Sign in to follow this  
Kamaavi

Faroole : Wasiirada Cusub Waa Argagixiso

Recommended Posts

Kamaavi   

1dy9zt.jpg

 

Madaxweynaha dowlada goboleedka Puntland ayaa kaga yaabsaday DKMG ah kadib markii uu shaaca ka qaaday in 3 wasiir oo beelaha gobolada waqooyi bari dega kazoo galay xukuumada cusub ay yihiin kuwa argagixiso ah oo aanan Puntland matali karin

 

 

Wuxuu yiri“2 ka mid ah 3-da wasiir ee Puntland kazoo jeeda waxaa xushey madaxweynaha Sheekh Shariif, mana na matalaan”,wuxuu intaasi ku daray in wafti odayo iyo siyaasiyiin ah oo ka socda dhaqdhaqaaqa Soomaali-doonka ah ee SSC ay tageen magaalada Muqdisho oo ay la kulmeen madaxda DKMG ah ka hor intii aan golaha wasiirada la dhisink “kooxaha argagixisada ayay la kulmayaan madaxda DKMG ah, heshiisyana la galayaan” ayuu yiri Faroole oo faraago Garoow ku yaala kala hadlayay dadweyne badan salaadii ciida kadib.

 

Maalmihii dhawaa Garoowe iyo meelo kale oo Puntland ka tirsan waxaa ka dhacayay banaanbaxyo looga soo horjeedo xukuumada cusub ee Farmaajo.

 

Mid ka mid ah 3da wasiir ee reer Puntland ayaa ah nin kazoo jeeda jilibka hoose ee Faroole, waxayna u muuqataa in isaga oo kaliya uu ka badbaaday eedeymaha Faroole ee argagixisonimada.

 

Tani waa eedeyn culus oo kaliya aanan damqin madaxda DKMG ah balse sidoo kale sii kala fogeysay beelaha Sool, Sanaag iyo Ceyn iyo Puntland inteeda kale.

 

Faroole wuxuu yiri “Ciidamada Puntland ayaa ku dhintey Xamar iyagoo difaacaya DKMG ah, illaa maantana waa ay ka dagaalamaan iyadoo uu meesha yimid madaxweyne cusub (Shariifka), inagu kama go’eyno Soomaaliya, laakiin taasi micnaheedu ma ahan in Puntland loo yeeriyo wixii la doono”, wuxuu ka digey in la taageero ama xariir lala yeesho SSC, “waan ognahay Hub xitaa ayaa loo balanqaaday” ayuu intaasi sii raaciyey

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qorax   

War ragaan Puntland may wax isku la haraaan, miyayna xishoonin?

 

waan go aynaa, hadaanan Prime Minister nala siin wax dhashay hal wasiir hadii nala siiyo waan kabaxaynaa TFGda , iminkana waxay maraysaa wasiirka nala siiyay waa argagixiso!!!!!

 

 

Boooto. Com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I don't believe for a second Faroole is this reactionary. You have to give him credit, I don't particularly fancy his less than "siyaasad bisil" demeanor ever since the departure of Abdullahi Yusuf as TFG president, but I remember the old Faroole during his old squabble with Abdullahi Yusuf in Puntland. Odeygu maahan odey waxaanoo kale ku dhaqaaqi lahaa.

 

Soomaalidu waa iyadii tiri si xun wax u sheeg, sixir ka daran. "Saxaafada" Soomaaliyeed war xumo tashiil ayaa caado u noqotay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Adeero gabal,

 

Wax cusub ma ahan. Faroole waa ibdnu aadan gabi dhac leh. Sidu u sheegay iyo si kaleba waa loo dhigay hadalkiisa. Hebel Somali ma ahan, Heblaayo ayaa wax bililiqaystay iyo hebel waa argagixiso intaba waa laga wariyey. Sax iyo khalad.

 

Laakiin, "saxaafadu" iskuma jirtee sow ma ogid inay jiraan kuwo badan oo "daacadnimo", "run sheeg" iyo "cadaalad" looga bartay( sida Gedonet)? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gallad   

Originally posted by Jacaylbaro:

kaana sidii scratched CD bay kaga dhegtay "argagixiso"
:D

Odayga Atambaa waalay :D:D

 

Soon you will hear him say boowe Farmajo waa argagixiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this