Sign in to follow this  
nuune

Hadalheynta Qarniga: Khamriga iyo Caasimadaha wadanka

Recommended Posts

nuune   

KHAMRIGA IYO GAALKACYO.

 

Source: Raxanreeb

 

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa bilihii ugu dambeeyay ku soo badanayay Cabida iyo Iibinta maandooriyaha musiibada ah ee Khamriga, waxaana waqtigani sii kordhaya dadka faraha badan ee caba iyadoo aysan qarsoonayn ama uusan daah saarneyn goobaha lagu gado Khamriga ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee maamulka Puntland.

 

BAAR UDUG.

 

Muxuu yahay BAAR UDUG? Baar Udug waa baar ka sameysan Jiingado iyo tiirar, waxaa uu ka kooban yaahy qolal farabadan oo isku furan, isla markaana leh barxad ama barando weyn, oo mararka qaar la dhex dhigo baabuurta Khamriga lagu keeno, waana goobta ugu weyn ee magaalada Gaalkacyo, lagu iibiyo Khamriga, waxaana ay ku taala bartamaha magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, gaar ahaan Xero Dayax.

 

Xilliyada ay ugu mashquulka badan tahay xaruntaasi waxaa weeye Gabal dhaca ilaa iyo habenkii saqda dhexe, waqtigaasi oo ay dad badan oo caba ay ka gataan maandooriyaha Khamriga, marka aaad soo ag martana waxaa ay indhahaagu qabanayaan Baabuur farabadan oo ah nooca xaragada oo Parking ku jira, kuwaasi oo u badan gaadiidka ay ka xeystaan kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.

 

Waxaa xarunta iibka Khamriga ee UDUG, ilaalo ka ah malayshiyaad loogu talo galay ilaalinta xarunta, mana jirto cabsi weyn oo ay ka qabaan in ay soo weeraraan Ciidamada Amaanka ee Gobolka, balse waxaa ay inta badan farta wadnaha uga hayaan amaa qof cabey uu waxyeelo ka geystaa xarunta dhexdeeda, sida waxyeelo dhawaan soo gaartey Haweeneydii goobta Khamriga lagu gado lahayd oo la sheegay in ay dhaawacantay kadib markii ay is rasaaseeyeen labo nin oo cabsan.

 

XAGEE KA YIMAADAA KHAMRIGA GAALKACYO SOO GALA?[/b]

 

Khamriga ugu faraha badan ee soo gaara magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa uu ka yimaadaa dhinaca wadanka Itoobiya, waxaa uu soo maraa dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, waxaa uuna aakhirkii ka soo galaa magaalada dhinaca deegaanka Beyra oo wax ka yar 50Km u jirta magaalada Gaalkacyo.

 

Khamriga ugu tirada badan ee soo gaara gaalkacyo waa Daraay Jiin, waxaa xiga Biirta oo laba nooc ah oo lakala yiraahdo Harar Biir iyo Adis Biir, oo labaduba ka yimaada Itoobiya, Daraay Jiintana waxay u timaadaa iyadoo dhalooyin ah iyo iyadoo ku jirta jirigaabo oo hadhow laga shubo.

 

waxaa kaloo jira nooc khamriga ah oo ay burcad badeedu kala soo degto maraakiibta xiliga ay soo qafaashaan doomaha iyo maraakiibta laakin ma soo dhaafto magaalooyinka xeebaha sida Eyl iyo Garacad.

 

 

udug_oo_dhexyaalo_iska-rogada_keenta_kha

Baar Udug oo ku caan baxdey cabida iyo iibinta khamriga

 

 

baar_udug.jpg

Hoteelka ugu caansan ee khamriga laga cabo oo kuyaalo Gaalkacyo

 

khamro_dhalooyin_ah.jpg

Ayadii oo daadsan waa tan

 

 

Next, Xaafad Hargeisa ka mida oo ku caan baxdey sameenta ama soo saarida khamriga nooca loo yaqaano wiski oo qaali ka ah dunida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War ninka waxaan soo qoray muu soo sawiro baabuurta "parking" ku jirta ee uu ka hadlay iyo khamri la kala iibsanaayo? The last picture is also misleading and definitely not from that little buush as you can see the brick wall and concrete floor.

 

That ugly jiindal house could indeed be a place where an old woman sells tea.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ You missed the picture where the iska-roge is parked covered with jiingado around it to conceal khamriga laga soo daad gureenayo(that is the parking the authorka uu ka hadlayay), si fiican sawirka u fiiri.

 

 

udug_oo_dhexyaalo_iska-rogada_keenta_kha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this