Sign in to follow this  
General Duke

Mr Dheere takes office... PICS

Recommended Posts

Xaflad Wareejinta Gud. G/Banaadir Oo Muqdisho Ka Dhacday

 

Calanka.com Muqdisho 1/05/07

 

Munaasabad aad loosoo agaasimay eyna ka soo qeyb galeen masuuliyiin, odayaal, waxgarad iyo aqoonyahano oo lagu wareejinayay xilkii gudoomiyenimo ee gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ey ka dhacday magaalada Muqdisho.

 

Xafladdan oo hadalo ey ka jeediyeen labada masuul ee xilka gudoomiyenimo kala qaadaneysay ayaa waxa lagu qabtay xurunka gobolka Banaadir oo ku taal degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

 

Mar uu hadal kooban ka jeediyay halkaa gudoomiyaha cusub ee xilka la wareegay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa waxa uu yiri: "Magaalada Muqdisho waa la iswada yaqaan cidna ku dhuuman ma karto, ninki gurigiisa hoobiye am bambo looga soo tuuro dowladda iyo ciidamadeeda ama laga soo weeraro waxaan ka qaadi doonaa talaabo"

 

Masuulkan cusub ayaa intaa ku daray in goor dhow gobolka Banaadir 16-kiisa degmo loosoo magacaabi doono gudoomiyeyaal lana howlgalin doono dhamaan saldhigyadii boliska ee lix iyo tobanka degmo.

 

Mar uu isna ka hadlay Cade Gaabow (GUdoomiyihii hore ee gobolka Banaadir) munaasabadda ayaa waxa uu sheegay in maanta wixi laga bilaabo uu xikiisii ku wareejiayay gudoomiyaha Xusub (Maxamed Dheere) wuxuuna ugu baaqay in si buuxda loola shaqeeyo, isagoo intaa ku daray in Masuulkan cusub uu yahay masuul kasoo bixi kara howsha loo dhiibay dibna ugu soo celin kara gobolka astaamihii lagu yaqiinay.

 

Gudoomiyahan cusub ayaa lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska ra`iisal wasaaraha Somaliya prof. Cali Maxamed Geedi oo uu jagadaas kaga qaaday Max’uud Xasan Cali (Cadde Gaaboow).

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

 

 

 

Somaliweyn Media Center/SMC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maxamed Dheere oo sheegay inuu gobolka Banaadir nabad buuxda kusoo dabbaali doono

1. maj 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ayaa shaaca ka qaaday in qorshe cusub uu u dajiyay xasilinta magaalada.

 

Mar uu maanta ka hadlayay xaflad uu xilka si rasmi ah kula wareegayay ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu siinayo muhiimadda ugu wayn.

 

Maxamed Dheere wuxuu sheegay in marka hore Muqdisho ammaankeeda iyo horumarkeedaba ay kala shaqayn doonaan maamullada degmooyinka, asagoo xusay in shaqaalihii faraha badnaa ee horay u jiray uu kala diray.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Dheere wuxuu sheegay in degmo walba loo qaybin doono afar laamood oo qaabilsan ammaankeeda, iyo ciidamadii sugi lahaa ammaankeeda.

 

Wuxuu xusa ciddii ammaanka iyo hawsha loo xilsaaro ka soo bixi wayda in tallaabada laga qaadayo ay tahay inay xilkeeda waydo .

 

" Ciddii jago doon ah waa inay soo marto waaxda ay ka tirsan tahay" ayuu yiri Maxamed Dheere oo intaasi raaciyay in ururada bulshada rayidka ahna ay soo maraan waaxyaha ay ka tirsan yihiin..

 

Maxamed Dheere wuxuu wada shaqayn ka dalbaday shacabka Muqdisho , asagoo sheegay haddii ay la shaqeeyaan inuu si dhaqso ah is beddel uga samayn karo Muqdisho.

 

Waxaa uu ka digay Maxamed Dheere arimaha ammaan darada iyo qaraxyada, asagoo shacabka Muqdishona u sheegay in maamulka ay kala shaqeeyaan ka hortagga wixii danbi ah.

 

Maxamed Dheere oo ahaa guddoomiyihii gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu xasuustaa inuu nabad ka dhigay gobolkaasi shantii sano ee uu maamulayay, hase ahaatee gobolka Banaadir ayaa baaxad ahaan iyo bulsho ahaanba ka duwan gobolkii uu ka arimin jiray.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Max'ed Dheere oo maanta si rasmi ah ula wareegay maamulka gobolka

Click here to find shabelle news in english

 

Mogadishu 01, May.07 ( Sh.M.Network) Maamulka cusub ee gobolka Banadir ayaa wacad ku maray in uu wax ka qabanayo amaanka magaalada Muqdisho, ka dib xaflad xil wareejin ah oo ka dhacday xarunta gobolka Banadir.

 

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere ayaa hadalkani ka sheegay Xaflad uu si rasmi ah kula wareegayay maamulka gobolka Banadir, iyadoo xafaladaasi ay ka soo qeybgaleen Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah oo uu ka mid ahaa Wasiiru dowladaha wasaaradda arimaha gudaha Max'uud Sayid Aadan iyo xubno kale.

 

Max'ed Dheere ayaa waxa uu sheegay in uu soo diyaariyay naqshadii maamulka gobolka Banadir, isla markaana uu kala direy shaqaalihii badnaa iyo agaasimayaashii gobolka oo aan ka imaan waaxaaha iyo degmooyinka.

 

Waxa uu intaasi ku daray in cidii jago ka dooneysa maamulka gobolka Banadir in ay muhiim tahay in uu soo maro waaxdiisa iyo degmadiisa, iyagoo soo maraya agaasimayaashooda shaqaalaha.

 

Mar uu digniin u jeedinayay shacabka magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in degmadiiba 4 laamood oo amaan ah laga hirgalinayo iyadoo xaafadii wax lagu qarxiyo Mas'uulka xaafadaasina aanu waxba ka soo gaarin qaraxaasi ay kula xisaabtami doonaan.

 

Waxa uu carabka ku dhuftey in ururada bulshada rayidka ah ay soo maraan waaxaha iyo degmooyinka si ay ku helaan waajibaadka ay ku leeyihiin gobolka Banadir.

 

Waxa uu intaasi raaciyay in uu wax ka qabanayo sida ugu dhaqsiyaha badan amaanka guud ee gobolka Banadir oo muddooyinkii ugu dambeeyay faraha ka baxayay.

 

Sidoo kale Xafladdaasi ayaa waxaa ka hadlay Max'uud Xasan Cali cadde Gaaboow oo sheegay in uu ku wareejiyay xilkii maamulka gobolka iyo kan duqa magaalada Max'ed Dheere, isla markaana uu balan qaaday in uu la shaqeyn doono.

 

Waxa uu shacabka Muqdisho ugu baaqay in iyaguna ay la shaqeeyeen maamulka cusub ee gobolka Banadir.

 

Xafladdaan ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah ciidamada naafada xoogga dalka Somalia oo salaan sharafeed ka qaatay Gudoomiyaha gobolka Banadir oo ay u rajeeyeen in uu alle u fududeeyo xilkaan.

 

La wareegista Max'ed Dheere ee maamulka gobolka Banadir ayaa ku soo beegmaya xilli amaan darro baahsan ay ka jirto caasimadda Somalia, iyadoo looga fadhiyo in uu wax ka badalo xaaladda amaanka gobolka Banadir, iyadoo la ogsoon yahay in max'ed Dheere oo horey uga talin jirey gobolka Sh/dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar uu ka dhigay meel nabdoon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Great steps forward yaa general thanks for the updet. I belive M.dheer is well qualified citezen for these Job.

 

As we recall all of his accomplishement in Jowhar. The man is suitable for Banaadir.

 

He played his appropriate part well congrats goes to Mr Maxamed dheere.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxedheere.JPG

 

“Cidii horteeda laga soo weeraro dowladda ama qaraxyo ay ka dhacaan waxaan u sheegayaa inay iyadu u qoolan tahay oo qoyskaas la xirayo, halka la geynayana ay tahay mid EEBBE og yahay”
ayuu ku hanjabay Maxamed Dheere ugu horreyn, waxaana sacab iyo sawaxan isku daray ka qaybgalayaashii xafladda xil wareejinta ahayd.

 

 

“Waxaan idiin sheegayaa in maamulka Gobolka Banaadir min waax illaa Gobolka uu isku xirmayo, isla markaana ay isla shaqeynayaan oo uu dhammaaday is-bar-bar-yacii ka jiray maamulka Gobolka Banaadir”
ayuu yiri Maxamed Dheere.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Gabow was named before Clan courts, he was then isolated by both the warlords and them. Since the TFG took over he has been unable to bring anything new.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

GD its not everyday that a Nomad reaches 12000 posts. And yes I was counting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this