Sign in to follow this  
Gabbal

THE WAR SPREADS; Clashes in Bay, Hiiraan, Mudug, etc..!

Recommended Posts

Gabbal   

Bandiiradleey: Dagaal culus oo ka bilowday deegaanka Bandiiradleey.

Axad, December 24, 2006

 

APL

 

Bandiiradleey (AllPuntland)- Dagal aad u kharaar ayaa saaka waabarigii waxa uu ka bilowday deegaanka Bandiiradleey ee gobolka Mudug.

 

Dagaalkaasi oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidamada difaaca gobolka Mudug iyo malayshiyooyinka maxkamadaha magaalada Muqdisho.

 

Illaa iyo hadda lama garan karo khasaaraha dhabta ah ee uu dagaalkaasi gaystay iyo qaabka uu u soconayo.

 

Mar aynu khadka taleefonka e Thurayaha kula xiriirnay abaandulayaasha ciidanka ayay inoo suurto gali wayday in aynu xog dheeraad ah ka helno.

 

Sidoo kale dhanka maxkamadaha ayaan wali laga hayn faahfaahin ku aadan dagaalkaasi.

 

Wixii ka soo kordha kala soco AllPuntland.com

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dagaal Xooggan oo Saakay ka bilowday welina kasoconaya Deegaanka Saddex higle oo u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Bandiiradleey.

 

 

Bandiiradleey, 24-December-06 ( Qaadisiya.com) Dagaal culus oo laysku adeegsanayo hubka cul culus ayaa aroortii saakey ka qarxay deegaanka Seddex Higle ee u dhaxeeya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bandiiradley ee gobolka Mudug kadib markii ciidamada Tikreega ay weerar ku soo qaadeen fariisimaha mujaahidiinta maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ay ku leeyihiin inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Bandiiradley.

 

Ujeedka weerarka saakey ciidamada Tikreega ay ku soo qaadeen deegaanka Bandiiradley ayaa ah sidii culeyska looga qaadi lahaa magaalada Baydhabo oo jab lixaad leh lagu gaarsiiyay ciidamada Tikreega,ayadoo qarka loo saaran yahay in gobolka Bay laga xaaqo ciidamada Tikreega ee ku soo duulay dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ee gobollada dhexe Sheekh Maxamed Maxamud Jimcaale Cagaweyne ayaa u xaqiijiyay shabakada islaamiga Qaadisiya in dagaalka uu si xoogan uga socda deegaanka Seddex Higle oo u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Bandiiradley.

 

Sheekh Cagaweyne ayaa intaa ku daray in ciidamada maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed ay horey ugu diyaar garooween weerar uga yimaada ciidamada Tikreega ee la soo dhoobay afaafka hore ee magaalada Gaalkacyo,isagoo ugu baaqay dadka ku dhaqan gobollada Puntland iyo kuwa dhexe in ay ka qeyb qaataan jihaadka ka bilowday halkaasi,waxa uuna ugu bishaareeyay umadda Soomaaliyeed in Allaah guul ka siin doono cadawga ku soo duulay.

Lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalada saakey ka qarxay aaga Seddex Xigle,waxaana lagu soo warramayaa in dagaalka uu ka socdo dhul miyi ah oo masaafo ahaan gaaraya 10km.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dagaalo qaraar oo ka soconaya gobolada Baay, Hiiraan iyo Mudug 24,Dec,06

 

WAR DEG DEG

 

Dagaalo qaraar oo hor leh ayaa ciidamada maxkamadaha iyo kuwa Ethiopia ku dhex maraya gobolada Hiiraan, Mudug iyo waliba Baay, iyadoo dagaalka maanta uu yahay kii ugu cuslaa.

 

Shabelle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Alle-ubaahne:

^Abti ilaahey haku soo hanuunsho, aamiin dheh!

Abtiyo kuligiin. smile.gif

 

Shalay inta qaraabo aan leeyahay ee labada koox u kala safan ee ku baaba'day dagaalki Diinsoor garan maysid!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coloow   

Waryaahe Horn, Saranleey iyo bandiraleey waay isku magac egyihiin. Mar baan is iri dagaalkii ma Saranleey buu gaaray!

 

Dagaalka Bandiraleey mar dhow ayuu dhamaanayaa sababtoo ah amxaaro iyo dabadhilifyadeeda awood uma laha inaay laba haad ka degaalamaan. Cabdi Qeybdiid (I think that is his name) tii Xamar ka qabsatay ma iloobin; markuu arko inaaysan amxaarada gacan siineeynina wuu is dhbibayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Caaqil, You are forgetting that Puntland is fully behind this war funding it and providing both a place and the means of survival to the Ethiopian Army killing their neighbours saxib. Galkacyo is completely overtaken and made into an ethiopian garrison with all the logistics the xabashis need to sustain themselves on the war against the somalis they have beef with. They won't go back miles to resupply themselves, it is all available. Puntland is theirs while the somalis who hailed from Galkacyo south and far beyond were expelled few days ago from Puntland.

 

Caqli xumadana waxaa ka daran, dowlad loo wada dhan yahay aa rajo laga qabaa after all said and done. Very sick indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bandiiradleey iyo Baladweyn oo saakay dagaal qaraar uu ka qarxay iyada oo dagaalkii ka socday Deynuunaay uu sii xoogeystay

 

Dagaaladan oo ah kuwo aad u qaraar ayaa saakay waxa ay qarxeen laba jiho oo ah Bandiiradleey iyo Baladweyn, waxaana la isu adeegsanayaa hubka noocyadoda kala duwan.

 

Afhayeenka gobalada dhexe ee Maxaakiimta sheikh Maxamed Caga weyne ayaa Somaliweyn u sheegay in Saakay weerar ay ku soo qaadeen Ciidamada Itoobiyaanka ah isla markaana ay haatan dagaalka kula jiraan welina uu soconayo, waxa uuna intaasi raaciyey in marba marka ak dambeysa ku sii siqayaan Dhinaca Magaalada Gaalkacyo waa sida uu yiri Cagaweyne.

 

Sarkaal u hadlay Dhinaca Puntland ayaa waxa uu isagana ku eedeeyey Maxaakiimta Islaamiga ah in ay weerar ku soo qaadeen Fariisamimada Ciidamadooda eek u sugan Aaga Bandiiradleey, waxa uuna sheegay in ay weli yihiin kuwa difaac ah.

 

Dagaalkan ayaa waxaa la tilmaamayaa in uu yahay mid xoog badan waxaana Wararka ka imaanaya goobaha dagaalada ay sheegayaan in uu dhex marayo ciidamada Daraawiishta Puntland oo gacan ka helayo sida la sheegay kuwa Itoobiyaanka ah iyo ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo dhinac ah.

 

Dhinaca Baladweyn ayaa Wariye Axmed Caato oo ku sugan Baladweyn waxa uu inoo xaqiijiyey in Saakay dagaal uu ka qarxay gobalka Hiiraan kaas oo u dhaxeeya ciidamada Maxaakiimta islaamig ah iyo kuwo Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho iyo gobalada laga saaray oo kaashanaya kuwa Itoobiya, waxaan daryanka Madaafiicda laga maqlayaa Magaalada Baladweyn.

 

Dhinaca kale Gobalka Baay gaar ahaan Aaga Deynuunaay ayaa saakay waxaa lagu soo waramayaa in uu dagaal aad u culus uu ka soconayo oo ka xoog badan kuwii hore, waxaana daryanka Madaafiicda goobaha laga maqlayaa deegaanada ku dhaw Aagaga Dagaalka.

 

Salaad Cali Jeelle oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga ayaa saakay Sheegay in dagaalkii dhacay ay qasaaro aad u badan ugu geysteen ciidamada Maxaakiimta islaamig ah, waxa uuna sheegay in wax ka yar Shan KM ay u jiraan Magaalada Buurhakaba.

 

Ma jirto war madax Banaan oo xaqiijin kara Guulaha la kala sheeganayo, waxaana dagaaladan ay rajo beel ku sii ridayaan dadkan Soomaaliyeed oo la il darnaa dhibaatooyinkii horay u soo maray oo ay ugu darsameen Daadad, hadana waxaa u sii dheer Dagaalo iyo deganaansho xumo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Xoogsade:

Caaqil, You are forgetting that Puntland is fully behind this war funding it and providing both a place and the means of survival to the Ethiopian Army killing their neighbours saxib. Galkacyo is completely overtaken and made into an ethiopian garrison with all the logistics the xabashis need to sustain themselves on the war against the somalis they have beef with. They won't go back miles to resupply themselves, it is all available. Puntland is theirs while the somalis who hailed from Galkacyo south and far beyond were expelled few days ago from Puntland.

 

Caqli xumadana waxaa ka daran, dowlad loo wada dhan yahay aa rajo laga qabaa after all said and done. Very sick indeed.

Xoogsade,

With all due regard, this is somalia problem and the somali in Somalia are the prtagonists.

Until people face this fact, nothing can get solved by blaming ethiopia.

 

This was in 90s and now the same is being repeated. Even the lies are repeated word for word. Didn't work then, I don't know why some of you think will work now. Please read the following quote from the 90s.

 

Aideed supporters flee 'Ethiopian-backed' factions

 

 

Hundreds of Somalis are reported to be fleeing the town of Qoryoleh, south of the capital Mogadishu, fearing an advance by factions they believe are backed by Ethiopia.

The exodus from the town and neighbouring villages is made up mainly of supporters of Hussein Aideed, and they are making their way towards Mogadishu.

 

They told journalists they were worried that Qoryoleh would be attacked by Ethiopian troops who they say are supporting the Rahanwein Resistance Army (RRA).

 

 

The RRA took the town of Baidoa from the forces of Hussein Aideed this month, after several days of fierce fighting.

 

Hussein Aideed said Ethiopian tanks and heavy weapons were responsible for his defeat.

 

Ethiopia has denied arming any militias or sending in its own armed forces.

 

The RRA says Qoryoleh is being used as the main military base for Ethiopian Oromo groups, which it says are helping Hussein Aideed with backing from Eritrea.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this