Sign in to follow this  
miles-militis

Galdogob’s revamped radio station – Interview with the director

Recommended Posts

An addition to the already functioning 6 radio stations in Puntland:

Bosaso - SBC & Midnimo,

Garowe – FM station,

Qardho – FM station,

Galakyo – the second community radio station in the entire Horn after the one in Adid Ababa – listened to all over the world,

Lascanaod –RL.com

And now Galdogob radio station.

 

I wonder how many radio stations are there in Hargeysa other than the Somali Radio Hargeysa? The question does not bother asking if there are any in Burco or Berbera.

 

 

Wareysi khaasa oo aan la yeelaney agaasimaha Idaacada Galdogob oo hada

iridaha loo laabey.

 

Waxaa ii suura gashay inaan wareysi la yeesho agaasimaha Idaacada Galdogob

Axmed-weli Osman Nuux oo jooga Galdogob wuxuuna u dhacay sidan:

 

C/rashiid:Waxaad faahfaahin naga siisaa idaacada Galdogob iyo goortii la aasasey?

Axmed-weli:Idaacada waxaa la aasaasey sanadkii 2000 waxaana aasaasey dhalinyaro

u dumay iney bilaabaan Idaacad u shaqaysa dadweynaha deegaankan waana lagu

guuleystey Ilaahey mahadi hawl badan ka dib.

C/rashiid:Maxaa idinku kalifay inaad Idaacad u sameysaan Degmadan?

Axmed-weli:Waxyaabaha nagu kalifay inaan Idaacadan furno waxaa ugu mihiimsanaa

sadex qodob oo kala ah.

(a) In la horumariyo wacyigalinta iyo baraarujinta dadweynaha ee dhinacyada

waxbarashada,caafimaadka,nabadeynta degaanka iyo waliba dacwada diiniga.

(b) In aan ka haqabtiro dadweynaha baahida saxaafadeed ka jirta Degmada.

©Ugu danbeyntii in ay la hanaqaado Degmadu magaalooyinka horey Idaacadaha

u lahaa sida,Qardho,Garoowe,Boosaaso iyo Laasacaanood ayadoo sidoo kale

Degamdu ka qayqaadaneyso saxaafada xortaa ee Puntland.

C/rashiid:Maxay qabanjirtey Idaacadu intii ay shaqayneysey?

Axmed-weli:Idaacadu waxay soo deynjirtey barnaamijyo kala duwan sida:

Barnaamijyo ku saabsan nabadeynta,Caafimaadka,waxbarashada iyo tafsiirka

Quraanka oo aan si toosa u soo gudbino,sidoo kale waxaan dood u qabanjirey

Odayaasha,Aqoonyahanada iyo waliba dhalinyarada.Waxaa ayana xusid mudan

dood aan hada ka hor u qabaney odayaal ka kala socda koonfurta iyo waqooyiga

magaalada Gaalkacyo anagoo adeegsaneyna Telefoon taas oo xiiso galisey dad-

weyne aad u fara badan.

C/rashiid:Sidee dadku u xiiseyn jireen barnaamijyada ka baxa Idaacada?

Axmed-weli Su,aashaasu waa mihiim walaale lama cabirikaro sida dadku ay u kala

xiiseeyaan barnaamijyada kabaxa Idaacada,laakiin waxaan orankaraa guud ahaan

barnaamijyada ka baxa Idaacada waa kuwa raaligaliya dhamaan dhageystayaasha.

C/rashiid:Intee magaalo ayaa laga dhageysan jirey Idaacadiina?

Axmed-weli:Sida aad lasocoto Idaacadaha maanta ka jira Soomaaliya waa kuwo

ku kooban magaalooyinka ay ku yaalaan iyo meelaha ku dhow,tusaale ahaan

Puntland waxaa ka furan 10 Idaacadood dhamaantoodna ma soo dhaafsiisna

magaalooyinka ay ka dhisanyihiin,sidaa daraadeed Idaacada Galdogob hada

waxay ku koobantahay magaalada Galdogob,laakiin waxaan ku talajiraa in

mustaqbalka laga dhageystoguud ahaan Soomaaliya hadii Alle idmo.

C/rashiid:Yaa taageeri jirey Idaacada?

Axmed-weli:Waxaan orankaraa majirto taageero dhaqaale cid siisey Idaacada

marka laga reebo dahlinyaradii aasaastey waxaase xusuus mudan inaan halkaan

ka sheego wax uun aan kufileyn baahida Idaacada ee markaa jirtey oo laga soo

aruuriyey dadweynaha magaalada wayna ku mahadsanyihiin.

C/rashiid:Maxaa dhib ah oo idin soo wajahay mudadii aad shaqayneyseen?

Axmed-weli:Sidaan horey u sheegay wax kasta oo nafci leh dhibna waa

leeyihiin marka way jiraan dhibaatooyin muuqda iyo kuwo dadban,laakiin

marwalba waxaan aaminsanahay qadarta Eebe waxaanan ka rajeyneynaa

inaan ku guulaysano sidii aan u gaari lahayn hadafkeena.

C/rashiid.Maxaa kalifay xiritaankii la xirey Idaacada?

Axmed-weli:Waxaa kalifay xaga dhaqaalaha waayo Idaacadu marnaba ma

aysan helin wax dhaqaale ah oo ku filan iyo qalab cusub midna.laakiin hada

waxaan wadnaa dadaal aan ugu raadineyno Idaacada dhaqaale si aan dib

ugu furno mar labaad,insha Alaah waa lagu guuleysan.

C/rashiid:Maadaama Idaacadu u shaqayso dadka reer Galdogob maxaa

xariira oo aad la leedihiin jaaliyada reer Galdogob ee dibada ku nool?

Wax taakulaynase ma ka heshaan?

Axmed-weli:Su,aashaas waa mid mihiima xariirka aan la leenahay jaaliyada

reer Galdogob waxaan kaga jawaabi karaa haa iyo maya.Haa oo way jiraan

shaqsiyaad nala soo xariiray oo aan talooyin iyo fikrado is dhaafsaney.

Maya oo wali majiraan cid ka socota maamulada jaaliyada reer Galdogob

ee dibada oo nala soo xariirey.

C/rashiid:Ugu danbeyn maxaad u soo jeedineysaa dadweynaha reer Galdogob

ee ku nool wadanka gudahiisa iyo dibadiisaba?

Axmed-weli:Dhamaan dadweynaha reer Galdogob waxaan u soo jeedinayaa

iney ogaadaan in waxkasta oo mihiim u ah degmada ay ku qabsoomi karaan

wadajir iyo talowadaag.Hadii aan kala qaado waxaan orankaraa dadka degan

magaalada sidii aan horayba u sheegay waan ka helaa taageero inkastoo ayna

wada dabooli kari baahideena waana uga mahadcelineynaa mar labaad,dadkase

ku nool dibada waxaan rajeynayaa in aragtidooda ku aadan Idaacadan ay wax

iska badali doonaan kadib marka ay akhristaan wareysigan waana ay u furan-

tahay qofkasta oo reer Galdogoba inuu taageero ka geysto badbaadinta Idaac-

dan mihiimka u ah dadweynahooda anagu hawsha waan bilowney waxaanan

rajeynayaa inaad nagala qaybqaadan doontaan dhameystirka waxyaabaha

mihiimka u ah in ay idaacadu dib ugu bilowdo shaqdeedii,wixii su,aalo ee aad

qabtaan waxaad iigu soo hagaajinkartaan E-mailka:nuux77@hotmail.com.

Waxaan halkaan mahad uga soo jeedinayaa wariye Abdirashiid Taakilo oo

ii suuro galiyey inaan halkaan fikradahayga ugu gudbiyo dadweynaha reer

Galdogob meel ay joogaanba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Geelaay   

Many thanks to you: Samurai Warrior,

 

 

You make my day by reminding me Galdogob

Galdogob is my birth place and I loved to so much even though I don't have clear momery of it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Samurai,

As far as I know there is only one radio station on NW somalia-Radio hargeysa. Which is not free or independent. It is the radio of the mafia of Riyaale. Very sad. At least the people can get their news from BBC Somali instead of the propaganda machine of RH.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this