Sign in to follow this  
Member-sol-

waxaan isku af-garannay walaalaheen Jibouti nooga yimid in uu baadil ahaa...

Recommended Posts

Qolana waxey leeyihiin shirkii jabouti waa laga noqday, kuwana maantay ku ansixiyeen isla magaalada djbouti. tani waxey cadayn u tahay, in isbahaysigii asmara laba u kala go 'ay..

 

SHIIKH XASAN MAHDI: “Intii aan joognay Yemen waxaan isku af-garannay walaalaheen Jibouti nooga yimid in uu baadil ahaa Heshiiskii Jibouti”

 

Axad, July 20, 2008(HOL): Shiikh Xasan Mahdi oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa wuxuu sheegay in ay burbureen Wada Hadallo ay Dalka Yemen ku yeesheen Xubnaha Maxkamadaha Islaamka ugu jira Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Shiikh Xasan Mahdi oo isagoo ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in qodobo ay ku heshiiyeen xubno ka kala tegay Jibouti, Asmara iyo Muqdihso ay ku heshiiyeen in waxba kama jiraan laga soo qaado heshiiskii Jibouti, taasina sida uu yiri ay raali ka noqdeen Xubnihii Jibouti ka yimid ee uu hoggaaminayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

“Qodobadii aan ka wada hadalnay intii aan Yemen joognay waxay ahaayeen 4 qodob oo ku jiray heshiiskii Jibouti, kuwaasi oo kala ah xabad-joojinta, bixitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada lagu bedelayo, In la iska biri-yeelo xoogagga muqaawamada ee ka dagaallamaya gudaha Soomaaliya iyo in wax lala qeybsan karo Dowladda Federaalka, marka intii aanan qodobadaas ka hadlin ayaa waxaa laga dooday in markii horeba uu qaab sharci darro ah ku yimid shirkii Jibouti, kadibna markii ay Walaalaha Jibouti ka garaabeen in ay shirka si wada tashi la’aan ah uga qeybgaleen waxaa la isku af-gartay in shirka uu ahaa mid baadil ah, sidoo kalena mirihii ka soo baxay ay iyaguna baadil ahaayeen”ayuu yiri Shiikh Xasan Mahdi.

 

Shiikh Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in Shirkii Yemen ay dhexdhexaadinayeen Guddi labada dhinac ka madax-bannaan, kuwaasi oo uu guddoomiye u ahaa Prof. Ibraahim Xasan Caddow, wuxuuna sheegay in ay haatan ka sugayaan guddigaas wixii ay ku xukumaan Xubnaha Isbaheysiga ee Jibouti ku sugan, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka baxeen waxyaabihii lagu heshiiyay.

 

“Waxyaabihii aan ku heshiinay waxaa ka mid ahaa in aan la gelin wax siyaasad ku saabsan ilaa ay xubnaha Isbaheysiga isaga imaanayaan, maantana waxay Jibouti ku qabteen Shirkii Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta, waxayna ku ansixiyeen Heshiiskii Jibouti”ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Mahdi oo sheegay in mas’uuliyadda burburka wada hadalladii Yemen ay qaadayaan xubnihii uu hoggaaminayay Shiikh Shariif ee ay Yemen ku wada kulmeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Mogadishu, Somalia

 

Link to the interview http://www.hornafrik.com/Audio/SH,XASAN%20MAHDI%20CASMARA%20%2019,07,08.wma

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ansixiyay Heshiiskii Jibouti

 

Axad, July 20, 2008(HOL): Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ansixiyay heshiiskii ka soo baxay wada hadalladii ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisya ee 9-kii June ka dhacay Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti.

 

106 xubnood oo ka tirsan 191-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo shalay shir ku yeeshay Magaalada Djibouti ayaa waxay ansixiyeen heshiiskii ay 9-kii bishii hore dalka Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Saleebaan Colaad Rooble ayaa sheegay in inta Xubnaha Isbaheysiga ay si buuxda u ayideen heshiiskii Jibouti, wuxuuna carrabka in aysan jirin cid ka hor-timid oo shirkii shalay ka qeybgashay.

 

Saleebaan Colaad Rooble waxaa uu sheegay in dhinacooda ay ka go’an tahay in ay meel-mariyaan heshiiskii Jibouti, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada kale ee uu heshiiskaas khuseeyo in ay iyadana ka dhabeeyaan heshiiska ay saxiixeen.

 

Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu horay u ansixiyay Heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta kadib markii warbixin uu ka dhegeystay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo isagu hoggaaminayay Ergadii Dowladda Federaalka uga qeybgashay Wada Hadalladii Jibouti.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this