Sign in to follow this  
Paragon

MUQDISHO: Dagaal aad u qaraar

Recommended Posts

Paragon   

MUQDISHO: Dagaal aad u qaraar oo ka socda deegaanno ku dhow Fagax iyo Juungal, iyadoo dagaalkana uu saameyn...

Posted to the Web Apr 12, 12:45

 

 

Muqdisho (PP) – Dagaal aad u qaraar ayaa wuxuu ka socdaa deegaanka Fagax iyo Juungal, halkaasoo ay isaga soo horjeedaan ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo ka soo horjeeda.

 

 

 

Madaafiic aad u fara badan ayaa waxay ku dhacayaan goobaha ay dagaallada ka socdaa, waxaana madaafiicda qaarkeed ay ka dhacaysaa xarunta Madaxtooyada ee Soomaaliya (Villa Somalia) iyadoo sidoo kalena Madaxtooyada agagaarkooda ay ku dhacayaan madaafiic kale oo jawaab ah.

 

 

 

Dagaalka cusub ayaa billowday 12:00 Duhurnimo ee maanta waxaana la sheegay inay sababeen dhimashada ugu yaraan 9-ruux, iyadoo dadka ku dhaawacmayna lagu sheegay inay sii tiro badinayaan, waxaana dadka goobaha ay madaafiicda ku dhacayso deggen ay billaabeen inay isaga qaxaan.

 

 

 

Madaafiicda ayaa waxaa la sheegay inay intooda badan ku dhacayaan goobaha lagu dagaallamaya duleedkooda, ayna ku dhacayaan xaafado ka tirsan Muqdisho, waxaana wararku ay sheegayaan in dadka deegaankaass ay intooda badan ka baaxeen deegaankaas; kaddib markii shalay lagu dagaalamay.

 

 

 

Goobaha ay isku horfadhiyaan ciidammada Ethiopia iyo kooxaha kasoo horjeeda ayaa iyagu daggan, kama jiraan wax rasaas ah oo ka dhacaysa, iyadoo wararku ay sheegayaan inay is horfdhiyaan Ethiopian-ka iyo kooxaha ka soo horjeeda.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

War de deg ah dagaal aad u qaraar oo hadda ka socda aagga godka SiiSii iyadoona leysku adeegsan.

 

 

Dagaal qarara ayaa ka socda dhinaca waqooyi ee Muqdisho kasoo u dhaxeya xoogaga xaq u dirika iyo ciidamada DFKMG, iyadoona dagaalka maantu yahay kii ugu qaraaraa ee dhex mara laba ciidan oo Soomalai ah.

 

 

Dagaala xoogiisa oo laga maqlaayo magaalada oo idil ayaa waxaa ku gacan sareeyo ciidamadaaq u dirika

 

News Update in English www.dayniileone.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Hogaamiyayaasha Kooxaha Oo Qaybgalay Dagaalka Iyo Saaka Oo

 

(Muqdisho}12.04-7

Dagaalkii ka dhacay Isgoyska Fagax ayaa waxaa kasoo baxa Saaka warar dheeraad ah oo sheegaya in dagaalkaasi ay ka qeyb galeen rag sar sare oo katirsan Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho...................................

 

Dagaalka oo shalay gelinkii dambe si xawli ah uga socday isgoyska Fagax ayaa waxaa ku soo biiray Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere oo isaga iyo ciidamadiisa, iyagoo dhanka dagaalka ka soo gaalay Aaga Lafweyn, oo mudooyinkan fadhiisin u aheyd.

 

Maxamed Dheere iyo maleeshiyadiisa ayaa dagaalka ku soo biiray, xilli Kooxaha ka soo horjeeda ay qarka u saarnaayeen in ay la wareegaan Saldhiga Degmada Yaaqshiid, waxaana sidoo kale la sheegayaa Nuur Dakhle oo isna ah Taliyaha Ciidamda iyo Kaaliyaha Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Dhagaxtuur uu isna dagaalka ka qeyb galay.

 

dhanka kale Nin la dhashay Raysul Wasaare Geeddi ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay dagaalkii shalay, iyadoo dhaawaca soo gaadhayna ninkaas la dhashay Mr Geeddi ay warar kala duwan ka soo baxayaan.

 

Xilliga uu dhaawacmayay ayaa lagu soo waramayaa in uu kujiray Dagaalka isla markaana uu lasafnaa Ciidamada Dowladda Federaalka inakstoo Dhaawaciisuna kasoo gaadhay dhanka Madaxa uuna iminka lajiifo Isbitalka Keysaney ee Magaalada Muqdisho, iyadoo saaka lagu wado in loo qaado Magaalada Nairobi.

 

Dagaalkii shalay ka dhacay Agagaarka Fagax ayaa ahaa mid aad u xooganaa, mana jirin wax Askar Ethiopian ah oo ka qeyb galay dagaalkaasi marka laga reebo Madaafiicdii ay kasoo tuurayeen Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia.

 

Sidoo kale Dagaalkan ayaa waxa uu ku fidey duleedka Suuqa Xoolaha ee Jamhuuriya, halkaasi oo rasaas xoogan ay ka dhaceyso saaka, iyadoo labada dhinaca ay u kala yimaadeen gurmadyo.

 

Wali waxaa jira qasaarooyin kale oo dagaaladaasi ay geeysteen, inkastoo si rasmi ah aaan loo ogeyn, laakiin Isbitalka Madiina waxaa la geeyay 3 ruux oo dhaawac ah sida ay sheegeen saraakiisha caafimaad ee halkaasi.

 

Lama soo sheegin maanta ciidamo Ethiopian ah oo ka qeyb qaatay dagaalkaasi oo haatan noqdey mid goos goos ah.

 

Widhwidh Online News Desk..Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

The funny thing is, this war which started yesterday are being fought by the tfg clan militia and the resistance movement. It seems the Ethiopians found a way to let the clan militia fight a battle they will lose.

 

PS: The so-called PM's brother has been reported wounded in yesterday's clash. Let us see what today brings; Guul for xaq u dirirka of course.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this