Sign in to follow this  
Xudeedi

50 Elders Arrested, Bomb Explodes as Chaos Reaches Peak in Bari Region

Recommended Posts

Xudeedi   

INKA BADAN 50-RUUX OO ISUGU JIRA ODAYAAL DHAQAMEED IYO GANACSATO GALABTA LAGU XIRAY MAGAALADA BOSSASO.

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

Magaalada Bossaso ee xarunta Gobolka Bari waxaa galabta lagu xiray in ka badan 50-ruux oo isugu jira Odayaal dhaqameed iyo ganacsato kuwaasi oo ka kala tirsan beello ay maal mahii ugu dambeeyey dilal ku dhexmareen Magaalada Bossaso iyo Deegaanno hoosyimaada Degmada Ufayn ee Gobolka Bari.

 

 

Xariga Odayaal dhaqameedka ayaa yimi kadib markii galabta loogu yeeray Odayaasha iyo Ganacsatada beelaha dagaalamay in ay isugu yimaadaan gogol nabadeed isla markaana xilligii ay halkaasi tageen lagu xaraasay Gawaarida Shabaqlayaasha ee ay isticmaalaan Ciidamada Booliska Puntland iyadoo aan la garanayn meesha la geeyey ilaa iyo xilligan, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaaya goobta dadkaasi isugu jira Odayaal dhaqameedka iyo ganacsatada lageeyey.

 

 

Dawladda ayaa u sababaysay xariga Odayaal dhaqameedka kadib markii ay ku guuldaraysteen daminta dilal iyo dagaallo beelaha ay kasoo kala jeedaan ku dhexmaray qaybo kamid ah Gobolka iyo Magaalada Bossaso iyadoo maanta oo ugu dambaysay uu Magaalada ka dhacay dil loo gaystay ganacsade katirsan mid kamid ah labada beelood halka dilkiisa ay ka dambaysay beesha kale ee ay dirirtu u dhexayso.

 

 

Sidoo kale saraakiisha Booliska ayaa waxa ay ku eedeeyeen odayaal dhaqameedka hurinta colaadda dhextaala labada beelood, iyadoo horay labada beelood loo dhex dhigay heshiisyo nabadeed kuwaasi oo xilligan noqday hal bacaad lagu lisay, kadib markii ay u hooggaansami waayeen qaar kamid ah waxgaradka beelahaasi wixii lagu heshiiyey taasina waxay sababtay in ay dib usoo cusboonaato colaaddii labada beelood dhex oolayd.

 

 

Saraakiisha Dawladda u qaabilsan dhinaca ammaanka Magaalada Bossaso ayaa waxa ay sheegeen in Odayaal dhaqameedka iyo ganacsatada la xir xiray ay kusugan yihiin gacanta Dawladda waxayna intaasi ku dareen in Odayaal dhaqameedka lagu xiray go'aan kasoo baxay madaxda sare ee Dawladda Puntland.

 

 

Dawladda Puntland ayaa waxa ay siweyn uga xumaatay in dagaalka iyo colaadda u dhexaysa beelahaasi dagaalamay ay soo gasho gudaha Magaalada Bossaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland iyadoo horay ay dagaaladu beelahu ka dhici jireen meelo banaanka ah Magaalada Bossaso una badan dhul miyi ah.

 

 

Sikastaba xariga Odayaal dhaqameedka iyo ganacsatada ayaa waxa uu ka dambeeyey dilal labada beelood ee dagaalsan ku dhexmaray Magaalada Bossaso waxaana sidoo kale xarigu kusoo aaday xilli ay Magaalada si goonni goonni ah uga socdaan dadaallo la doonaayo in lagu qaboojiyo colaadda labada beelood.

 

 

Jaamac Joofane

Joofane11@hotmail.com

Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Bossaso

Daabaco

U *** saaxiibkaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Bosaaso:- Dawlada oo xidhay Odayaal dhaqameed

September 21, 2010

By Juuj

Dawlada Puntland ayaa xidhay Odayaal dhaqameed ka soo Jeeda Laba Beelood oo Walaalo ah kuwaasi oo dhawaan Xurugfi ku dhexmartay Deegaank ku Yaala Bariga Fog ee Gobolka Bari, Wasiir Xigeenka Amniga Abdi Jamaal Cismaan Maxamed iyo Duqa Bosaaso Maxamuud Farax Beeldaaje ayaa kulan si wada Jir ah Ugu qabtay Aqalka Madaxtooyada Bosaaso waxana ay sheegeen inay Ragan Yihiin kuwa ay ka Xasili Wayday Deegaanada Bari waa sida ay Warbaahinta ka sheegeeni.

 

 

Qof Bosaaso nagala hadlay ayaa sheegaya in Odayaasha ay Waceen Wasiirka Maaliyada oo ka soo Jeeda Beel ka mid ah kuwa dagaalamay iyo Gen C/Samad Cali Shire oo 2-Sano la Haysto Gurigiisii Laas-caanood, kuwaasi oo ka dalbaday inay Yimadaan Madaxtooyada dabadeena Gaadhi Shabaq leh lagu qaaday oo la Geeyay Xabsiga Wayn ee Bosaaso.

 

Mudaharaadyo Arinkaasi Looga soo Hor Jeedo ayaa ka dhacay Degmada Carmo ee Gobolka Bari kuwaasi oo ka dalbaday Maamulka inay si Nabad ah Odayaasha Beelaha ku soo daayaan.

 

Puntland waxay ku Andacoonaysaa inay Odayaal dhaqameedku xal waara ka keeni waayeen Dagaalka Igdhays oo ah Meel Miyi kuwaasi oo ay Beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil isku Maan dhaafeen Baraagaha Biyaha oo deegaankaasi laga qoday.

 

Dadka waxa Indha Indheeya ayaa leh Talaabada ay qaaday Dawladu waa mid ay ku deg degtay waxana ay sii Fogaynaysaa Ragaadka Dagaalka Beelaha ku Salaysan ee Gobolka ka Aloosan.

 

Liiska Odayaal dhaqameedka la xidhay

 

Odayaashe beesha Cali Saleebaan

 

1- Libaan Yusuf Maxamad

2-Muse Farax Yusuf

3-Maxamad Xasan maxamad

4-Cumar Muse Maxamad

5-Salaad Siciid Maxamad

6-Axmad Siciid Badow

7-Gaacshe Jamac Cali

8-Cismaan Farax Yusuf

9-Abshir Yaasiin Dalmar

10-Xasan Jamac Maxamad

11-Maxamad Jamac Maxamad

 

Odayaasha Beesha Cali Jibraahiil

 

1-Shire Siciid Maxamad

2-Muse Farax Maxamad

3-Cali Cumar Guure

4-Farax Siciid Cuud

5-Siciid Shire Faahiye

6-Maxamad Farax Maxamad

7-Abdulahi Aadan Yusuf

8-Maxamad Yusuf Maxamad

 

Maxamed

 

Bosaaso

 

Isha Warka:-GalGalanews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Maxamuud Faarax Beeldaaje Duqa Bosaso oo ka hadlay degaal beleedyo Gudaha Bosaso soo galay iyo Odayaal Maamulku xirxiray oo si kulul u canbareyey Xad gudubtaka Duqayda dhaqanka ee jeelka lugu taqan taqiyey.

 

Bosaso:-Gudoomiyaha Magaalada Bosaso Maxamuud Faarax Beeldajiye oo isagu ka soo jeeda mid ka mida beelaha coladoodu ka soo idlaatay Magaalada Bosaso horena ugu dagaalamay degaanka Ufayn iyo meel dhul daaqsimeed ah oo wax sidaas u wayn aan ka fogayn Magaalada Ufayn oo la yiraahdo igdhays.

 

 

Duqa ayaa isagoo Warbaahinta ugu Waramaya Magaalada Bosaso waxaa uu sheegay inay Dowladu markan u guntanayso sidii nabad iyo xal loo heli lahaa isagoo intaasi raaciyey inay talaabo ciqaab mudan ka qaadayaan cidii ka amar diida go,aanka nabadeed ee dowlada.

 

 

mar la waydiiyey Gudoomiyaha Degmada Bosaso Maxamuud Faarax Beeldaje inay tahay mid waajib ah ama ay Dowladu masuuliyadeeda leedahay xariga Dhowr odayaal dhaqmeed oo wayeel ah oo xabsiga la dhigay ayuu cadeeyey inay taasi tahay mid ay xukuumadu si cad ugu talaabsatay oo xarigaasi ka dameysey ka dib tuhun ay Odayashaasi ka qabaan iyo ollole nabdeed oo dowladu uga rajo gabtay.

 

 

Dhinaca kale Nabdoon ka mida kuwa ugu Caansan golaha dhaqanka Magaalada Bosaso oo siwayn indhaha ugu hayey xaaladaha PL isala markaasina codsaday magiciisa inaan la shaacin ayaa sheegay inaysan Waajib ahayn in wiil yar ama nin Dowlada u shaqaya uu si sharaf dhac ah Oday wayn ugu xadgudbo ,isagoo sheegay inaysan ahayn wax dhicikarta in Odayaal dhaqameedku marnaba raali ka noqon karaan Amaanka Guud ee dalka in Wax loo dhimo.

 

 

Maamulka Gobolka Bari ayaa ku guuldaraystay inuu xal nabadeed oo buuxa ka gaadho Dagaaladan oo hore u uga bilaabmay dhul daaqsimeed iyo Baraago ay dad reer guraa ah iskaga horyimadeen ,iyadoo iminkana Magaalada Bosaso ay labadan belood oo aan sidaasi u sii kala fogayn ay iskaga layeen in kabadan ilaa 7Ruux oo si hoose ay Habeenidii aan soo dhaafnay isaga layeen.

 

 

Dhahar Online/Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo mid ka mid ah uu rayid yahay.Miinadan dhalisay qaraxan ayaa lagu aasay meel u dhow masjidka al Rashid ee magaalada Boosaaso

 

 

Guddoomiyaha gobolka Bari Sh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa VOAda u sheegay in qaraxan uu ka dhashay miino ay isku dayeen ciidamadu in ay saaraan ka dib markii ay ka war heleen.Guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu cid ku eedeeyo mas'uuliyadda miinadaasi la aasay, sidoo kale ma sheegin cid loo qabtay qaraxan.

 

allsanaag

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Infighting Between Puntland Troops in Galgala

 

Maalintii shalay waxa ku dagaalamay Magaalada Galgala Ciidanka Puntland oo halkaa isga dhaawacay Sideed Askari.

 

 

Ciidamadii dagaalamay ayaa waxay ka soo wada jeedeen labada Beelood oo walaalaha ah oo kal dega Garoowe iyo Qardho.

 

 

Dagaalaka ayaa waxa ka bilowday Qori laysku qabsaday oo qolo walba sheegaynaysay in ay iyagu xaq u leeyihiin in ay gacanta ku hayaan si ay ugu dagaalamaan dagaalka cabsida leh oo ka socda Buuraha Cal Madow.

 

 

Qorigan looyaqaan PM ayaa ka mid ahaa hubkii dhowaan Itoobiya ugu deeqday maamulka Puuntland si ay uga guulaystaan Ciidanka Maxamed Atom

 

 

Dagaalkan labada Beelood ku dagaalameen Qoriga PM waxa ka horeeyey dagaal khasaare dhaliyey oo ku dhex maray buurta Cal madow Ciidanka Atom iyo kuwa Puntland halkaas oo ay ku dhinteen Afar ka mid ah Askarta Puntland.

 

 

Dgaalkan Buurta oo Madaxweynaha Puntland ka iclaamiyey Masaajid ku yaala Garoowe oo ah meesha uu ka soo jeedo ayuu ahaa mid baal maray waxna ka dhegaysan waayey odayaashii dhaqanka oo u fadhiya nabadayn, iyo in arinta Galgala lagu dhameeyo si nabad ah hase ahaatee Madaxweyne Faroole wuxuu ka doortay dagaal nabadii Odayaashu wadeen ,dagaalkaas s oo noqday mid soo if bixiyey tamar yaridiisa isagiina ka dhigay door joog ka dhaxaysa Jabuuti iyo Itoobiya isaga oo radinaya kaalmo ciidan

 

 

Allsanaag.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Qarax Qasaare dhaliyey oo Saaka ka dhacay Magaalada Bosaso.

Qarax miino ayaa saaka waxaa lugu khaarijiyey 2 Ka mida ciidanka Booliska Bosaso ,Waxaana qaraxani saaka hiirtii Waaberi abaara 6:30kii Subaxnimo xili him himow ah oo dadka soo taseen uu ka dhacay Agagarka Shirkada Xalwo kismaayo ee Magaalada Bosaso,iyadoo meshaasi ay ahayd goob ku taala laamiga dhiniciisa.

 

Qaraxan ayaa 2ciidamada ka tirsani ku nafbexeen halka 3kalena ay ku dhaawacantay,waxaana goobtaasi ay rasaas aan la meeldayn ka bilabeen ciidamada Amaanka ee Puntland oo agagarkaasi ku sugnaa xiliga qaraxan oo dhulka lugu aasay uu la kacay ciidanka qaar ka mida.

 

Wadda laamiga ee Bosaso ayaa saaka waxaa dhooban ciidanka Maamulka Puntland oo rasaas aan kala joojinayn xabaduna dhuunta ka saarantahay qoriga oo cidii soo fiirisa ay hore ka hawinayaan sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan shacabka iyo cid kasta oo aan wadan dereyska ciidanka Puntland

 

xafiiska bosaaso

 

buraannews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Qarax ka dhacay magaalada boosaaso ayaa waxaa ku dhintay labo ka mida ah booliiska puntland waxaana ku dhaawacmay 4 qof oo mid ka mid ah uu rayid yahay,qaraxan ayaa waxa uu ka dhashay miino dhulka lagu aasay.

 

Miinadan dhalisay qaraxan ayaa lagu aasay meel u dhow masjidka al Rashid ee magaalada Boosaaso

 

Guddoomiyaha gobolka Bari Sh Cabdixaafid Cali Yuusuf ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhashay miino ay isku dayeen ciidamadu in ay saaraan ka dib markii ay ka war heleen.

 

Guddoomiyaha ayaa ka gaabsaday in uu cid ku eedeeyo mas’uuliyadda miinadaasi la aasay, sidoo kale ma sheegin cid loo qabtay qaraxan.

 

Xingaloolnews

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Maamulka degmada Bosaaso ayaa ka hadlay warar soo baxaayey maalmihii u danbeysey oo sheegaaya in odeyaal dhaqameed lagu xiray magaalada Bosaso kuwaas oo ka tirsan labo Beelood oo hadda kahor ku dagaalamay deegaanka Igdheys ee gobolka Bari .

 

Tirada odoyaasha la xiray ayaa garaysa 20 oday, waxaana xabsiga loo taxaabey maalintii shalay (Talaado).

 

Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo wareysi siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in odeyaashaas ay ka qayb qaadan waayeen dedaalo nabadeed oo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisad ka dhex aloosnayd labada beelood, taas oo dib u soo cusboonaatey.

 

Wuxuu intaas ku daray in maamulka xaq u leeyahay in talaabo ka qaado cidii ay u aragto in ay caqabad ku tahay amaanka.

 

Duqa degmada ayaa sheegay in Dawladda ay ka quusatay dedaalo nabadeed ay doonaysay in ay dhex dhigto labada beelood.

 

Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso ayaa sheegay in ay isku dayayaan si kasta oo ay ku qaboojin karaan xiisadda labada beelood dhextaaladan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Askar ka tirsan ciidammada Puntland oo ku geeriyooday qaraxa maanta ka dhacay Boosaaso

 

Arbaco, September 22, 2010 (HOL) - Labo askari ayaa ku geeriyootay tiro kale oo dad ahna waa ay ku dhaawacmeen qarax saaka aroortii hore ka dhacay agagaarka masjidka Rashiid ee magaalada Bosaaso.

 

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu aasay hareeraha wado ay si joogto ah u isticmaali jireen ciidamada amniga ee degmada,waxaana uu ku qarxay askarta,xilli ay wadada marayeen.

 

"Waxaan maqalnay hal mar dhawaqa qarax aad u xoog badan oo saameeyay xaafada,mana garanayno waxa laga damacsanaa" ayey tiri Safiyo Maxamuud oo ka mid ah dadka degan xaafada uu qaraxu ka dhacay.

 

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa markii danbe gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana halkaa ay ka samayeen baaritaano kala duwan oo la sheegay in dhowr qof lagu qab qabtay.

 

Taliyaha saldhiga Bosaso oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo qaraxan sababta uu ku dhacay,waxaana dadkii ku dhaawacmay la soo gaarsiiyay cisbitalka Bosaso si loo daweeyo.

 

"Ciidamadu waxey nagu amreen in aan guryaha laga soo bixin inta howshan ay ka dhamaanayso " ayey hadalkeeda sii raacisay Safiyo oo si gaar ah ula hadashay HOL.

 

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal amni daro ah oo ku soo badanayay degmada baryihii la soo dhaafay,inkastoo ay jiraan howlgalo laamaha amniga ay ka wadaan gudaha degmada.

 

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online

Boston@hiiraan.com

Boosaaso,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this