Sign in to follow this  
MoonLight1

End of PIRACY????????

Recommended Posts

Shirweyne ku Saabsan Burcad Badeeda oo ka Socda Eyl

 

Monday, May 25th, 2009 at 6:35 pm

 

Horseed Media

 

Kulan ballaaran oo kii ugu horeeyey ee noocisa ah ayaa ka furmay degmada Eyl ee gobolka Nugaal, halkaasi oo looga hadlayo arimaha burcad badeeda.

 

Kulankan oo maanta ka furmay degmada Eyl ee xeebta ku taalla ayaa waxaa ka qeybgalaya masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, odayaal dhaqameed iyo culimaa’udiin ka kala yimid gobolada Puntland.

 

Shirkan looga hadlayo arimaha burcad badeeda waxaa soo qabanqaabiyey maamulka Puntland oo horey ugu dhawaaqay kulankan qabashadiisa, waxaana ujeedada ugu weyn ay tahay sidii wacyi gelin loogu sameyn lahaa kooxaha burcad badeeda iyo dadka ku nool meelaha ay burcad badeedu fariisinka ka dhigato.

 

Masuuliyiinta maamulka degmada Eyl oo kulanka furitaankiisa ka hadlay ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in kulankan looga wada qeybgalo, waxanaa kulanka goob joog ka ahaa odayaal iyo ganacsato reer Eyl ah.

 

Horumarka Shirka illaa iyo hadda

 

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada ka tagtey magaalada Garowe ee kulankan ka qeybgaleys ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu kulankan gaarey guulo waaweyn, iyadoo qaar ka mid ah burcad badeeda ay sheegeen inay ka bexeen hawlihii burcad badeednimada.

 

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax waxa uu sheegay inay wacdiyeen illaa 80 dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kooxihii burcad badeeda kuwaasi oo ballanqaadey inay ka tanaasuleen hawlihii burcad badeednimada ee ay ku jireen.

 

Dhalinyarada ka baxday falalka burcad badeednimada waxaa ka mid ah Abshir Cabdullaahi oo caan ku ah “Boyax” kaasi oo ka mid ah raga burcad badeeda ugu caansan.

 

Abshir Boyax waxa uu hadal uu ka jeediyey shirka Eyl uu ka ballanqaadey in uu ka baxay falkii burcad badeednimo ee uu ku jirey, isagoo sheegay in illaa 200 oo kale oo saaxiibadiis ah ay go’aankaasi la gaaren.

 

Abshir Boyax waxa uu ahaa nin caan ka noqdey saxaafada adduunka, waxaana uu safka hore kaga jirey falalka burcad badeednimo, waxaana uu sheegay inuu afduubay lacagna ka qaatey 25 markab.

 

Kulanka waxaa goob joog ka ah odayaal dhaqameed iyo ganacsato ka kala timid magaalooyinka Boosaaso, Garowe iyo Eyl, iyadoo sidoo kalana magaalada Eyl laga wado wacyi gelin ku saabsan dhibaatada falalka burcad badeednimada.

 

Culimaa’udiinka jooga magaalada ee ka qeybgalaya kulanka ayaa dadka u sheegay inay xaaraam tahay xitaa la macaamilka burcad badeeda oo aaney diintu ogoleyn.

 

Go’aanka Madaxweynaha Puntland

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa soo saarey qoraal lagu cafinayo kooxaha burcad badeeda haddii ay ka tanaasulaan falalka burcad badeednimada, taasi oo qaar ka mid ah burcad badeedu ay soo dhoweeyeen.

 

Dadka ka qeybgalaya kulankan ayaa sheegay in burcad badeeda kulanka ka qeybgashey ay dhan yihiin 80 nin, iyadoo tiro kale oo hawlaha burcad badeeda ka baxday ay soo gaareen magaalada Garowe.

 

Waxa uu shirkan ku soo beegmayaa iyadoo gudaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland ay ka socdaan hawlgallo looga hortagayo burcad badeeda, kuwaasi oo ay wadaan ciidamada amaanka.

 

Muhimada degmada Eyl

 

Degmada Eyl oo ku taalla xeebta badweynta Hindiya, waxay ka mid tahay meelaha ugu caansan ee ay burcad badeedu ka dhigatey fariisinka ugu weyn, iyadoo magaca degmadu uu noqdey mid caan ka ah warbaahinta adduunka.

 

Xeebta degmada ayaa inta badan lagu kala qaadan jirey lacagaha madax furashada ah ee ay helaan kooxaha burcad badeeda marka ay soo qafaashaan maraakiibta.

 

Waxaa sidoo kale degmadu ay soo jiidatey dembiilayaal ka kala yimid meelo kala duwan oo dalka ah, kuwaasi oo ay xitaa ku jiraan kooxaha ka shaqeyya daroogada iyo dumarka ka ganacsada jirkooda kuwaasi oo la macaamila burcad badeeda lacagta badan heysata.

 

Inkastoo horey la isugu dayey tallaabooyin wax looga qabanayo kooxaha burcad badeeda hadana marna laguma guuleysan in laga hortago kooxaha burcad badeeda ee ay Eyl saldhiga u noqotey, taasina waxaa loo aaneeynaa lacagta badan ee ay heystaan kooxaha burcad badeeda oo ay ku soo jiitaan dadka oo dhan.

 

Sababahaasi ayaa loo arkaa in loo doortey in shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah lagu qabto degmada Eyl xilligan.

 

Baaq ka soo baxay shirka

 

Waxaa shirka laga soo saarey baaq loo direy beesha caalamka oo looga codsadey inay gacan ka geysato joojinta falalka kalluumeysiga sharci darrada ah ee laga wado xeebaha dalka kuwaasi oo ay ku lug leeyihiin wadamo iyo shirkado shisheeye.

 

Waxaa sidoo kale lagu baaqay in la joojiyo maraakiibta sunta ku shuba xeebaha dalka oo iyaguna ka faa’ideysta sharci darrada ka jirta Soomaaliya.

 

Source: HR Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good step by Puntland authority, but is this enough?

I like the way they are tackling the issue by bringing in the Ulamaa, the tribal elders, and former pirates, this will convince lots of the young men roaming havoc in the international waters, but surely some of them the huge payments is too good to be missed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wiilka uu Dhalay Madaxweynaha Puntland oo Lasheegey Inay Kusoo Dhacdo Lacagta Burcad Badeeda

 

 

Maamulka Madaxweyne Faroole oo Tan iyo intii uu jirey ku Taamayey inuu ladagaalamaayo Burcad Badeedka ayaa Bilaabay inuu Asbuucaan wuxuu ugu Magacdaray Howl galka Burcad Badeedka Ka Fuliyo Magaallada Boosaaso oo ah Xarunta Ganacsiga Puntland.

 

Sida la ogyahay Magaallada Boosaaso waa Xarun Ganacsi Waana Xarun lawada ogyahay Cidkasta oo soo gasha Waxaana lawada soconaa Inaysan Burcad Badeed Soo galid ay soo galaan Hajoogtee Cid Saxiib la ahba aysan Joogin ee ay Burcad Badeed oo Dhan Kusugan yihiin Magaallada Garowe ee Caasimada Puntland Halkaasi Ayna ka dhigteen Hoyga ay ku nastaan Marka ay soo qaataan Lacagaha Madax Furashada ah Islamarkaasina Ku Mushaaxaan iyagoo iibsada Gawaarada ugu Quruxda Badan ee Yimaada Deeganada Puntland.

 

Majirta Cid lahadasha Burcad Badeeda Dhexmushaaxaysa Garowe oo ah Caasimada Puntland waxaadna ku arkaysaa Xarumaha Dowlada Sida Madaxtooyada iyo Waliba Waasaradaha Dowlada Waxaana Arin lalayaabo ah Iyadoo sidaasi ay jirto oo Burcad Badeedkii ay Joogaan Xaruntii Madaxtooyada ee Ku taalay Caasimada Madaxweynaha Wiilashiisiina ay ku jiraan In uu yiraahdo Madaxweyne Faroole waxaan ladagaalamayaa Burcad Badeed Islamarkaasina waxaan kula Dagaalamaya Gobolo aysan Joogin oo ay ku nool yihiin Dad Shacab ah oo Habeyn walba Waardiye Yaasha Shirkadaha Ganacsiga Hubka inta laga Aruuriyo Ladhoho Burcad Badeed Ayaan qabanay.

 

Dhawaan Waxaa Jirtay In Lasiidaayey Markab Laga leeyahay Dalka England oo lagu Magaacabijirey Malaysiapines Ship kaasi oo Muddo Badan lagu Haystay Xeebaha Gobolka Nugaal ee Eyl Balse Markii Danbe Lasiidaayey .

 

Markabkaan ayaa waxaa lacadeeyey inuu haystay Maxamed C/raxmaan Faroole oo ah Wiilka uu Dhalay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Wiil uu Adeer u yahay oo Lagu Magacaabo Maxmed C/laahi Faroweyn iyo LAANDHUU oo ah Wiil ay Qaraabo Hoose yihiin oo ah Ninka soo qabtay Markabkaan Waxaana laga qaatay Markabkaasi Lacag Gaareysa 2500.000 Milion Doollarka Mareynka ah Waxaan Sicad loo Xaqiijiyey Inay Lacagtaasi kusoo Dhacday ACCOUNKa uu leyahay Maxmed C/raxmaan Faroole oo ah Wiilka uu Dhalay Madaxweyne Faroole waxaana Intaasi Dheere Gurigii Reer Faroole oo ku yaalay Degmada Eyl in Dib u Habeyn Lagu Sameeyey Islamarkaasina uu yahay Hoyga ay ku shiraan Iminka Burcad Badeedku.

 

Hadaba Akhriste Iyado ay Sidaasi Jirto Sidee Ayuu Madaxweyne C/raxmaan Faroole uula Dagaalami Karaa Burcad Badeedka Hadii Aad wax Fiican Sameynayso Waxaa Fiican inaad Gurigaaga Ka bilowdo Marna lama Dhihi Karo Howl Galada hada Loomagacaabay Afdalow oo uu ku Aruurinaayo Ganacsatada Hubkeeda Subixiina loo Celinaayo Waa Howl Gal Burcad Badeed.

 

Maamulka uu Hada Madaxweynaha ka yahay Faroole Dhamaantiis wuxuu kusugan yahay Garowe oo ah Caasimada Puntland Waana Caasimada Burcad Badeedka Somalia ay Kunastaan Marka ay Lacagta soo qaataan waxaana ay Aaminsan Yihiin Inaan Cidna lahadli Karin Mar Hadii Ay Sir Ka hayaan Dowlada oo wiilka uu dhalay Madaxweynaha uu kamid yahay Madaxweynaha Familkiisa oo dhan ay yihiin Burcad Badeed.

 

Garaad Waa Nin Siweyn looga yaqaano Puntland Amase Caalamka oo dhan wuxuuna Jooga Magaallada Garowe Isagoo Wata Gaari Ay Taalo Taargadiisa PUNTALND COASTA GARD Tuutana Qaba Loona Magacaabay Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Waxaana Taasi Siidheere In Laandhuu oo ah Ninkii Soo qabtay Markabkii MALAYSIAPINES oo Ay sheer ahaayeen Wiilka Madaxweynaha In loo Magacaabay Taliyaha Gaadiidka Madaxtooyada Puntland Arintaasi oo ah Arinta Ay Dadku layaabeen.

 

 

C/laahi Dheere

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Who is desperate the man taking pics of the President of Puntland's son a civilian while getting Mugged by the likes of Riyaale or the Duke? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this