Sign in to follow this  
General Duke

Major Mogadishu clan supports government

Recommended Posts

Shir ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu taageeray dowladda KMG ah iyo heshiiskii ay dhowaan Nairobi ku gaareen siyaasiyiin ka tirsan beesha Mudullood

 

 

Jimco, November 19, 2004 (HOL) Dhowaan waxaa magaalada Nairobi heshiis ku gaaray siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan beesha Mudullood, kuwaasi oo qaarkood aan horay isu salaami jirin, waxaana gogoshii heshiiskaas dhigay ra'iisul wasaaraha xukuumadda FKMG ah Prof. Cali Maxamed Geeddi oo kulankaasi ka sheegay in dib u heshiisiinta hoos laga soo bilaabo, iyadoo uu caddeeyay Ra'iisul Wasaaruhu in iyadoo aanu qofka xalin dhibaatada gurigiisa ka jirta aanu wax ka qabin karin dhibaato guri kale, taasi oo uu ula jeediyay in uu isagu shakhsi ahaan wax ka qabanayo dhibaatada kala gaartay beeshiisa, si uu kadib ugu sii gudbo xalinta dhibaatooyinka beelaha kale.

 

 

Haddaba, waxaa Xarunta Golaha Aqoonyahanka Soomaaliyeed (SIP) lagu qabtay shir ay ka soo qeybgaleen aqoonyahanno, waxgarad, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haween, kaasi oo lagu ayidayay amaba lagu taageerayay heshiiskii ay magaalada Nairobi ku gaareen siyaasiinta iyo waxgaradka beesha Mudullood, iyadoo uu kulankanna soo qaban qaabiyay Caaqil

Maxamuud Cali Jimcaale(Koogaar).

 

Muhiimada kulankaas ayaa lagu sheegay in uu ka koobnaa ,sidii dib loogu mideyn lahaa bahweynta beesha Mudulood, isla markaasna loo taageeri lahaa, loona soo dhaweyn lahaa Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen 257 qofood oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada sida: Dhaqanka, Siyaasiinta, Culumaa'udiinka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo Dhalinyarada beeshaas, ayaa ugu dambeyntii la isku waafaqay qodobada soo socda:-

 

 

1- In ay muqadas tahay midnimada bahweynta beesha Mudulood

2- In loo howl galo sidii loo dhameystiri lahaa wixii khilaafaad ah ee ka jira beesha dhexdeeda.

3- In la dhiso guddi u howlgala isku xirka beesha.

4- In taageero buuxda la siiyo dhismaha dowladda Federaaliga KMG ah.

5- In la doono midnimada beelaha kale ee la bah wadaagta la ah beesha Mudullood, si ay suurtagal ku noqoto in ay dowladda caasimadda uga howlgasho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this