Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Galgala mountains training camp captured+Atam vacates Madarshoon fighting in Xammur

Recommended Posts

Dagaal maata dhex maray ciidamada Puntland iyo kooxda ka soo horjeeda oo khasaare keenay.

 

 

Gal-gala(WNT)-Wararka naga soo gaaray buulayda fog ee deegaanka Gal-gala ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu dagaal ka dhacay kaasi oo u dhexeeya ciidamada daraawiishta Puntladn iyo kooxda ka soo horjeeda ee uu hofaamiyo wadaadka la sheego inuu xiriir la leeyahay ururka Al-shabaab ee Max’ed Siciid Atam.

 

Dagaalka ayaa keenay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyadii iska soo horjeeday.Masuul khadka telefoonka nagula soo xiriiray oo u hadalay ciidamada daraawiishta Puntland ayaa sheegay in kooxda ka soo horjeeda oo markaasi ka guuraysay saldhig weyn oo tabar oo ay ku lahaayeen buuralada fog ee waqooyiga deegaanaka Gal-gala ay si lama filaan ah uga soo dul dhaceen.

 

Dagaalkaan ayaa keenay dhaawac 4 askari oo ka tirsan ciidamada darawiishta Puntland waxaana dhaawicii u dhintay mid ka mid ah raggii dhaawacu soo gaaray.

 

Waxaa iyana dhimasho aan tiradooda la xaqiijin soo gaaray ciidamadii taabacsanaa Max’ed Siciid Attam,waxaana lagala wareegay saldhigii ay ku sugnaayeen oo la sheegay inuu muddo dheer u ahaa mid tababar.

 

Wararka ayaa intaas ku daraa in ciidamada Max’ed Siciid Attam ay ku guurayeen oo gaadiid ahaan u istmaayeen Dameero, dameero dhawr ahna ay halkaasi ku dhinteen.

 

Wararka laga heli karo halka ay isla gaareen ciidamada dagaalamaya ayaa aad u yar waxaana taasi sababay isgaarsiinta oo aad u liidata.

 

Wixii ka soo kordha kala soco Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faahfaahin dagaal maanta duhurkii ka dhacay Madar-shoon 18km u jirta deegaanka Galgala

 

Posted to the Web Aug 11, 14:04

 

Boosaaso:-Waxaa isa soo taraya dagaalo maanta ka dhacay duhurkii tuulada Madar-shoon oo qiyaastii u jirta 18km u jirta tuulada Galgala kuwaas oo u dhexeeyey ciidanka Puntland iyo ciidamo daacad u ah Sh Atam.

 

 

Dagaalka ayaa waxaa uu qaraxay ka dib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaaden tuulada Madar-shoon oo saldhig u ahayd Sh Maxamed Saciid Atam oo sheegay in uu xeelad dagaal uga baxay Galgala.

 

Wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay la wareegeen Saldhigga Madar-shoon oo ay ku sugnaayeen saaka ciidanka Atam.

 

Dagaalka ayaa haatan waxaa uu ka socdaa meesha lagu magaaco Xammur waxaana la maqlayaa hubka ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

 

 

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco Halgan.net

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidanka Puntland oo saaka weeraray Tuulada Madar-shoon guulana sheegtay

 

Posted to the Web Aug 11, 12:49

 

Boosaaso:-Warar uu na soo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee ku sugan Boosaaso ayaa sheegaya in saaka ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugan yihiin ciidamo daacad u ah Sh Atam.

 

Dagaalka ayaa ilaa haatan socda waxaana waxaana la keenay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari 5 askari oo dhaawac ah.

 

Masuuliinta Puntland ayaa horey u sheegay in ay joojin doonin dagaalka ay kula jiraan kooxda Sh Atam xili uu Sh Atam sheegay in dagaalka uu haatan bilaaw yahay uuna sii wadi doono.

 

Sarkaal ka tirsan ciidanka daraawiishta ee Puntland oo la yiraahdo Cumar C/laahi ayaa u sheegay idaacadaha maxaliga ah in ay la wareegeen Tuulada Madasho ayna geyn doonaan saxaafada .

 

Ilaa haatan ma jirto cid madax banaan oo cadeynaysa guusha uu sheegtay Col.Cumar C/laahi .

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gallad   

Cumar C/laahi taliyaha badhan what is he doing in Galgala. So its true that Puntland left no pirate behind to fight this war?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gallad   

^ are you talking to me?

 

Where are the borders of Puntland? is it from Galgala, Garowe, and North side of Galkacyo?

 

What a scapegoat? you cannot go to Lasanod, can you? You can show off your soft muscle by killing inscent small army in the jungle, but you cannot lay finger on S/land and Galmudug, they both defeated you in Galkacyo and Lasanod.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool Only a weak man talks about muscles, where is the project for Jubaland horn, and Hiiraale's farts. Yes I am talking to you my lad, for your fakery knows no bounds.

 

Puntland is here to stay my boy, its stronger today, more cohesive and developing as we speak.

 

As for LA, it will be brought to the fold, without much fuss, but the threat of the Shabby Jihadi's is much more than any from a secessionist.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galgala:Ciidanka Puntland oo la wareegay Saldhigii Sadexaad oo Atam uu xarunta u ahayd…(Warbixin).

11. august 2010

 

APL

 

 

Galgala:(Allpuntland)-Ciidamada Amaanka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo dhowr cutub ka kooban islamarkaasna maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa buuraleyda gobolka Bari ee dawlada Puntland ayaa maanta dagaal culus la galay qaarkamid ah ilaalada Khaaska ah ee Hogaamiye diimeedka la tuhunsayhay inuu xiriir dhow la leeyahay ururka Alshabaab.

 

Sarkaal katirsan ciidamada dawlada Puntland islamarkaasna hogaaminayey Ciidankii ay maanta Hogaamiye Atam ayaa sheegey in Ciidankoodu ay maanta si toos ah u qaadeen Weerarkan,waxaana uu sheegey in 3-Askari ay dagaalkaas uga dhaawacmeen,islamarkaasna ay lawareegeen Saldhigii uu labadii cisho ee lasoo dhaafay degenaa Hogaamiyaha maanta la weeraray.

 

Sarkaalkani wuxuu sheegey in Maanta Duhurnimadii uu dagaalkaas aad u cuslaaday,waxaana uu intaas kudaray in Atam & ciidamo kooban ay u carareen dhanka silsilada Taxanaha ah eek u dherersan bariga afrika kuwaas oo Golis lagu magacaabo,waxaana uu sheegey in ciidankoodu ay weli baacsanayaan Hogaamiyahan oo uu sheegey in lagu amray inay gacanta kusoo dhigaan.

 

Goobjooge kusugan Deegaanka Maqashon ee 18-km dhanka Galbeed bari ugu beegan Tuulada Galgala ayaa APL u sheegey in ciidamada dawlada Puntland ay galabta si toos ah ula wareegeen deegaankaas,waxaana uu intaas kudaray in Boqolaal Ciidan ah oo katimid dhanka Galgala kana tirsan kuwa Puntland ay isla galabta soo gaareen Deegaaankii uu maanta dagaalku ka dhacay.

 

Sidoo kale Goobjoogahan oo magaciisa ku koobay Maxamed Cismaan wuxuu sheegey in Ciidamada Hogaamiye Atam laweeraray xili ay ku jireen Qado karsi islamarkaasna ay Cunto ku karsanayeen Difaac ay halkaas ku lahaayeen,waxaana uu ka gaabsaday inuu APL si toos ah ugu xaqiijiyo Dhimashada & Dhaawaca rasmiga ah ee dhanka Malayshiyaadka dawlada maanta la dagaalamay,isagoo sheegey in tiro rasmi ah aanan la hayn balse uu indhihiisa ku arkay 10-nin oo dhimasho & Dhaawac isugujira kuwaas oo ay kujiraan ilaalada khaaska ah ee Maxamed Siciid Atam.

 

Dawlada Puntland ayaanan weli si rasmi ah dagaalkii maanta uga hadlin,sidoo kalena Hogaamiye Atam weli maka hadlin Dagaalkan,balse Saraakiil katirsan Wasaarada Arimaha Gudaha ee dawlada Puntland ayaa APL u xaqiiiyey in ay qabsadeen Deegaanka maqashin oo beryihii lasoo dhaafay uu Atam degenaa,waxaana Talaabadani ay ka dhabaynaysaa Balanqaadkii madaxda dawlada Puntland oo ahaa in dagaalku socon doono inta Hogaamiyahan & Ciidankiisu ay dhaqdhaqaaqa wadaan.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland Oo Qabsatey Fariisimo Horleh Oo Ay Lahaayeen Maleeshiyaadka Uu Hoggaamiyo Atam.

 

Cawil Maxamuud Cabdi

RBC Radio, Gaalkacyo

Cawil@raxanreeb.com

 

Galgala (RBC Radio):- Dagaal ayaa maanta markale waxaa isaga hor yimid Ciidanka Puntland iyo kooxaha ka soo horjeeda ee ka dagaalama dhulka buuraleyda ee gobolka Sanaag Bari ee Puntland.

 

Dagaalka maanta labada dhinac ay isaga hor yimaadeen ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii ciidanka Puntland oo aad u hubeysan ay duulaan xoogan ku qaadeen deegaanka Madarshoon oo fariisin xoogan ay ku lahaayeen maleeshiyo deegaameedka taabacsan Maxamed Siciid Atam.

 

Saraakiisha ciidamada Puntland ee hoggaamineysay dagaalka maanta ayaa sheegay in kooxdii maleeshiyaadka ahaa ee ay ku weerareen deegaanka Madarshoon ay jab xoogan u geysteen isla markaana deegaankaasi ay ka eryeen oo ay u carareen dhul aad uga fog halkii ay markii hore ku sugnaayeen, waxaana intaa ay ku dareen in aysan ka hari doonin ilaa ay ka sifeeyaan dhulka Puntland ay maamusho.

 

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dhinaca Saraakiisha Puntland ayaa sheegaya in Maxamed Siciid Atam iyo kooxda maleeshiyaadka ah ee uu hoggaaminayo ay u baxsadeen dhul aad uga fog deegaanka Galgala ee markii hore ay fariisinka ku lahaayeen, waxaana deegaanka ay haatan ku sugan yihiin lagu qiyaasey in uu Galgala u jiro qiyaastii 30 Km.

 

Lama ogga ilaa iyo iminka khasaaraha dhabta ah ee kala gaarey labada dhinac, dhanka Kooxda Atam ayaan ilaa iyo iminka wax war ah laga helin, maadaama maanta la sheegay in dagaal culus ay la galeen ciidanka Dawladda Puntland, isla markaana dagaalkaasi uu sababay in maleeshiyada lagaga qabsado deegaankii afraad ee fariisinka u ahaa.

 

RBC Radio.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Atam's entourage attacked at their hide-out whilst unprepared. His personal bodyguard attachment have been killed. They fled to the Golis mountain range which goes through the northern regions of Somalia.

 

The Puntland army and security forces are slowly catching up with him. The Interior Minister is with the troops. The fighting and chase is 30km from Galgala town which Puntland forces returned to the government's hands and liberated last Monday from the extremists.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gallad:

^ are you talking to me?

 

Where are the borders of Puntland? is it from Galgala, Garowe, and North side of Galkacyo?

 

What a scapegoat? you cannot go to Lasanod, can you? You can show off your soft muscle by killing inscent small army in the jungle, but you cannot lay finger on S/land and Galmudug, they both defeated you in Galkacyo and Lasanod.

:D:D

 

Don't worry AMICO

 

surely they will be next to this

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this