Sign in to follow this  
Jabhad

The war on occupation forces continuees..

Recommended Posts

Jabhad   

Askari Itoobiyaan ah oo maanta lagu dilay Magaalada Kismaayo

 

Khamiis, January 25, 2007(HOL): Askari Itoobiyaan ah ayaa geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu nin ku hubeysan Bastoolad iyo Toorreey uu ku weeraray suuq ku yaala Magaalada Kismaayo oo dharka lagu iibiyo.

 

 

 

Ninka hubeysnaa ayaa la sheegay in uu madaxa xabad kala dhacay Askariga Itoobiyaanka ah ee geeriyooday iyo midka dhaawacmay, iyadoo kadibna uu baxsaday sida ay ku warameen dad ka dhawaa halka uu falkaas dilka ah ka dhacay.

 

 

 

Kadib markii uu dhacay dilka loo geystay Askariga Itoobiyaanka ah ayay gacan ku heynta Suuqa Magaalada Kismaayo la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan, waxayna taasi keentay in ay dadkii ku ganacsanayay Suuqa Kismaayo ay ganacsigooda joojiyaan, iyagoo ka cabsi qaba in ay dhibaato u geystaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Askariga laga dilay.

 

 

 

Waa markii ugu horeysay oo fal dil ah loo geysto Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Gobollada Jubbooyinka, gaar ahaana magaalada Kismaayo, iyadoo dilka maanta loo geystay Askariga Itoobiyaanka ahna uu ku soo beegmayo iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya ay bilaabeen in ay baxaan.

 

 

 

Ugu Dambeyntiina Ciidamada Itoobiyaanka ayaa magaalada Kismaayo waxay gaareen kadib markii ay halkaasi isaga baxeen Maxkamadihii Islaamka oo muddo 6 bilood ah ka talinayay deegaano ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Askari Itoobiyaan ah oo lagu diley Bartamaha Kismaayo

 

Jan 25, 2007: Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa maanta lagu diley askari Itoobiyaan ah, mid kalena xabbadka dhaawac laga gaarsiiyey.

 

Warku waxa uu intaas ku daray in dadka weerarkaas geystey ay ku hubaysnaayeen bastoolado, askarta Itoobiyaanka oo ku hubaysnaa qoryo AK-47 la qaatay qoryihii, waxayna weerarkasi ka dhacay suuqa magaalada Kismaayo oo ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin 25 maalmood. [ Akhri: Gunmen attack Ethiopian soldiers in Somalia, killing 1].

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ammaanka Caasimadda Soomaaliya oo sii xumaanaya iyo Dowladda Federaalka oo arrintaas lagu eedeeyay

 

Dhaca, dilka iyo kufsiga ayaa ku soo badanaya Caasimadda Soomaaliya, iyadoo habeen kasta dad waxyeelo loo geystay la geeyo goobaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho.

 

Habeenkii xalay ahaa ayaa ilaa iyo 5 ruux oo qaarkood loo dilay Telefoonka Gacanta lagu qaato lagu weeraray Xaafadaha Muqdisho kuwaas oo Naftooda ku waayay telefoonada Gacanta lagu qaato.

 

Isbitaalka Madiina Magaalada Muqdisho ayaa la dhigay 3 –dii Maalmood la soo dhaafay dhaawacyo tiro ahaan dhan 75 ruux sida uu sheegay mid ka mid ah Madaxda Caafimaadka Isbitaalkaas.

 

Isu socodka dadweynaha habeenkii ayaa hoos u dhacay tan iyo markii Caasimadda Soomaaliya la wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Dowladda Itoobiya.

 

In kastoo Waddooyinka qaar la soo dhigay Ciidamada Booliska haddana kuma guuleysan Ciidamadaas inay ka hortagaan kooxaha ku kaca falalka ka baxsan Bani’aadamnimada.

 

Qaar ka mid ah dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku eedeeyen Dowladda Soomaaliya inay ku fashilantay sugidda ammaanka Caasimadda, iyadoo la ogsoon yahay in xilligii Maxkamadaha joogeen in ammaanka Caasimadda aad u wanaagsanaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Labo Askari oo ka mid ah Ciidamada Itoobiyaanka ayaa lagu dhaawacay magaalada Kismaayo, inksatoo hal Askari uu dhaawcii soo gaaray uu u geeryooday.

 

Hobyonet. Muqdisho. Khamiis, Jan, 25, 2007

 

Labadaan Nin oo ka mid ahaa CIidamada Itoobiyaanka ah ayaa waxey ka iibsanayeen Record iyo alaabo kale Suuq ku yaal magaalada Kismaayo.

 

Labada Nin ayaa waxaa toogasho la beegsaday hal nin oo watay Bastoolad waxuuna labaadaasi Askari uu kaga dhuftay xabada Madaxa, waxuu kaloo ninkaasi adeegsaday Toorey .

Ninkaasi ayaa waxuu ka qaatay qoryihii ay wateen Ciidamadaasi Itoobiyaanka ah, lamana garanayo halka uu cirib iyo jaan dhigay.

 

Suuqyaraha Magaalada Kismaayo oo arrintani ka dhacday ayaa waxaa loo laabay Albaabada , taasoo Rabshadii halkaasi ka dhacday ay sababtay in dadku ay halkaasi isaga dareeraan.

 

Warar kale ayaa sheegaya in Xirirtaanka Goobaha ganacsiga ay ka dambeeyeen Ciidamada dowladda Federalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah, kuwaasoo markii falkaan uu dhacay kaddib soo gaaray goobta Suuqyaraha magaalada.

 

Goob joogayaal ayaa ku soo waramaya in la xir xiray dad rayid ah oo goobtaasi ka agdhowaa isla markaana aan ku lug laheyn falkaan balse ay ciidamadu sheegeen in ay ka shakisan yihiin.

 

 

 

Maslax Osmaan

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

"Labada Nin ayaa waxaa toogasho la beegsaday hal nin oo watay Bastoolad waxuuna labaadaasi Askari uu kaga dhuftay xabada Madaxa, waxuu kaloo ninkaasi adeegsaday Toorey .

Ninkaasi ayaa waxuu ka qaatay qoryihii ay wateen Ciidamadaasi Itoobiyaanka ah, lamana garanayo halka uu cirib iyo jaan dhigay."

 

Somalida xalaasha ah doing their duty to liberate Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this