Sign in to follow this  
General Duke

IGAD troops on route to Baidoa

Recommended Posts

IGAD OO CIIDAMADEEDA KU SOO FASAXDAY SOOMAALIYA (Saraakiil iyo Ciidamo ka socda Uganda oo gaaray magaalada Baydhabo

 

Axad, July 23, 2006(HOL): Warar aynu ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in ay shalay magaalada Baydhabo gaareen saraakiil ka tirsan Dowladda Uganda oo ay wehliyaan ciidamo ilaalinaya saraakiishaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 30 askari, kuwaasi oo la sheegay in ay hordhac u yihiin ciidamo dhowr boqol gaaraya oo la filayo in ay todobaadkan soo gaaraan Magaalada Baydhabo.

 

Wararku waxay sheegayaan in saraakiishan ay kulan la qaateen madaxda Dowladda Federaalka, isla markaana ay qeyb ka yihiin ciidamadii ka socday dalka Uganda ee loogu talagalay in ay ka howlgalaan gudaha Soomaaliya, walow ay jiraan warar kale oo sheegaya in uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka codsaday dhigiisa dalka Uganda in uu u soo diro Ciidamo gurmad ah oo ilaaliya xarunta Dowladda Federaalka.

 

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa u sheegay wargeyska Sanca Press ee ka soo baxa magaalada Muqdisho in ay dowladda Kenya u soo diri doonto ciidamo kuwaasi la mid ah oo caawiya dowladda Federaalka, iyagoo la sheegay in ay isa soo raaci doonaan kuwa ka socda dalka Uganda oo la sheegay in ay haatan ku sugan yihiin dalka Kenya.

 

Ma jirto cid ka tirsan Dowladda Federaalka oo arrintan si cad u sheegtay, iyagoo dhowr jeer beeniyay in ay xitaa ciidamo Itoobiyaan ah soo gaareen Magaalada Baydhabo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sudan iyo Uganda oo sheegay inay Ciidan u soo dirayaan dalka Soomaaliya

 

Baydhabo:-Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Xarunta ah ee baydhabo ayaa sheegaya in dhowaan ay ku soo fool leeyihiin ciidamo ka imaan doona dalka Ugandha oo qayb ka qaadanya sida la sheegay hanaanka nabad soo celinta dalka Soomaaliya.

 

Arintaan oo qayb ka ah ciidan ay horay u balan qaadeen wadamada safka hore ayaa waxaa soo dedejiyey ka dib markii Ciidanka midowga maxaakiimta islaamiga ahi ay la wareegeen magaalada Muqdisho iyo deegaamo ku teedsan, horayna ay ugu sii siqeen ilaa inta ay ka gaareen degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

 

Illo ku dhaw dhaw masuuliyiinta sar sare ee dawlada Fadaralka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay safar deg deg ah oo R/wasaare Cali Max’ed Geedi uu ku tegay dalka Uganda xaruntiisa Campla uu ku soo saxiixay in ciidankaas yimaadaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa inay soo gaaraan labadan maalmood ee fooda inagu soo haya iyaga oo diyaarado lagu soo daabuli doono.

 

Dhinca kalena waxaa iyana ka dhawaajisay inay ciidamo keeni doonto dalka Soomaaliya dawlada Suudaan oo iyadu safka hore kaga jirtay arimaha Soomaaliya, shirkii ugu danbeeyey ee maxaakiimta iyo FS dalkeeda lagu qabtay.

 

Arinta Soomaaliya ayaa gashay xaalad adag, oo la filayo inay dhacaan dagalo xoogan oo ay isaga horyimaadaan FS oo ay taageeraya dawladaha Soomaaliya deriska la ah iyo Midowga maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed oo dhawaan daaqada kala booday hogaamiyeyaashii mudada dheer xooga kaga talinayey magaalada Muqdisho.

 

Abdirazak Yassin Caanogeel

Waayaha,Baydhabo,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ bunch of lies and propoganda. You want to cover up the invasion of ethiopa as peace mission by igad or who ever.

 

There is peace- and the TFG is the one that wants to destroy it. They didnt want to talk and now they want to fight the courts with outside armies.

 

Please- stop the clanish war, and realize you are selling your land to others.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this