Sign in to follow this  
GAAROODI

Abdullahi Yusuf “Waxay keeni karaan Puntland inay burburiyaan

Recommended Posts

GAAROODI   

Cabdillaahi Yuusuf oo Somaliland iyo Puntland ugu Baaqay inay sii Diyaarsadaan Awood ay Iskaga Difaacaan Al-shabaab

“Muqdisho inay qabsanayaan aniga shaki ahi igagama jiro… Puntland iyo Somaliland waxaan kula talin lahaa inay ka diyaargaroobaan oo ay yeeshaan awood ay isku difaaci karaan marka Muqdisho laga soo faaruqo”

 

Con. Cabdillaahi Yuusuf Axmed

 

London (Jam)- Hoggaamiyihii hore ee dawladdii Mbeghati Con. Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo hadda magangalyo siyaasadeed ku jooga dalka Yemen, ayaa markii u horreysay tan intii xilka laga qaaday ka hadlay khatarta kooxaha Islaamiyiinta ahi ku hayaan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, isaga oo dawladda Somaliland iyo Maamulka Puntland ugu baaqay in ay samaystaan awood adag oo ay kaga hortagi karaan kooxda Al-shabaab.

 

Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo hadda safar caafimaad u jooga magaalada London ee carriga Ingiriiska, ayaa waraysi uu siiyey shalay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, waxa uu hoosta ka xarriiqay in aannu wax shaki ahi kaga jirin in kooxda Al-shabaab si dhakhso ah gacanta ugu dhigayaan magaalada Muqdisho, kana takhalusi doonaan dawladda uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee isaga xilka [soomaaliya] kala wareegay.

 

“Waxay keeni karaan Puntland inay burburiyaan, haatana waa bilow ficilka iyo dilalka ay wadaan, ula jeedadoodu waxa weeye markay Muqdisho ka soo faaruqaan ee dawladda Sheekh Shariif burburiyaan Puntland iyo Somaliland ayey ku soo socdaan, aniguna waxaan kula talin lahaa labadaa qolo inay ka diyaargaroobaan oo ay yeeshaan awood ay isku difaaci karaan marka Muqdisho laga soo faaruqo, Muqdisho inay qabsanayaan aniga wax shaki ahi igagama jiro, Koonfur inteedii kalena waabay haysaan. Markaa ma waxay kula tahay inay intaa ku kaaftoomayaan oo ku joogsanayaan, Puntland iyo Somaliland baanu qabsanaynaa ayey yidhaahdeen, Jabuuti baanu qabsanaynaa ayey yidhaahdeen, Itoobiya iyo Kiiniya ayaanu markaa weeraraynaa bay yidhaahdeen, waa wax ay si cad u sheegeen ilaa ay Maraykan iyo Ruushka qabsanayaana in aanay dagaalka joojinayn waa loo jeedaaye,” ayuu yidhi Cabdillaahi Yuusuf oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey sida uu u arko qaraxyada iyo weerarada sida isdabajooga ah beryahan uga dhacayey degaannada Maamul-gobolleedka Puntland iyo halista ay u keeni karaan.

 

Waxa kale oo Cabdillaahi Yuusuf ka hadlay aragtidiisa ku wajahan awoodda kooxda Al-shabaab iyo sida keliya ee lagaga takhalusi karo oo uu ku tilmaamay xoog lagu muquuniyo, “Anigu ilaa maalintii la i dhaarinayey ee 14 October 2004-tii adduunka iyo Soomaalidaba codsiyo isdabajoog ah ayaan u jeedinayey, waxaana ka hadlayeyna dhab ayey ahaayeen, waan arkayey xaaladdu inay sii xumaanayso oo sii baaba’ayso, waxaanan arkayey haddaan waxaa awood lagaga hortegin in aanay dib-u-heshiina oggolayn, soomaaliya inay xasishana oggolayn, Soomaaliya waxay doonayaan uun inay ka dhigtaan meel ay ciidammadooda ku tababartaan oo ka duulaan, dawladna ma rabaan, islaamnimada ay sheeganayaana haddaanay been sheegayn anigu ma ictiraafsani.”

 

“Horta nimankaasi oo ajanebi badani ku jiro intay joogaan Soomaaliya, oo Al-qaacida ay ka qaadanayaan awaamirta, wixii wax gacanteena ka baxsan oo khatar ah oo gacanta Al-qaacida ku jira ayaan u arkaa anigu oo ay tahay, in kale oo waxay doonayaan ma awood bay doonayaan? Ma wax kale ayey doonayaan? Garanmaayee oo iyaguna diin ku gabbanaya oo qaska wax ka wadaa way jiraan. Tan iyo waagii burburku dhacay 1991-kii iyaga ayuun baa is dhaldhalayey oo kolba magac la baxayey ee waa isla wixii, waqtigaana inqilaab ayey nagu sameeyeen, saddex bilood ayaanu dagaalamaynay oo aanu isku baaba’nay, markii dambe waanu ka soo saarnay Puntland. Waxan kale waa wax ay ku shaqaysanayaane horta mushkilada jirtaa Shabaab weeye, Shabaabna shan farood iyo calaacal inta la isula tago in waddanka laga saaro oo la baabiiyo maahee Soomaaliya weligeed xasilimayso, waxaanan u arkaa in gobonimadii, sharaftii iyo jiritaankii ummadda Soomaaliyeed waxa hortaagani inay nimankaa yihiin,” ayuu yidhi Cabdillaahi Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

crocodile tears from the the devil himself. Good luck pirate-land alshabab is commin, god be with you.

 

We on the hand will just wait at the border and when they come run them over with the tank battalions.

 

your cumamads wont save you when you cross the border of Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^^^lool Why don't ina Yey comeback to Somalia and put Alshabaab in time out.

 

But hey Garoodi easy with the empty bravado. AS would overwhelm the SL forces. It aint like anything you seen before buddy and not much of the SL/PL skirmishes prepared the SL army for the fury of gun wielding wadaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this