Sign in to follow this  
Xudeedi

Poem: Overcoming The Legacy Of Colonial Rule (Puntland)

Recommended Posts

Xudeedi   

Guyaal iyo guyaal baanan tirin maansadii gabaye

Gedeheeda waanigii dhigoo gooyayoo nacaye

Geed dheer intaan fuulay baan raaxo dheer galaye

 

 

Gadaal baan xusuusaha u dayey dunida guudkeeda

Gumaystaan xusuustiyo kuwii gubay dhulkeeniiye

Gardaradii nasaarada ayeey gocatay laabtiiye

 

Gebigeed Ifriiqiya ma rabin inay gumeeyaane

Gaar ahaanna Soomaaliya ciilku ii gubaye

Midna waygu gaaroo anay gooni ii tahaye

 

Garacyada dhashood waa kuwii gubayey waayeelka

Gowraca waxay kaga tagen gaban yar oo wiila

Geeliyo waxay naga dhaceen geesaloow adhiba

 

Waa tay gumaadeen raggii gaadhka hayn jiraye

Garaaadkayga waatay xidheen meel gasiirada e(Garaad M.A.Shire)

Gacalkayga waa tay kala jareen goboladiisiiye

 

Galgaliyo Nugaal bay xidheen seerayaal gudube

Badda Garacad waa tii la yiri yaan la soo geline

 

 

Anaguna gadoodnoo kufriga gelinay tooreeye

Guluf iyo coladaan ridnoo giirka wada taagnay

Galad eebbe weeyee dulmigu gaax ma uu laha e

 

Waatay ka goosheen arliga naga guureene

Gobanimo markaasaan helnoo geelu noo dhalaye

Golayaal ayaa lagu shiraa geedihii Bariye

 

Gobeleeda Puntland baan dhamaan geliney diiwaane

Guddoon baannu leenahay hadeer loo gudboonyahaye

 

 

Guri waliba wiil baw fadhiya guurti aqalkeede (barlamaanka)

 

 

Gaalkacayo Boosaaso iyo gebiyadii Laaska(Laasqoray)

Gacan iyo xubeeriyo ilaa Dhahar gadaasheeda

Gurya samo Taleex iyo Buraan waa sinaan garabe

Gidigood Garoowaa xukuma xarunta guud weeye !!!!!!

Gallad bay dadkaygii beryahan farax la guuxeene

 

 

Aniguna gedaasaan ahoo guul ayaan helaye

Inta anan gunaanadin murtida hadalna soo goynin

Gacalow gudoomoo lix qodob geliya laabtiina

Guntiga u adkeeyoo cadligu galabna yuu dhuuman

Gardarona ma fiicnee dulmigu godob xun yuu keenin

Gurigeenni weeye martida gaajo ka ilaasha

 

Gunta tola amnigu waa muhiim giija dhinaciisa

Garashada aqoontiyo cilmiga shacabka gaarsiiya

Garabsada Islaamkana dhamaan gees kastuu xigoba.

 

 

 

 

 

Maxamad Bashiir Jaamac

gumburi1885@yahoo.com

Dhahar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Gaalkacayo Boosaaso iyo gebiyadii Laaska(Laasqoray)

Gacan iyo xubeeriyo ilaa Dhahar gadaasheeda

Gurya samo Taleex iyo Buraan waa sinaan garabe

Gidigood Garoowaa xukuma xarunta guud weeye !!!!!!

Gallad bay dadkaygii beryahan farax la guuxeene

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this