There goes our noble calan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

While you hate copy and paste, the last nes on this particular issue is as follows. Dalxa and his delegation where sworn ina s the representatives for the Arab Parliment. This is not a big deal and the Sharif handled the situation well as reported..

 

Baarlamaanka Carabta oo ay uga qeyb noqdeen xubnihii Jowhar ka tagay

 

Qahira:- Gudoomiyaha baraalmaanka Soomaliya Shariif Xasan ayaa shaaca ka qaaday in xubnihii Baarlamaaka soomaliya ee la socday wafdigii gudoomie ku xegeenka baarlamaanka somaliya Mr Dalxa ay yihiin kuwa magacyadooda laga diiwaan giliyay Barlamaanka carabta ayna soomaaliya uga qeb galayanaa kulamada baarlamaankaasi u yeelan doono.

 

Wax dhib ah kuma jirto in xubnahaasi dhanka Jowhar la diiwaan giliyo magacyadooda, haddii baarlamaanka marka uu isu yimaado u ku hishiiyo in xubnahaasi la badalo ama la cusbooneysiiyo mar waliba waan ku qanacsanahay sidaa waxaa yiri Gudoomiye Shariif.

 

Gudoomiye Shriif ayaa dhanka kale kulan la qaatay jaaliyada beesha ****** ee dalka Masar isgoo kala hadlay xaalada iminka uu dalkaku jiro.

 

Jaaliyada ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaliya ka codsaday in tanasulaad uu smaeeyo si loo badbaadiyo jiriotaanka dowladiilagu soo dhisay dalka Kenya.

 

Cismaan Fantastic

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The news from the supporters of Sharif Xasan..Ouch

 

 

Shariif Xasan iyo Wafdigiisii oo aan ka mid noqon xubnaha Soomaaliya umatalaya Barlamaanka Carabta

 

Xasan Xanafi

Guuldaradii ugu xumayd tan iyo intii uu bilowday qilaafka u dhaxeeyaha xubnaha dowlada ku meelgaarka ah ee soomaliya ayaa lasoo gaarsiiyay gudoomiyaha barlamaanka kadib markii kuraastii Soomaaliya ay ku lahayd Baarlamaanada carabta loo magacaabay in ay noqdaan Profisor Dhalxa iyo wafdigii uu hogaaminayey .

 

Shariif Xasan Sh. Aadan oo baryihii lasoo dhaafay ka qayb galayey kulankii lagu aas aasayey barlamaanka Carabtaa kaas oo ka socday Qaahira ayaa markii danbe lasoo saaray xubnaha 88-da ah ee Baarlamanaka Jaamacada Carabta uu kakoobnaa, liiskaas oo uu iska waayay xubnahiisa.

 

 

Dadaal dheer uu gudoomiyahu u galay sidii ay shirka uga qayb gali lahaayeen isaga iyo xubnihii lasocday, taas oo suurta galisay in isaga kaliya uu shirkaas ka qaybgalo, ayaaba markii danbe waxaa dhacaday in xitaa uu isagu uu kamid ahaan waayey xubnaha ku fadhiisanayey kuraasta baarlamaanada carabta uga soo aaday soomaaliya ee afarta ah .

 

Xubnihii Soomaaliya ay ku lahayd baaralamaanka carabta ayaa waxaa la ansixiyay in ay ku fariistaan Ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya maxamed Cumar Dhalxa iyo sadex xubnood oo lasocday oo uu kamid yahay xildhibaan Burile .

 

Tan ayaa ka dhigan dhabarjabkii siyaasadeed ee ugu xumaa ee soo gaara garabka dowlada KMG ee ku sugan magaalada Muqdisho ee uu hogaamiyo Shariifka kuwaas oo iminka u muuqda in looga dhereeyey dhinaca siyaasada arimaha dibada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this