Sign in to follow this  
Jacaylbaro

KULMIYE Receiving More Supporters from Awdal

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-08-23 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Xaflad loo Samayey ku soo biirida Beesha Maxamed Case ee Samoon Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeyasa.

 

Munaasibadaas oo ay ka soo qeyb-galeen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo], Masuuliyiinta sar sare oo Xisbiga KULMIYE ah, oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan labada guddi fulineed ee Xisbiga, Xildhibaanada Golaha Wakiillada iyo aqoonyahanka, Siyaasiyiinta iyo Sulaadiinta Beesha Maxamed Case ee ku soo biiray Xisbiga.

 

“Halkan waxa jooga beelaha Maxamed Case Aqoonyahankoodi, Suldaankoodii, Wax-garadkoodi iyo Siyaasiyiintoodi, Waxa ay gurmad la yihiin Siyaasada ragaadsan ee wadanka hogaanka hayaa ay ku hagayaan ayey ka mid yihiin oo beelaha inay gurmad ka gaalaan oo ay xirfada iyo taariikhda bedelaan, oo ay u wareejiyaan Xisbiga KULMIYE” ayuu yidhi Xasan Daahir

 

“Waxa la isku xantaa Hogaaminta Maamulka talada hayaa Beesha uu ka soo jeedo ay wax gaara ay ku qabto, Beelo kale-na joogitaanka Maamulkan ay wax ku waayeen” ayuu yidhi Daahir Xasan

 

Waxa kale oo Daahir Xasan [bilaawa-Cadde] sheegay inay beeshu gurmad u tahay sidii ay u toosin lahayd Xukuummada, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Beesha Maxamed Case waxay gurmad ka tahay sidii loo toosin lahaa maamulkan iyo Cadaalad daradan ku dhacay Gobolka Awdal inay saxaan ayey diyaar u yihiin”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “ Waxa kale oo ay diyaar u yihiin inay Xisbiga KULMIYE oo maanta ah ka ay Dabeyshu u dhacayso, inay ka hawlgalaan oo ay ku biiraan”

 

Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee u horeeyey Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax [Cabdiraxmaan Laba Tolle] oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey beesha Maxamed Case ee Xisbiga Mucaarid ah ee KULMIYE ku soo biirtay, waxaanu yidhi “ Waa Beelahayaga [********] beelaha ugu door roon, ee ugu reer Magaalsan, Somaliland uun kuma eeka ee waa raggii Faransiiska Jabuuti la saxeexday”

 

“Sharaf ayaad u tahay [Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Aadan Jaamac Hoori] Xisbiga KULMIYE iyo Qaranka iyo beesha reer Awdal ee aad ka soo jeedo oo beryaha qaarkood lagu tirinayey malaha ninkan [Rayaale] gar iyo gardaraba way ku taageerayaan, cidd tidhaahda Madaxweynow sidan dalka ku wadimaysid waar reer Awdal miyaanay lahayn” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.laba tole.

 

Cabdiraxmaan laba tolle oo la hadlayey Beelaha u deegaanka Gobolka Awdal waxa uu yidhi. “Beelaha reer Awdal ee laga yaabo inay weli sii quudareynayaan hogaanka UDUB, Waxaan leeyahay waxa ku dayasho mudan Beesha Maxamed Case, oo weliba may soo habsaamin”

 

“Beelaha reer Bari, ka bilow uma jeedo uun Burco iyo Sanaag ka bilow Hargeysa, hadaad moodayseen inuu reer Awdal wax siyaado ah ku qabeen [Hogaanka] qudhaanjooy ku quuso” ayuu yidhi Cabdiraxmaan laba tole oo cadeeyey inaanay hogaanka Xukuumada Madaxweyne Rayaale wax dheeraada ku qabin reer Awdal.

 

Muj: Cabdiraxmaan laba-tole waxa uu ku bogaadiyey shacbiga reer Somaliland inay dadkooda meel karaacaan, inta ay goori goor tahay, hadii ay Xukuummada Madaxweyne Rayaale naf leedahay reer Awdal ayaa sii joogi lahaa. “Haday wanaag leedahay oo ay Xaq ku socoto, oo ay sharaf leedahay [Xukuumada Rayaale] reer Awdal ayaa sii joogi lahaa, waxaan leeyahay ha ku daba lumina ee inta ay goori-goor tahay umadaada dhinac ka raac” ayuu yidhi.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay farxad weyn u tahay inuu maxfadkan ka hadlo, “Xafladan qiimaha iyo qaayaha leh ee aan isugu nimi waxa ii farxada inaan ku soo dhaweeyo qalbi furan iyo laab furan Beesha walaalaheena [Maxamed Case] ee halkan maanta ka cadeysay taageerada ay u hayso Xisbiga KULMIYE iyo ku soo biiridooda” ayuu yidhi.

 

Axmed Siilaanyo waxa uu ka cudur daartay inuu iska ilaalinayo inuu Wax ka sheego Madaxweyne Rayaale, waayo doraad ayaanu wada qadeynaynay, ayuu yidhi.

 

“Madaxweyne Rayaale doraad ayaanu wada qadeynayno, oo waa lana heshiisiiyey inuu Ceeshku I qabtaan ka baqayaa, horta anigu halkaa daarimaayo Madaweynaha iyo Dawlada oo walaalkay Cabdiraxmaan ayaa ii yidhi” ayuu yidhi Siilaanyo.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaasi raaciyey oo uu yidhi “Wadankeena yar ee aan Ictiraaf haysan [somaliland] ee waynu ka tilmaamanahay Caalam ahaan Geeska Afrika, waxaan Dawladaha qaarkood gaadhin ayeynu gaadhnay, marka hore Sharafta aynu haysano Ilaahay ayeynu ugu mahad-naqaynaa, iyo shacbiga reer Somaliland”

 

Md. Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo] oo ka hadlayey Gudida Dhex-dhexaadinta Khilaafka Golayaasha Qaranka waxa uu yidhi.“ Todobaadka aynu soo dhaafnay ayaa waxa uu ka markhaati kacayaa arrin dhaqan inoo ahaan jirtay, Maalinta ay arrintu adkaataba waxay leenahay dad iyo ummad gurmata oo waxeeda toosisata”

 

“Car-qalado badan ayeynu ka soo gudubnay in muddo ah, Waynu arkaynay waxa ina jiidanayey Maamulkii oo sida aynu doonayno noqon waayey, waxa ina jiidanayey iyada oo geedi socodkii dimuqraadiyadu inaga qaloocday, waxa ina jiidanayey iyada oo wax aynaan jeclayn inay dalkeenana ka dhacday, oo musuq-maasuq leh., oo Eex leh, oo Maamul Xumo leh oo ay waxyaalo badan dalkeena ka dhacayeen, mararka qaarkood waxa dhacday inay baqdino badan ina galaan”

 

Waxa uu Siilaanyo ku dooday inaynu u baahanahay inaynu wax ka bedelno sidii aynu u socon jirnay, “Waxaynu u baahanahay inaynu Maamulkii dalka Jiray inay bedelno oo jidkaa aynu qaadanay inaga oo aan Xumaan u mareyn nidaamkii aynu dhisanay ee ahaa Axsaabta badan, inaga oo u mareyna Doorasho”

 

“Shacbiga wax dooranayaa ayaa awooda iyo cidda ay dooranayaan ee ay Maamulka u dhiibanayaan, markay ku haynayaan iyo marka ay dejinayaanba” ayuu yidhi. Siilaanyo

 

Xildhibaan Ikraan oo iyana Munaasibadaasi ka hadashay waxay tidhi “Bal hada reer Awdalna dhagaha halaga sii daayo waxaa nalaga badiyay reer Awdal waa wada UDUB, Laakiin reer Awdal maaha wada UDUB ee waxaase yara leenahay in aanu hadba Dawladdii jirta aanu u hogaansanaano Marka Daahir Rayaalena waxa uu ka mid yahay Dawladdihii hore ee aanu u hogaansanayn markaa waxaan leeyahay hanaga didina ee reer Awdal Daahir ma wada aha”

 

Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]

Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxa dhowaan shir jaraaid ku qabtay hotel maansoor ee Hargeisa beesha Maxamed Case oo ka mid ah beelaha ugu waaweeyn beelaha ******** oo cadeeyay inay gebi ahaanba beeshu ku biirtay xisbiga Kulmiye kalsoonidiina ay kala noqdeen xisibiga madaxweyne Rayaale ee UDUB. Waxa kale oo jagadii uu kahayey xukumada iska casiley wasiir ku xigeenkii xanaanad xoolaha oo ka soo jeeda beesha Maxaed Case ee ku biirtay Kulmiye, isagoo halkaasna qudbad ka jeediyay uu kaga waramayey ujeedad uu iskaga casiley xilkii uu hayey ee uu ugu soo biiray Xisbiga Kulmiye isagoo sheegay in golaha wasiiradu aanay ahayn in iyagu jeebka buuxsadaan, isla markaasna dalku meel khatar buu marayaaye in la siku tanaasulo isagoo markii uu arinkaas ka yidhi shirkii golaha wasiirada 6dii August lagu gacansaydhay oo lagu wada oriyey. (lagu qaayliyey), beeshan maxamed case waxa kale oo ka dhexmuuqday wasiirkii hore ee qorsheynta qaranka iyo suldaanka beesha.

 

Arintani waxay dhaawacweyn ku noqotay Xisbiga UDUB,

 

HERE

Share this post


Link to post
Share on other sites
zamatar   

Maxaa la odhan jirey: Kulmiye Dhalay Wuu Dhacay Udub :cool: Nothin can stop Kulmiye this time..But then u never know..meeshu waa africa things can gange i minutes..JB Doonta soo rac anda yey kaa tegine :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

loooooooool ,,,, we still have sometime before we fully excited.

 

UDUB must have plans for all this ,,, they usually play their cards in the last minute. But this time seems Kulmiye is winning a lot of people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Madaxweyne Rayaale doraad ayaanu wada qadeynayno, oo waa lana heshiisiiyey inuu Ceeshku I qabtaan ka baqayaa,
horta anigu halkaa daarimaayo Madaweynaha iyo Dawlada oo walaalkay Cabdiraxmaan ayaa ii yidhi” ayuu yidhi Siilaanyo.

:D Af wax cunay ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Madaxweyne Rayaale doraad ayaanu wada qadeynayno, oo waa lana heshiisiiyey inuu Ceeshku I qabtaan ka baqayaa,
horta anigu halkaa daarimaayo Madaweynaha iyo Dawlada oo walaalkay Cabdiraxmaan ayaa ii yidhi” ayuu yidhi Siilaanyo.

:D Af wax cunay ...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this