Sign in to follow this  
Abwaan

Jen. Cadde Muuse iyo Daahir Rayaale oo Addis ababa looga yeeray iyo dhiilo colaadeed

Recommended Posts

Abwaan   

Xiisado dagaal iyo dhiilo colaadeed oo cirka isku sii shareereysa ayaa saaka laga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo deegaanada ku xeeran ka dib dagaal qaraar shalay ka qarxay deegaanka Abeesaale oo ilaa 16-Km wax ka yar u jira magaaladaasi kaasoo u dhexeeya ciidamada labada maamul ee Puntland iyo Somaliland oo mudooyinkana isku hor fadhiyey deegaano badan oo ka tirsan gobolkaasi.

 

Waxaa saaka xiran goobaha ganacsiga, iyadoo dadweynaha magaalada Laascaanoodna ay bilaabeen iney guryahooda ka barakacaan sababo la xiriira in dagaalka ka socda hareeraha magaalada uu ku soo fido gudaheeda oo ka dibna ay ka soo gaarto waxyeelo, waxaana la arkayey sida suxufiyiinta halkaasi jooga ay soo sheegayaan dadku ay u firxanayaan deegaanada iyo tuulooyinka ka baxsan magaalada oo alaabadoodii guryaha qaar ka mid ahna horey u sii daabulaya, iyadoo rasaas goos goos ahna ay hadba ka dhaceyso gudaha iyo hareeraha magaalada.

 

Wasiirka gaashaansdhiga ee Somaliland ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka guuleysteen kuwa Puntland ayna gacanta ku dhigeen magaalada Laascaanood, wuxuuna intaa ku daray in wax dhimasho ah aysan ciidamadooda ka soo gaarin dagaalka oo kaliyana ay tiro ciidamo ah kaga soo dhaawacmeen, wuxuuna intaa ku daray oo kale in in 25 ka tirsan ciidamada Puntland ay dagaalkaasi maxaabiis ahaan ugu qabsadeen.

 

Dhinaca kale, Gudoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland ayaa qirtay in ciidamadooda ay ka soo baxeen jiidaha hore ee dagaalka gaar ahaan deegaanka Abeesaaley, isagoo hasee ahaatee sheegay iney ku sugan yihiin meel ilaa 10-km u jirta magaalada Laascaanood oo difaacna ay ka galeen, wuxuuna meesha ka saaray sheegasahada Somalialnd ee ah iney qabsadeen Laascaanood, wuxuuna sheegay in magaaladaasi ay weli gacantooda ku jirto oo isla markaana ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland, wuxuuna ku eedeeyey Somaliland iney dagaalkasi u soo adeegsatay wax uu ugu yeeray Kooxo argagaxiso ah oo xiriir hoose uu ka dhexeeyo.

 

 

Dhinaca kale, warar laga helayo illo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in ra’isul wasaaraha Itoobiya Melles Zenawi uu fariimo u soo kala diray madaxweynayaasha maamulada Somaliland iyo Puntland Daahir Rayaale Kaahin iyo Jen. Cadde Muuse Xirsi, waxaana arintani ay qeyb ka tahay ayaa la leeyahay dedaal nabadeed Itoobiya ay ku dooneyso iney ku dhexdhexaadiso labada dhinac, lamana oga illaa hadda in casuumadaasi ay aqbaleen iyo in kale iyado Itoobiyana ay xiriir wanaagsan la leedahay labadaasi maamul.

 

 

 

Xafiiska wararka ee , Muqdisho Soomaliya

dayniilecom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waa yaab xitaa envoy looma soo dirayo ee amar baa lagu siinayaa inay yimaadaan sidii laba governor oo gobollo Itoobiya ka tirsan xukuma.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca kale, warar laga helayo illo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa

looool ,,,,,,,,,, ilo wareed lagu kalsoon yahay + dayniile = nothing

 

 

markaa ha degdegin sxb ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Abwaan:

Waa yaab xitaa envoy looma soo dirayo ee amar baa lagu siinayaa inay yimaadaan sidii laba governor oo gobollo Itoobiya ka tirsan xukuma.

Abwaan, Itoobiya waa waxayba rabto dabku inuu wado gaaro Somalia. Axmaqyadii dagaalka sokeeye ka badqabayna waa kuwaas u fooxsan in aan dhiig iska daadshaan. Xoolo Xoola dhaleen!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this