Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Nuridiin A Diiriye holds meeting with Business community:PICS

Recommended Posts

mdggnc13.gif

 

Ganacsatada gobolka Mudug iyo Musharaxa Nuuradiin Aadan Diiriye oo ay ka wa

 

Ganacsatada gobolka Mudug ayaa waxay qado sharaf u sameeyeen Mushrax Nuuradiin iyo wafdi heer sare ah oo uu hogaaminay oo beryahanba booqasho ku joogay gobolka Mudug. Qado sharaftaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Gaalkacyo.

 

Musharaxa Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa qadadii kadib, wuxuu halkaasi si xeel dheer oo ay aqoon ku dheehan tahay u qaadaa dhigay burburka baahsan ee nabadgelyo, dhaqaalle iyo siyaasadeed ee la soo gudboonaaday Puntland. Wuxuu kaloo musharaxu halkaasi ku soo bandhigay barnaamijkiisa isbedel doonka ah.

 

 

Musharaxa ayaa wuxuu ku ammaanay ganacsatada doorka ay ka qaateen dib u dhiska dalka. Wuxuu musharaxu sheegay in ganacsatada reer Puntland ay si wadaninimo leh u bixiyaan canshuuraha, laakiin nasiib daro uusan maamulka haatan dalka ka jiraa waxba u qaban.

 

 

Musharax Nuuradiin ayaa wax laga murugoodo ku tilaamay in maanta aysan Puntland, 11 sano kadib aasaaskeedii, aysan ka jirin nidaam dhaqaale taas oo dhiiri galinkarta ganacsatada dalka, isla markaasna soo jiidan karta maalgellin in lagu sameeyo dalka. Musharaxa ayaa wuxuu u sheegay ganacsatada inuu gabi ahaanba dib u habayn ku samayn doono hannaanka canshuuraadka dalka, isla markaasna uu samayn doono siyaasad dhaqaale iyo mid dhisid kaabayaasha dhaqaale oo la isku halayn karo. Wuxuu kaloo sheegay in marka uu hogaanka dalka la wareego uu dajin doono nidaam xisaabtan iyo sharciyo lagu xakamayn karo kuwaas oo lagu ogaan karo canshuuraha dalka meesha uu k a soo galo iyo meesha lagu baxsho. .

 

 

"Waxaa hubaal ah in uu aad u khaldan yahay qaabka qaadidda canshuuraha ee DGP..Waad ogtihiin lama garan karo dhaqaalaha soo gala Puntland, lamina xaddidi karo, waxaana taasi kuu caddaynaya in madbacadaha daabaca Foojarada canshuuraha lagu qaado maaha kuwo dawladda hoos taga oo leh sumad iyo tixraac xiriirsan (serial number)… waxaan kaloo ogahay in xataa qaar ka mdi ah warqadaha canshuuraha lagu qaado in ay ilaa iyo hadda ku qoran yihiin af-Talyaani…Dowladii masuulka ka ahayd hantida iyo maaliyada dadka u dhaxaysay, oo laga sugayey in ay si fiican u maarayso ayaan sixun ugu takri fashay taasina ma ahan wax shacabka reer Puntland ay aqbali karaan…walaalayaal waxa na haysta maanta ma aha dhaqaalle xumo, ee waa aqoon darro, caddaalad xumo iyo maamul xumo is biir saday, haddii aan wax ka qaban waynana anaguna is cafin mayno, ubadkeenuna ina cafin maayaan, ilaahayna na cafin mayo……."

 

 

Mar wax laga waydiiyey musharaxa barnaamijkiisa, gaar ahaan ka ku aadan ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, ayaa wuxuu sheegay in uu muhiimadda kowaad siin doono inuu si deg deg ah gacanta ugu soo cellin doono nabadgalyo iyo ammaan ay isku halayn karaan dhammaan inta ku nool Puntland, inta ka ganacsata iyo inta soo booqata iyo hantidooda. Nidaamkaasi wuxuu noqon doonaa mid ka hortagi kara dhibaato kasta inta ayasan dhicin.

 

 

Mar uu si gaar ah uga hadlayey horumarinta ganacsiga dalka, wuxuu musharaxu sheegay in Puntland ay noqon karto xarunta ganacsiga Soomaaliya, Gaalkacyo ay noqon karto xarunta ganacsigaas. Waxaa ayaguna Qada sharaftaas ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug iyo waxgarad kale, waxaana ka mid ahaa Ganacsade Nabadoon Yaasiin C/samad Cumar oo halkaasi ka jeediyay Tix gaaban uu ku soo koobayey dhibaatooyinka hareeyey Puntland iyo sida wax qabad deg deg ah loogu baahan yahay wuxuuna ku booriyey ka soo qayb galayaashii qado sharafta inay u istaagaan badbaadinta dalka hooyo.

 

 

Waxaa asaguna goobtaas ka hadlay maamulaha Amal Bank-GaalKacyo Cali Faarax waxaaana uu sheegay in loo baahan yahay in lahelo madax cadaalad ah oo maaaraysa wadanka oo aan maanta loo baaahnayn mid kala qayb qaybiya dadka. Sidoo kale waxaa halkaaas kahadalay Nabadoon Xasan Xuseen Aw-Maxamuud (Alloore) waxaana uu ugu duceeyay musharaxa in uu in uu ku guulaystay xilka uu isu taagay. Nabadoon Aloore ayaa waxa uu tilmaamay in musharaxa maalinnimadii shalay la geeyay degmada Goldogob halkaasna laga soo caleemo saaray. Xafladaasi ayaa waxaa ay ku soo dhamaatay Jawi aad u heer sarreeysa waxaana dhamaan dadkii ka soo qayb galay ay balan qaadeen in ay tageero siin doonaan mushraxa Nuuradiin Aadan Diiriye.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Effort? R U kidding me? Why would I wanna make an effort on something so Insignificant.

 

I'm just trying to entertain my self my friend.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Waxaa hubaal ah in uu aad u khaldan yahay qaabka qaadidda canshuuraha ee DGP..Waad ogtihiin lama garan karo dhaqaalaha soo gala Puntland, lamina xaddidi karo, waxaana taasi kuu caddaynaya in madbacadaha daabaca Foojarada canshuuraha lagu qaado maaha kuwo dawladda hoos taga oo leh sumad iyo tixraac xiriirsan (serial number)… waxaan kaloo ogahay in xataa qaar ka mdi ah warqadaha canshuuraha lagu qaado in ay ilaa iyo hadda ku qoran yihiin af-Talyaani…Dowladii masuulka ka ahayd hantida iyo maaliyada dadka u dhaxaysay, oo laga sugayey in ay si fiican u maarayso ayaan sixun ugu takri fashay taasina ma ahan wax shacabka reer Puntland ay aqbali karaan…walaalayaal waxa na haysta maanta ma aha dhaqaalle xumo, ee waa aqoon darro, caddaalad xumo iyo maamul xumo is biir saday, haddii aan wax ka qaban waynana anaguna is cafin mayno, ubadkeenuna ina cafin maayaan, ilaahayna na cafin mayo……."

Read the text old boy. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this