Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland President Visits Djibouti Ethiopia

Recommended Posts

Kamaavi   

Originally posted by xiinfaniin:

Gheelle being the experienced leader he is performed an impressive diplomatic dance for his brother in-law from Hargesya. But buried in the courtesy is a measured, and well chosen words of diplomacy that do indeed speak to the context in which this welcome is undertaken. No word from Gheelle or even a hint on the matter that brought Siilaanyo to Jabuuti--- Somaliland’s independence bid. And although Siilaanyo bravely requests help from his better-positioned neighbor in a very eloquent, and equally diplomatic, manner, the other side of the table lets that one to pass unanswered. It is another reading on the wall that loudly reads even in failure SOMALIA IS ONE…

You always had this hope of one day Somalia will stand on its feet again. Silanyo's historic trip to Djab could be turning point for the caravan as it reads from the news. But it needs drivers( and some little fuel from Farmaajo's government) back. Somalinimada, midnimada, gacan qabsiga or iskaashiga ay Siilanyo iyo Geele rabaan waxay u rabaan Somalida mandaqada ku nool iyo jiilka soo kari oo dhan.

 

It was an eye opening trip for many Somali politicians.

 

Gacmo wada jir... Allow garansii :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Qodobada Ay Kala Hadleen Jabuuti Iyo Socdaalka Madaxweynaha

November 5th, 2010 Comments Off

 

Hargaysa (Somaliland.org ) Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa maanta ka hadlay nuxurka qodobada ugu muhiimsan ee weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo kala hadleen Madaxweynaha Jabuuti, arrimaasi oo ay ka mid yihiin inuu ka taageero kasbashada maalgelinta shisheeyaha, mashaariicda horumarinta iyo furitaanka xafiisyo siyaasadeed oo labada dal is dhaafsan doonaan.Waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay baratakoolkii caalamiga ahaa ee lagu soo dhaweeyay weftigii Madaxweynaha oo uu sheegay inuu ahaa bog cusub oo u furmay Siyaasada dibada Somaliland.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu sheegay in shirarkii iyo kulamadii ay yeesheen labada dhinac ee Somaliland iyo Jabuuti ay ahaayeen kuwo ku socday jawi wanaagsan, kuwaasi oo uu wasiirku xusay in ay ku saabsanaayeen xoojinta iyo iskaashiga labada dal, isla markaana ay ka soo bixi doonaan qodobo iyo natiijooyin wax-tar u ah labada dal iyo labada shicibba.

“Qaabka xukuumadda Jabuuti u qaabishay xukuumadda Somaliland iyo arrimaha kale ee aanu ka wada hadalnayba marka la qiimeeyo, arrintani waxay albaabka u furaysaa nidaam cusub oo aan hore qaaradda Africa uga hirgelin wadahadaladii dhex marijaray Somaliland iyo wadamada Africa, gaar ahaan wadamada jaarka. Sida ay dawladda Jabuuti arrintan u aragtay iyo sida ay u maamushay waxay muujinaysaa in Somaliland hadda tahay xukuumad nabadgelyadeeda, dimuquraadiyadeeda, halka ay dunida kaga taallo iyo waxa ay qabsatayba ay tahay wax weyn oo dunida u muuqda, waana wax aanu aad iyo aad ugu mahadnaqayno walaalahayaga Jabuuti iyo Madxwaynahadooda Ismaaciil Cumar Geelle,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo maanta khadka Telefoonka ugu waramay Radio Hargaysa.

Wasiirku isaga oo ka hadlaya nuxurka wadahadaladii labada dhic ee ay kala hogaaminayeen labada Madaxwayne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu sheegay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu ka codsaday in ay dawladda Jabuuti gacan ka siiso sidii Somaliland xubin uga noqon lahayd golaha qaramada Midoobay, taas oo uu Madaxwayne Geelle kaga jawaabay in dawlad iyo shicibba aanay waxba kala hadhi doonin sidii Somaliland uga mid noqon lahayd beesha caalamka.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland waxa kale oo uu sheegay in madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu sidoo kale Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ka codsaday in uu wax kala qabto Somaliland arrimaha horumarinta oo ay mid yihiin helitaanka maalgelinta shisheeye, farsamooyinka lagula soo bixi karo khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan Somaliland, horumarinta Dekedaha iyo dhaqaalaha, taasi oo uu sheegay wasiirku in dawladda Jabuutina ay ballan qaadeen in ay gacan buuxda ka gaysan doonaan dhinacooda arrimahaas.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in kulan ay wada yeesheen wasaaraddaha arrimaha dibadda Somaliland iyo Jabuuti ay iskula qaateen in sida ugu dhakhsaha badan uu dhinac walbaaba xafiisyskiisa wakiilnimo uu u furo, maadaama ay arrintaasi meesha maqnayd muddo aad u dheer.

Sidoo kale madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu gelbinayo wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo boosaha iyo isgaadhsiinta ee dalka Jabuuti mudane Cali Cabdi Faarax ayaa soo indho indheeyay qaybo ka mid ah mashaariic horumarineed oo ka socda dalkaas. Goobahaasi oo ay ka mid yihiin shirkadda isgaadhsiinta jabuuti, Dekedii hore iyo ta cusub ee laga hirgeliyay halkaas iyo mashruuca Kaybalka isgaadhsiinta ee badda hoostiisa mara.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirku isaga oo ka hadlaya nuxurka wadahadaladii labada dhic ee ay kala hogaaminayeen labada Madaxwayne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu sheegay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu ka codsaday in ay dawladda Jabuuti gacan ka siiso sidii Somaliland xubin uga noqon lahayd golaha qaramada Midoobay, taas oo uu Madaxwayne Geelle kaga jawaabay in dawlad iyo shicibba aanay waxba kala hadhi doonin sidii Somaliland uga mid noqon lahayd beesha caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by Thankful:

Of course they have a different protocol! He needs to do it, no other country brings out a red carpet for him! We get pics of his departure but not his welcoming when he lands!

If you insist...

 

 

tapirrougesilanyo.jpg

 

 

iogsylanyo.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this