Sign in to follow this  
General Duke

Vindication of Abdullahi Yusuf, failure of Sharif confusion of Mogdishu society

Recommended Posts

article_photo.jpg

Giraanta ama cajilku waa mid iska soo daba noqonaya, shalay waxa ay ku xasuusinaysaa maanta waxa taagan, caruurta iyo dadka aan meel dheer wax ka arag, waxay aragtidooda ku soo koobaan shalay ninkii saan ahaa sow maaha, Shalay ninkii sidaas yiri sow maaha, anagu bogsanoo baareey ayaan tumanaynaa ee boowe Shariif iska barooro, arintuse sidaas ka mugweyn.

Cabdullaahi Yusuf Axmed wax badan ayuu kaga duwan yahay Madaxweynaha hadda ee Shariif Axmed, Korneyl Cabdullaahi Yusuf ma ahayn nin is bed bedel lagu yiqiin siyaasada Soomaaliya ee bur bursan 19 sano hal waddo ayuu lahaa, weligiisna runta kama leexan sida uu rabona nin ku adag ayuu ahaa, markii ay isku xumaadeen Saaxiibadiisi Itoobiya isaga oo aan afkiisa wax cabasho ah laga maqal ayuu dantiisa raacdey, markii uu dhashay madaxweynaha hadda talada haya, 1964-tii Cabdullaahi Yusuf waxa uu ku jirey dagaalkii waqtigaa dhexmaray Itoobiya iyo Somaliya isaga oo bilad geesi ku qaatey dagaalkaas, Cabdullaahi Yusuf waxa uu ahaa nin si qoto dheer u fahansanaa xaaladda Soomaaliya wax badana u soo taagnaa. Cabdullaahi Yusuf waxaa muddo dheer u muuqatey khatarta ka imaan karta, Kooxaha mayalka adag ee Siyaasadda Soomaaliya damacu ka galay, marna kama leexan mawqfikiisa, in uu xilka iska casilo ama beesha caalamku cadaadis ku saaraan in uu ka dego xilka laba arimood ayaa lagu macneyn karaa:

Dawladda maraykanka oo 15-kii sano ee u danbeeyay dagaal kula jirtey kooxaha mayalka adag ee Islaamiyiinta ah ayaa waxaa u muuqdey fursad ay wax kaga badali karto jawiga siyaasadeed, maadaama koonfurta Soomaaliya ay ku xoogbadan yihiin Kooxaha Islaamiyiinta ah isla markaasna ay yihiin kuwo kala afkaar duwan una qaybsan Salafi, Takfiir, Aala-Shiikh, Suufi, iyo Islaax in ay mid kamid ah loo bixiyo qunyar socod, la soo dhaweeyo, la buun buuniyo isla markaasna xukunka loo dhiibo lana taageero, si ay dhexdooda u dagaalamaan isla markaasna aysan u xeerin xeer islaam mid sokeeye iyo mid dhaqan, dagaalkaas waxaa ka dhalan kara:

- In midba midka kale diinta ka saaro

- In dhiigoodu isu xalaaloobo

- In Shacabkii laga shaki geliyo diintooda kadib sida ay culimadu yeelayso

- In Sharaf dhac uu ku yimaado magaca wadaadada, halkasna ay ku bur burto dacwadii ay wadeen maadaama waxkasta oo ay xaaraamayn jireen ay xalaashadeen

- Shacabka oo kala kulma dagaaladaas Barakac aan horey loo arag, dhimasho joogta, kadibna ay ku xanbaarto nacayba ay u qabaan wadaadada.

Share this post

Link to post
Share on other sites

SOyusuf193.jpg

Sheik+Sharif+Ahmed.bmp

Shariif Shiikh Axmed waaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soomara Soomaaliya, uguna khibrada yaraa, maanta waxa uu ku jiraa xaladii uu ku jirey Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yusuf Axmed markii uu Baydhabo joogey Nofeembar – Diseembar 2006, markaas oo kooxaha Islaamiyiinta iyo waxa ay cagaha ku qaataan ee beelaha Koonfurta ay dhanwalba ka soo galeen xaruntii Dawladda iyaga oo ku dhawaaqaya ( Maanta cid ina ka adkaankartaa ma jirto), kadib dagaalo kharaar oo si xoogleh loogu hoobtey waxay noqotey in madaxdii islaamiyiintu ay waddanka isaga baxaan dibad wareegna noqdaan intii ka soo harteyna Jubada Hoose isku urursadeen.

Nin Carab ahaa oo dhashey dalka Kuweyt isla markaasna ahaa Mufakir Islaami ah ayaa hadda kahor waxa uu igu yiri, Dawladda Maraykanku haddii meel dhib ka taagan tahay waxa ay isku daydaa dhibta halkaas ka taagan hogaan ayey leedahay in ay hogaankaas hesho markii ay hesho hogaanka, haddii aysan dooneyn in ay wax ka qabato waxa ay ka dhigtaa sida filmaanta musalsalka la yiraahdo, hadaba tii ayey noqotey oo Islaamiyiintii dib ayey hub iyo saanad u heleen una soo laba kacleeyeen.

Shariif Axmed iyo xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay, oo inta badan xukuumadaasi ay yihiin Mucaaradkii dawladdii hore waxa ay qarka u saran yihiin Seefta Al-shabaab iyo Xassan Dahir Aways, waxa ay dirsadeen qaylodhaan in wadamada derisku ka soo gaaraan, 4 wadan ayey u qaylo dhaansadeen Jabuuti, Kenya, Yaman iyo Itoobiya, sadexda kale waa iska adagtahay in ay ka jawaabaan qaylo dhaantaas ee waxa loo goleeyahay waa nimanka isu yaqaan Libaaxyadii Afrika.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Hadaba Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo maray mucaaradnimo runtii aanu fileyn sida wax u dhacayaan in ay u dhacayaan taas oo waxba aanu la harin waxabadana waa duuban yihiin mase aha wax lagula yaabayo qofku haddii uu mucaarad yahay waa mucaarad waxkasta iyo jinikasta oo aad la timaado waa mucaaradayaa, haddii qofku khibrad ku filan leeyahay mucaaradnimadiisa waa xikmadayn karaa, laakiin wixii uu ahaa anigu kula yaabi maayo oo waa debciga mucaaradnimo.

Dalabka uu dalbaday ciidan shisheeye waxaa durba soo dhaweeyay Soomaali aad u faro badan waxaa soo dhaweeyay kuwii shalay xabbadda ku ridaayey Itoobiya,
midkasta waxa uu ku leeyahay sababta Al-shabaab ayaa iska leh iyo Aways, sababtu maxay tahay? maxaa Itoobiya shalay Maraykanku ulahaa haka baxeen Soomaaliya oo maanta dib loogu soo celinayaa?.

Shalay markii uu madaxweynaha ahaa Cabdullaahi Yusuf dad badan waxaa lagu dagaal geliyey Aargoosi ayuu wadaa,
caadifad iyo ciilqab hore ayaa lagu awrkiciyey in badan oo ka mid ah shacabka Muqdisho, waxa ay biyaha la daba jogeen wiilasha Al-shabaab, waxa ay ku tilmaameen Muqaawamo, waxa ay ku qariyeen guryahooda, dibad iyo gudo waxaa la iska aruuriyey dhaqaale madaxa ayaa Al-shabaab la saarsadey iyo Aways kooxdiisa, hadaba waddamada daneeya Siyaasadda Soomaaliya waxa ay ******** inaadan weli bisleyn diyaarna u ahayn in wadamo shisheeye soo faro geliyaan Soomaaliya ama xal ha u wadeen ama haku xalaalaysteen.

Waxaa reer Muqdisho loo geeyay mid ay haybta guud wadaagaan, dhanka diintana ku wanaagsan, si madax adaygu kaaga baxo waxaa la isu soofeystey mindiyihii waxaa qaxay dad aan weligood barakicin, waxay gaartey heer mu’adinka lagu gawraco isaga oo qubiga saaran, qarax lagu baabi’iyo beel dhan waxgaradkeed magac jihaad, ragii shalay halka saf ahaa dagaalkoodu uu noqday kii ugu xumaa ee ka dhaca Muqdisho, Alshabaab waxa ay si cad ugu sheegeen reer Muqidsho in aysan garanayn wax ****** la yiraahdo ee Hubka ay iska tiriyaan, Ciidamo xoogan oo ka yimid ilaa Raaskaanbooni oo Muqdisho gaafwareegaya, saraakiil Ajaanib ah oo kor u dhaafaya boqolaal tan ayaa maanta ku xanbaartey in loo yeerto waxkasta oo Al-shaabaab umadda ka qaban kara, isla markaasna reer Muqdisho aysan dib ugu laaban wixii ay sameyn jireen.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Siyaasadii Cabdullaahi Yusuf ee Shalay, Tan Shariif ka ee Maanta iyo Doorka Puntland

Sunday, June 21st, 2009 at 2:21 pm

Cumar Siciid

Horseed Media Editorial

Giraanta ama cajilku waa mid iska soo daba noqonaya, shalay waxa ay ku xasuusinaysaa maanta waxa taagan, caruurta iyo dadka aan meel dheer wax ka arag, waxay aragtidooda ku soo koobaan shalay ninkii saan ahaa sow maaha, Shalay ninkii sidaas yiri sow maaha, anagu bogsanoo baareey ayaan tumanaynaa ee boowe Shariif iska barooro, arintuse sidaas ka mugweyn.

Cabdullaahi Yusuf Axmed wax badan ayuu kaga duwan yahay Madaxweynaha hadda ee Shariif Axmed, Korneyl Cabdullaahi Yusuf ma ahayn nin is bed bedel lagu yiqiin siyaasada Soomaaliya ee bur bursan 19 sano hal waddo ayuu lahaa, weligiisna runta kama leexan sida uu rabona nin ku adag ayuu ahaa, markii ay isku xumaadeen Saaxiibadiisi Itoobiya isaga oo aan afkiisa wax cabasho ah laga maqal ayuu dantiisa raacdey, markii uu dhashay madaxweynaha hadda talada haya, 1964-tii Cabdullaahi Yusuf waxa uu ku jirey dagaalkii waqtigaa dhexmaray Itoobiya iyo Somaliya isaga oo bilad geesi ku qaatey dagaalkaas, Cabdullaahi Yusuf waxa uu ahaa nin si qoto dheer u fahansanaa xaaladda Soomaaliya wax badana u soo taagnaa. Cabdullaahi Yusuf waxaa muddo dheer u muuqatey khatarta ka imaan karta, Kooxaha mayalka adag ee Siyaasadda Soomaaliya damacu ka galay, marna kama leexan mawqfikiisa, in uu xilka iska casilo ama beesha caalamku cadaadis ku saaraan in uu ka dego xilka laba arimood ayaa lagu macneyn karaa:

Dawladda maraykanka oo 15-kii sano ee u danbeeyay dagaal kula jirtey kooxaha mayalka adag ee Islaamiyiinta ah ayaa waxaa u muuqdey fursad ay wax kaga badali karto jawiga siyaasadeed, maadaama koonfurta Soomaaliya ay ku xoogbadan yihiin Kooxaha Islaamiyiinta ah isla markaasna ay yihiin kuwo kala afkaar duwan una qaybsan Salafi, Takfiir, Aala-Shiikh, Suufi, iyo Islaax in ay mid kamid ah loo bixiyo qunyar socod, la soo dhaweeyo, la buun buuniyo isla markaasna xukunka loo dhiibo lana taageero, si ay dhexdooda u dagaalamaan isla markaasna aysan u xeerin xeer islaam mid sokeeye iyo mid dhaqan, dagaalkaas waxaa ka dhalan kara:

- In midba midka kale diinta ka saaro

- In dhiigoodu isu xalaaloobo

- In Shacabkii laga shaki geliyo diintooda kadib sida ay culimadu yeelayso

- In Sharaf dhac uu ku yimaado magaca wadaadada, halkasna ay ku bur burto dacwadii ay wadeen maadaama waxkasta oo ay xaaraamayn jireen ay xalaashadeen

- Shacabka oo kala kulma dagaaladaas Barakac aan horey loo arag, dhimasho joogta, kadibna ay ku xanbaarto nacayba ay u qabaan wadaadada.

Arinta kale oo lagu macneyn karo waa in beesha caalamku dhibsatey qadiyada Soomaalida ee 19 sano taagan isla markaasna ay u muuqatey in Cabdullaahi Yusuf aanu waxba ka bedeli karin xaajada taagan ee loo baahan yahay nin ka soo jeeda Beelaha Koonfur in loo dhiibo xilka Gobolada dalka intooda kale sida Puntland iyo Somaliland waa meelo degan oo si sahal ah ay u midoobi karaan koonfurta iyaga oo qolo walba maamulkooda u madaxbanaan yihiin.

Labada arimood midkey doonto ha noqotee qadiyada kowaad waxa ay u leedahay Dawladda Maraykanka faa’iidooyin aan la soo koobi karin, waxaana meeshaan ka soo baxaya taladii dalwadda Ingiriiska ee ahayd in aan toos loola dagaalamin ee la yareeyo waxa keeni Asalraacnimada.

Sidey doontaba ha noqotee Cabdullaahi Yusuf Axmed xilkii waa baneeyay sida beesha caalamku ka codsatey, waxaa Madaxweyne loo doortey Hogaamiyihii hore ee Mucaaradka Shiikh Shariif Axmed.

Shariif Shiikh Axmed waaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soomara Soomaaliya, uguna khibrada yaraa, maanta waxa uu ku jiraa xaladii uu ku jirey Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yusuf Axmed markii uu Baydhabo joogey Nofeembar – Diseembar 2006, markaas oo kooxaha Islaamiyiinta iyo waxa ay cagaha ku qaataan ee beelaha Koonfurta ay dhanwalba ka soo galeen xaruntii Dawladda iyaga oo ku dhawaaqaya ( Maanta cid ina ka adkaankartaa ma jirto), kadib dagaalo kharaar oo si xoogleh loogu hoobtey waxay noqotey in madaxdii islaamiyiintu ay waddanka isaga baxaan dibad wareegna noqdaan intii ka soo harteyna Jubada Hoose isku urursadeen.

Nin Carab ahaa oo dhashey dalka Kuweyt isla markaasna ahaa Mufakir Islaami ah ayaa hadda kahor waxa uu igu yiri, Dawladda Maraykanku haddii meel dhib ka taagan tahay waxa ay isku daydaa dhibta halkaas ka taagan hogaan ayey leedahay in ay hogaankaas hesho markii ay hesho hogaanka, haddii aysan dooneyn in ay wax ka qabato waxa ay ka dhigtaa sida filmaanta musalsalka la yiraahdo, hadaba tii ayey noqotey oo Islaamiyiintii dib ayey hub iyo saanad u heleen una soo laba kacleeyeen.

Shariif Axmed iyo xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay, oo inta badan xukuumadaasi ay yihiin Mucaaradkii dawladdii hore waxa ay qarka u saran yihiin Seefta Al-shabaab iyo Xassan Dahir Aways, waxa ay dirsadeen qaylodhaan in wadamada derisku ka soo gaaraan, 4 wadan ayey u qaylo dhaansadeen Jabuuti, Kenya, Yaman iyo Itoobiya, sadexda kale waa iska adagtahay in ay ka jawaabaan qaylo dhaantaas ee waxa loo goleeyahay waa nimanka isu yaqaan Libaaxyadii Afrika.

Hadaba Shariif Shiikh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo maray mucaaradnimo runtii aanu fileyn sida wax u dhacayaan in ay u dhacayaan taas oo waxba aanu la harin waxabadana waa duuban yihiin mase aha wax lagula yaabayo qofku haddii uu mucaarad yahay waa mucaarad waxkasta iyo jinikasta oo aad la timaado waa mucaaradayaa, haddii qofku khibrad ku filan leeyahay mucaaradnimadiisa waa xikmadayn karaa, laakiin wixii uu ahaa anigu kula yaabi maayo oo waa debciga mucaaradnimo.

Dalabka uu dalbaday ciidan shisheeye waxaa durba soo dhaweeyay Soomaali aad u faro badan waxaa soo dhaweeyay kuwii shalay xabbadda ku ridaayey Itoobiya, midkasta waxa uu ku leeyahay sababta Al-shabaab ayaa iska leh iyo Aways, sababtu maxay tahay? maxaa Itoobiya shalay Maraykanku ulahaa haka baxeen Soomaaliya oo maanta dib loogu soo celinayaa?.

Shalay markii uu madaxweynaha ahaa Cabdullaahi Yusuf dad badan waxaa lagu dagaal geliyey Aargoosi ayuu wadaa, caadifad iyo ciilqab hore ayaa lagu awrkiciyey in badan oo ka mid ah shacabka Muqdisho, waxa ay biyaha la daba jogeen wiilasha Al-shabaab, waxa ay ku tilmaameen Muqaawamo, waxa ay ku qariyeen guryahooda, dibad iyo gudo waxaa la iska aruuriyey dhaqaale madaxa ayaa Al-shabaab la saarsadey iyo Aways kooxdiisa, hadaba waddamada daneeya Siyaasadda Soomaaliya waxa ay ******** inaadan weli bisleyn diyaarna u ahayn in wadamo shisheeye soo faro geliyaan Soomaaliya ama xal ha u wadeen ama haku xalaalaysteen.

Waxaa reer Muqdisho loo geeyay mid ay haybta guud wadaagaan, dhanka diintana ku wanaagsan, si madax adaygu kaaga baxo waxaa la isu soofeystey mindiyihii waxaa qaxay dad aan weligood barakicin, waxay gaartey heer mu’adinka lagu gawraco isaga oo qubiga saaran, qarax lagu baabi’iyo beel dhan waxgaradkeed magac jihaad, ragii shalay halka saf ahaa dagaalkoodu uu noqday kii ugu xumaa ee ka dhaca Muqdisho, Alshabaab waxa ay si cad ugu sheegeen reer Muqidsho in aysan garanayn wax ****** la yiraahdo ee Hubka ay iska tiriyaan, Ciidamo xoogan oo ka yimid ilaa Raaskaanbooni oo Muqdisho gaafwareegaya, saraakiil Ajaanib ah oo kor u dhaafaya boqolaal tan ayaa maanta ku xanbaartey in loo yeerto waxkasta oo Al-shaabaab umadda ka qaban kara, isla markaasna reer Muqdisho aysan dib ugu laaban wixii ay sameyn jireen.

Xassan Daahir oo qayb weyn ka ah dagaalada ka holcaya Soomaaliya, waa nin damac kursi hayo muddo dheer ku soo taamaayey, maalinba maalinta ka danbeysa waxa uu la soo baxayaa weji cusub, sida laga war qabo Shiikh Aways, waa nin xifdisan Qur’aanka waxa uu bartey Qaybaha kala duwan ee qiraa’aatka quraanka Kariimka ah, ma ahan nin faqiih ah ama samayn kara ijtihaad, waxaa soo saarey oo magciisa kor u soo qaadey Ururkii Itaxaad Al-Islaami, maantey hal nin oo ka mid ah culimadii Itaxaadka ma wada socdaan waxaa la socda caruur yar yar oo diinta looga bilaabo Jihaad ayaa jira, iyo Gumeysi ayaan ku jirnaa, wuxuu doonaba ha ahaadee maanta waxaa wax walba ugala weyn sidii uu mar ku gaari lahaa Kursiga Soomaaliya, haddii malaayiin qof u dhimanaysona makala jecla.

Asbuucii la soo dhaafey Shiikh Aways waxa uu marti u ahaa Warbaahinta Horn Afrik dadku waxa ay soo weydiinayeen su’aalo mid kamid ah Al-shabaab ayaa su’aal weydiiyey ahayd, waxaad leedahay hadalo is iska soo horjeeda , sow uma muuqato in Anaga (Al-shabaab) iyo adiga aan kama danbeysta isku arkeyno!! Xassan oo ka jawaabaya su’aashaas waxa uu yiri waa la yiraahdaa sidaas waana dhici kartaa,

Waana midda keenta in aysan lahayn hal magac iyo hal maamul ee ay ku hawlagaal oo keliya aan afganbino Shariifka Marka hore.

Haddii shacabka Soomaaliyeed ay nasiib lee yihiin waxay ka bad baadayaan in ay isu soo haraan Shiikh Xassan Daahir iyo Al-shabaab, waxaana muhim ah in loo wada guntado sidii aysan meesha uga saari lahayn Dawladda hadda jirta.

Share this post

Link to post
Share on other sites

I think vindicated is the wrong word in this case.

more like sharif is as gutless a traitor abdullahi amxaar was.

vidication implies that what abdullahi amxaar was doing was right and what sharif is doing by following yey's example is also right.

Share this post

Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Sxb Duke you have to know, shariif iyo ina yuusuf yeey isku d'a iyo taariqtoona maaha.

If we were to sattistically anlyse we should have waited for another fifty years of somali political experience before we satart to comparatively judge this two

Share this post

Link to post
Share on other sites

Yusuf fought for Somalia and led armies when he was in his thrities. He famously defetaed the Ethiopians in 1964 and was awarded the medal of bravery.

He also fought against Siyad Barre regime and went on to defend the interest of his base in Puntland in the civil war years.

Yusuf one shortcoming was his bad health that caught up with him, his dignty brilliance in politics can never be doubted.

No politician in Modern Somali history has achived as much as Yusuf under such difficult circumstances and Puntland continues to be his greatest achievement.

What have Abdiqasin, Sharif Ahmed left and who does Geel-Jire have in comparison?

Omar Jess and Xasan Turki, two light weight officers in Somalia's old armies who turned out to be mere warlords who kill Somali's and never build a thing.

Share this post

Link to post
Share on other sites

340x.jpg

Yusuf, was right. He was right and those who for clan love and pride fought against him, like Xasan Dahir, like InadCade, like Sharif AHmed and others were wrong.

Sharif is wrong now because he is desperate and did not think things through.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this